Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Hogaanka Ururka RAYS Oo Cadeeyay Inay Ku Biirayaan Xisbiga Xukuumiga Ah Ee Kulmiye

Hargeysa (Weedhsan) Jan 31,2013 - Guddoomiye Ku xigeenkii Urur siyaasadeedkii RAYS Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa sheegay inay ku biirayaan Kulmiye.

Guddoomiye Ku xigeenka oo caawa u waramayay Telefishanka Bulsho TV, waxa uu sheegay inay ku gudo jiraan wada hadalo heshiis ah oo ay la galayaan xisbiga KULMIYE, ka dib markii sida uu tilmaamay ururkoodii ka mid noqon waayay sadexda xisbi qaran ee soo baxay.

Aadan Dhoolayare waxa kale oo uu soo dhaweeyay khudbadii Madaxweynaha Somaliland ka horjeediyay labada aqal ee baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda), isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan odhan karaa markaad ururiso afkaarta dadweynuhu ay ka bixiyeen khudbad sanadeedkii madaxweynuhu u jeediyay labada gole ee baarlamaanka. Wuxuu runtii u hadlay sid wanaagsan. Dadweynuhuna way hambalyeynayeen. Waayo wuxuu si weyn uga hadlay qodobadii iyo siyaasaddii taagnayd.”

Guddoomiye Ku xigeenkii RAYS, waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in urur siyaasadeedkii XAQSOOR uu dalal shisheeye u dacwad tago, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ilama qurux badna in Ururkii XAQSOOR u dacwad tagaan dalal shisheeye. Waxay ahayd talladii qaran ee ay ku baaqeen inay iyagu iskaga bilaabaan oo aan la qaadin in dalal shisheeye la iska dacweeyo.”

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.