Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Nebi doorran baan ahay! – W/Q. Ayaanle Cabdi Yuusuf

Sida cunnada iyo cabitaanku kuugu kala dhadhamaan marka ay dareemmada dhadhanku muudiyaan ee ay maskaxduna maxsuulka ka soo baxay kuu sheegto ayay nafsaddu u kala jeclaysataa. Dabadeedna kala garan maysid goor alliyaala goor

aad liqday adiga oo istareex ah ama aad soo tuftay adiga oo maanka lagu soo qaaday oo ladaadyo la liita. Mararka qaar baa jirta aad cunnada ama cabitaanka u kala garan weydo macaan iyo qadhaadh jaadka uu yahay shaygu, waana marka maskaxdu ku yara raagto natiijada dhadhanka. Waxaad muudisaba maskaxdu way soo tuurtaa, waanad ka talo-qaadataa. Isla marxaladahaas kuwo ka badan ayay suugaantu martaa, dhadhanna kuugu kala samaysaa.

Waxaynu ognahay in meerisyada maansadu yihiin kuwo is kaaba ama midiba midka kale sargoyn u yahay macno ahaan iyo ujeeddo ahaanba. Qaarna waa kuwo is-ahaantooda u dhammaystiran ama sameeya macno iyo ujeeddo dhammaystiran oo aan ku tiirsanayn kuwa daba yaalla ama horyaalla. Waxaynnu odhan karnaa waa meeris furan iyo mid xidhan. Sidaas oo ay tahay haddii aad soo qaadato ka furan, waxaad ogaataa in aanad qaadan ujeeddadii, macnana aanu kuu samaynayn dareenkii iyo dhadhankii uu lahaa ee asal ahaan abuurtiisa.

Waa la soo adeegsan karaa oo waa lagu hal-qabsan karaa illayn suugaantu waa dhaxalka Soomaali ahaan innaga dhexeeyee, hal-abuuristeedu se waa mid la kala leeyahay oo aynnu ogsoon nahay. Laakiin waxa xusid mudan in aan la dhambalin meerisyada. Waayo, waxaad dhaawacaysaa dareenkii mu’allifka, waxaanad mararka qaar la doonanaysaa denbi aanu gelin, illayn sidii uu u soo dhigay umaad qaadane. Waa se laga fiican yahay inaad maxkamad degdeg ah la tiigsato halabuurka, adiga oo aan muudin maansadii, maskaxdana si buuxda uga shaqaysiinin oo haddii ay kugu yara kakanaatay soo warsan isaga ama cid kale.

Kow maaha oo laba maaha inta aan arkay ama maqlay dad bulshadeenna ah oo maxkamaddoodaas yar ee degdegga ah la tiigsaday tuduca ah “Nebi doorran baan ahay” Waa tuduc ku jira maansada Daalalley ee uu curiyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Dadkaas aan sheegay waxay qabaan in uu denbaabay abwaanku, bal se way is moodsiiyeen uun. Malaha maskaxdooda ayaa ku yara raagtay war-celintii ay ka sugayeen oo dhadhamadii ayay kala garan waayeen! Waxay se ahayd in aanay ku degdegin. Laakiin horaba waxa loo yidhi ‘Hadal ninna si u yidhi, ninna si u qaaday.’

Bal aynu raacinno tuducani kuwii kale ee uu ku xidhnaa macno iyo ujeeddo ahaan ba, innaga oo ka soo bilaabayna sidii ay tixdu asal ahaan ahayd:-

“Marka hore dad baan ahay

Dad dad reebay baan ahay

Dunji dhalan rogtaan ahay

Hadba fadal durkaan ahay

Nebi doorran baan ahay

Han dareersan baan ahay

Hiyi durugsan baan ahay

Da’ da’deed u talisoo

Ugu damac fog baan ahay

Dunidaannu wada naal

Noloshaannu deris nahay

Dalandoolka geeddiga

Dan qudhaan u jeedaa.......”

Sida uu abwaanku ba sheegay mar uu bulshada u furfurayay maansada, tuducani waxa uu ku xidhan yahay kuwa ka horreeya. “’Nebi doorran baan ahay’, maaha aniga oo abwaanka ah ee waa annagoo aadame ah. Makhluuaadka Eebbe abuuray oo dhanna wuxuu ka sii karaameeyay dadka. Nebiguna waa bashar ka mid ah aadamaha oo si karaamaysan looga sii dhex doortay” ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Hadda garo oo Abwaanku waxa uu ku hadlayaa afka aadamaha. U fiirso halka uu ka soo bilaabayo tixda “Marka hore dad baan ahay!” Dabadeedna waa kaas ina sii wada ee leh, “Dad dad reebay baan ahay”. Annagu dad ahaan dad kale ayaanu ka sii nimid oo ka soo jeednaa! Waa taas maansadu wax ay soo socotoba ina gaynaysa tuducaas aynnu ka hadlaynay.

Run ahaantii abwaan Hadraawi waa mu'allif ku xeel-dheer curinta maansada, waana mucallim mufaker ah oo mar kasta maankiisa inoo soo tuujiya, misna inoogu maansooda isaga oo inagu dhiirriya u hoggaansanaanta diinteenna iyo ku dhaadashada dhaqankeenna.

Sidaas oo ay tahay waxa habboon in aynaan dhambal ku sameynnin maansadiisa, si aanay u doorsoomin ujeeddadii iyo macnihii ay xambaarsanayd oo isagana aynaan shirki iyo sharaf-dhac aanu lahayn guudka uga saarin.

Ayaanle Cabdi Yuusuf

Kampala, Uganda

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Kala Xidhiidh Qoraha barta Facebook

Halkan ka akhri Qoraalladii hore ee Ayaanle Cabdi Yuusuf ee lagu daabacay Mareegta WEEDHSAN

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.