Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Dhimasho & Dhaawac ka dhashay Shil-Baabuur oo ka dhacay Jidka u dhexeeya Burco & Caynaba

Burco (Weedhsan) Jan 13,2013 –  Hal qof ayaa ku dhintay, 7 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo maanta ka dhacay waddada u dhexaysa Burco iyo Caynaba.

Shilkan ayaa waxa ku dhintay dirawalkii gaadhiga Kastamka magaalada Laascaanood, waxaana ku dhaawacmay toddoba kale oo la socday gaadhigan oo ku qallibmay inta u dhexaysa Caynaba iyo magaalada Burco, gaar ahaan meesha loo yaqaanno buundada Qoryaale.

Dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa gebi ahaantoodba ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee Gobolka Sool, waxaanay u socdeen shan ka magaalada Burco oo ay ku gelayeen imtixaan Wasaaradda Maaliyaddu ka qaadaysay.

Dhaawacyada dadka gaadhigu la dhacay ayaa loo qaaday dhanka Cisbitaalka magaalada Burco si loogu daweeyo.

© Weedhsan Corporation

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.