Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

185 Qof Oo Wasaaradda Maaliyadda Si Mutadawacnimo Ah Muddo Uga Shaqeynayey Oo Maanta Imtixaan U Fadhiistay

Hargeysa (Weedhsan) Jan 14,2013 – 185 qof oo muddo si mutadawacnimo ah uga shaqeynayey Wasaarada Maaliyadda Somaliland ayaa maanta u fadhiistay Imtixaan.

Shaqaalahan oo qayb ka ah ilaa 276 qof oo shaqaalaysiin rasmiya Wasaaradda Maaliyadu u qaadanayso, isla markaana 91 kale Imtixaanka lagaga qaadayo Magaalada Burco, ayaa maanta Imtixaanku uga furmay Hoolkaa Hay’ada shaqaalaha dawlada Somaliland, hallkaasoo au uga fureen Guddoomiyaha Hay’adaha Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Hay’ada Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa.

Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha dawlada Nuux Sh. Muuse Ducaale oo markii Imtixaanku furmay Warbaahinta u waramay ayaa faahfaahin ka bixiyay “maanta waxaanu Imtixaan ka qaadaynaa 185  shaqaale ah oo si tambareeri ah uga shaqaynayay Wasaaradda maaliyada, kuwaasoo Rag iyo Dumarba isugu jira, waliba dhalinyaradaa waxaanu ku darnay hadaanu Hay’ada shaqaalaha nahay tiro dheeraada, waayo shaqaalahan Mutadawaca ku shaqaynayay iyo kuwa suuqa jooga ee bilaa shaqada ahi annaga waa isugu kaaya mid oo way noo simanyihiin, markaa maanta waxaanu Imtixaan ka qaadaynaa qaybtii Hargeysa ee Maaliyada, Berina waxaanu u amba baxaynaa Burco oo aanu Arbacada Imtixaankan oo kale kaga qaadayno 91 qof oo ka kala yimi Goboladda Sool, Sanaag iyo Togdheer”ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’ada shaqalaha Nuux Sh. Muuse Ducaale.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’ada Maamul Wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar oo ka qayb galay Munaasibada lagu furaay Imtixaankaasi ayaa isaguna Warbaahinta u sheegay inay hubiyeen qaabka Imtixaankan loo qaadayo iyo inuu maray sifo Cadaalad ku dhisan “Hay’ada shaqaalaha ayaa nagu marti qaaday inaanu la hubino la eegno qaabka Imtixaankan loo qaaday  iyo inay wax Khaladaad ahi ku jiraan”ayuu yidhi.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.