Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Jabbuuti: Wasiirro Xukuumadda Somaliland ah oo Cisbitaalka ku booqday Dhaawacyada Rabshadihii Saylac

Jabbuuti (Weedhsan) Jan 13,2013 - Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Hoggaaminayay Weftigii Xukuumadda

Somaliland u dirtay Aaskii qaran ee Guddoomiyihii Hore ee Baanka Jabbuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd, ayaa galabta Booqday Cisbitaalka weyn ee Jabuuti oo lagu dawaynayo 8 qof oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay rabashadihii Arbacadii hore ka dhacay degmadda Saylac.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md.Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka waramay dhaawacyada ay qabaan sideeda qof ee lagu dawaynayo cisbitaalka Jabuuti, waxaanu yidhi “Waxaan galabta Aniga iyo Wasiirka Madaxtooyadda oo ka mid ahayn weftigii Madaxweynaha ka wakiilka ahaa ee ka qeyb galay aaskii Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud (Xayd), aanu cisbitaalka Jabuuti ku booqanay sideed qof oo ku dhaawacmay rabashadihii ka dhacay Saylac kuwaasi oo lagu dabiibayo cisbitaalkaas.waxaanu ka xog-waraysanay dhakhaatiirta dawaynaysa. Waxaana na loo sheegay inay dhammaantood xaaladoodu ka soo raynayso oo dhaawaca ay qabaan ay ka bogsan karaan.”

“Sidoo kale, waxaanu waraysanay dadkan dhaawacmay laftooda oo aanu ILAAHAY uga barinay inuu shaafiyo isla markaana u sheegnay in xukuumadda Somaliland ay taakulo iyo gacan ka geysanayso caafimaadkooda,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay inay maanta weftigii ka socday xukuumadda Somaliland ay booqdeen madal balaadhan oo loogu tacsiyadeynayay qosykii uu ka baxay marxuum- jaamac Maxamuud Xayd oo shalay galab lagu aasay magaaladda Jabuuti.

“Waxaanu u tacsiyadeynay Madaxweynaha, Raysal wasaaraha Jabuuti, Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay marxuumku. Waxaanan ILAAHAY uga barinay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuumka, qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Jabuutina samir iyo iimaan ka siiyo,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Weftigan oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadd, waxa xubno ka ah Wasiirrada Madaxtooyadda, Maaliyadda,Warfaafinta, Waxbarashadda iyo Marwadda Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.

© Weedhsan Corporation

Xigasho: Somaliland.org

Weedhsan Magazine: Download Free

.