Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Al-shabaab Oo Maanta Ku Dhawaaqday Inuu Dhintay Askari Ay Dhaawac Ahaan Kaga Qabteen Kamaandoosta Faransiiska

Buulo-madheedh (Weedhsan) Jan 14,2013 – Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inuu dhintay askari Faransiis ah oo ay dhaawac ahaan u qabteen intii uu socday howgalkii fashilmay ee Faransiisku ay ku qaadeen deegaanka Buulo-Mareer.

Afhayeen maanta u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in askari Faransiis ah oo ay ka qabteen ciidamo doonayey inay xoog ku soo furtaan askari sirdoonka Faransiiska ah oo Al-shabaab afar sanadood haysato uu dhintay ““Askari ka tirsan ciidamada Faransiiska oo aan dhaawac ahaan ku qabanay wuu dhintay, waxaana dhawaan soo bandhig doonnaa maydadka laba askari oo Faransiiska ah” sidaa waxa yidhi  Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Wasiirka gaashaandhigga Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa suxufiyiinta u sheegay Isniinta maanta ah in Denis Allex la dilay, ayna jirin wax muujinaya inuu dhintay “Tallaabo kasta oo aan qaadnay waxay noo xaqiijisay inuu la haysta ay dileen xubinihii Al-shabaab ee gacanta ku hayay intii uu howgalku socday”

Allex wuxuu ka mid ahaa laba sarkaal oo Faransiis ah oo afduub loogu qabsaday Muqdisho dabayaaqadii sannadkii 2009, xilli ay Soomaaliya u joogeen nay ka caawiyaan dowladdii KMG-ka ahayd tababarka ciidamada “Sarkaalkii aan afduubka ku haysannay waa nool yahay wuuna caafimaad qabaa,” ayuu yidhi afhayeenka Al-shabaab, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan halka lagu hayo iyo xilliga ay soo bandhigayaan.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.