Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Oo Golaha Wakiilada U Faahfaahiyey Xeerka Tira-koobka Muwaadiniinta

Hargeysa (Weedhsan) Jan 14,2013 -Wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Golaha Wakiiladda tafaasiil ka siiyay xeerka tiro-koobka dadweynaha reer Somaliland.

Xildhibaanadda golaha Wakiilada ayaa su’aalo ka waydiiyey wasiirka Qorshaynta qaabka ay doonayaan inay u bilaabaan iyo cidda ka caawinaysa tirokoobka dadweynaha, isla markana waxay usoo jeediyeen talooyin ay ku kordhinayaan qaabka hawshaa loo hirgalin karo.

Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa faah-faahin ka bixiyey xeerkan tirokoobka dadweynaha iyo faa’iidada ugu jirta shacabka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la ogaado dadka dhalanaya iyo inta dhimanaysaba, inta waxbarashadda u baahan, xaalada kala duwan ee dadku ku sugan yihiin iyo inta dhallinyaro ah, taas oo ah xog balaadhan oo lagu hawlgali karo laguna xisaabtami karo.
Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku daray in wadamadu aanay ka maarmin inay ogaadaan dadka ku nool wadankoodda, inta muwaadiniinta ah iyo dadka aan u dhalan dalka iyo waliba qof waliba sifaha uu dalka ku jooga, waxa kale oo uu xusay in miisaaniyada sanadkan lagu soo daray lacagta lagu diiwaangelinayo dadweynaha, isla markaana meelo kalana laga filanayo inay kharashkaas wax inaga caawiyaan.

Xildhibaanadda golaha Wakiiladda, ayaa iyaguna waydiiyey siday ugu suurtogali karto maadaama oo dadweynuhu aanay jecleen inay xog bixiyaan, taasina ay ku adkaan karto dadka diiwaangelinta samaynaya, sidoo kale waxay waydiiyeen maadaama oo lacag badani ku baxayso hawshan cida ka caawinaysa, waxa kale oo ay waydiiyeen dadka loo xil saarayo inay hawshaa galaan waa dad noocee ah.

Wasiirka Qorsheynta oo su’aalihii la waydiiyey uga jawaabay,ayaa sheegay in hawshan ay wadi doonaan dhalinyaro loo tobabarayo, kuwaas oo iskugu jira dumar iyo rag ka soo kala jeedda goboladda oo dhan, isla markaana aad loo hubin doono diiwaangelinta si aanay wax khalad ahi uga iman, waxa kale oo uu xusay in dawladu ku darsatay qorshaha sanadkan la qaban doono diiwaangelinta muwaadiniinta si looga fogaado khaladaadka ka yimaada doorashooyinka iyo in la kala saaro muwaadiniinta iyo dadka kale, waxaanu sheegay inay noqon doonto mashruuc balaadhan oo dalka ka hirgali doona.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.