Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Oo Sababeeyay Qaadista $ 10 Doolar Ee Madaarada Lagaga Qaado Mastaafurka

Hargeysa (Weedhsan) Jan.15, 2013 - Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa war-bixin siiyay guddida ilaalinta hantida qaranka ee baarlamaanka Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu ka waramay sababaha ay u qaadaan 10-ka doolar ee laga qaado dadka mastaafurka ah ee Madaarada dalka ka dhoofaya.

Wasiirka oo ayaa mudanayasha guddidu waydiiyeen su’aalo la xidhiidha shaqadiisa iyo waliba 10-ka doolar ee ay dadka ka qaadan, ayaa wasiirka oo ka jawaabayey su’aal la xidhiidha tobanka doolar ayaa yidhi  “Waxaan xogogaal ka ahay in aan ka war hayey mashruucan dadka lacagta lagaga qaado markii la bilaabayey, hawshana in aanu baarlamaanka hor keeno way suuroobi wayday, baahida loo qabay awgeed, waxaana lacagtaasi qaada shirkada Nasha oo ku daryeesha mishiinada kala duwan ee ay madaaradu ku shaqeeyaan”

Wasiirka duulista hawada Somaliland ayaa sidoo kale yidhi  “Rabitaanka beesha caalamka iyo hay’addaha nala shaqeeya ayaanu u aqbalnay inaanu lacagtan qaadno, oo sida qarankeenu aqoonsi ugu baahan yahay ayey hawadeenuna aqoonsi ugu baahan tahay”.

 © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.