Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Puntland: Booliska Oo Rasaas Ku Kala Kaxeeyay Dadwayne Doonayey Inay Mudaharaad Ka Dhigaan Gaalkacayo

Gaalkacayo (Weedhsan) Jan 14,2013 - Ciidamada booliiska Puntland ee gobolka Mudug ayaa maanta kala eryay dad-weyne isugu magaalada Gaalkacayo, doonayeyna inay dhigaan Mudaharaad.

Booliska ayaa dibad baxayaasha rasaas kor ugu ridey si ay ukala eryaan, waxayna sidoo kale ka qaadeen qalab isugu jirey: Cod-baahiyeyaal iyo boodhadh ay ku qoran yihiin ereyo muujinaya ujeedada ay isugu soo baxeen.

Intaas kaddib ayaa waxaa saldhigga Booliska ee Gaalkacayo soo weeraray dabley hubeysan, kuwaasoo la sheegay in ay ka caraysan yihiin fara gelinta ay ciidamada ammaanku muddaaharaadkaas ku sameeyeen.

Inkasta oo ay rasaas qaddar daqiiqado ah socotey dhacday, hadana ma jiro wax khasaare ah oo soo gaarey labada dhinac, waxayna xiligan xaaladda magaaladu tahay mid degen.

Taliyaha qaybta Booliska Puntland ee gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in koox - uu qas-wadayaal ku tilmaamay- ay isku dayeen in ay saldhigga soo weeraraan; kaddib markii ay Boolisku fashiliyeen dibad-bax la doonayey in maanta magaalada Gaalkacayo laga dhigo “Dibad-bax yar  baa dhacay, wax shil ahise ma dhicin, niman dhalinyaro ah baa isteeshinka yimid, iyagiina dib ayaa looga celiyey" ayuu yidhi Taliyuhu.

Dibad-baxayaasha ayaa doonayey inay dhigaan Mudaharaad balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan muddo korodhsiga Madaxwayne Faroole.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.