Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Al-shabaab Oo Ku Faantay Inay Ka Adkaadeen Kamaandoostii Faransiiska Ee Weerarka Ku Qaaday Buulo-madheedh

Buulo-madheedh (Weedhsan) Jan 15,2013 – Kooxda Al-shabaab oo maanta ka hadashay weerarkii fashilmay ee ciidamada Kamaandoosta Faransiisku ku qaadeen deegaanka Buulo-madheedh.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ay kusoo qaadeen ciidamada Faransiiska isagoo sheegay inay ka adkaadeen, isagoo sheegay inay horay u sheegeen in gaaladu ay isku soo bahaysteen inay la dagaalamaan xaqa.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Buulo-mareer ayaa yidhi  “Faransiiska iyo xulufadiisu waxay soo qaadeen weerar gaadmo ah, balse mujaahidiinta ayaa ka hortagay oo jilbaha u dhigay, taasoo keentay inay ku fashilmaan hadafkooda”

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu ammaan u jeediyay xogaggii Al-shabaab ee la dagaalamay ciidamada Faransiiska, isagoo sheegay inay muujiyeen geesi-nimo ayna soo celiyeen sharaftii muslimiinta “Markii aad Faransiiska la dagaalanteen waxaad soo celiseen Sharaftii dadka Musliminta ah; gaaladu waxay kala garan waayeen budhcad-badeedda iyo Al-Shabaab, dhowr jeer ayay budhcad-badeedda ku qaadeen dullaano ay guulo ka gaadheen, balse mujaahidiinta way ka adkaan waayeen”

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.