Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

UNHCR oo Soomaaliya dib ugu celinaysa qoysas ka mid ah Qaxoontiga Dhadhaab iyo Ifo

Dhadhaab (Weedhsan) Febr 1,2013 – Hay’adda qoxootiga adduunka u qaabilsan Qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in

qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Ifo ay doonayaan in dalkoodii lagu celiyo. War-Saxaafadeed ay UNHCR ka soo saartay xafiiskeeda Nairobi ayay ku sheegtay in qoysas badan oo ku nool xeryaha Dhadhaab iyo Ifo ay waydiisteen in dalkoodii Somaliya dib loogu celiyo.

UNHCR waxay sheegtay in Qoysaskan oo ay siiyeen kaadhadhka qoxootinimo ay haddana ka dalbadeen in dalkooda dib logu celiyo, iyagga oo qoxootinimada ka door bidaya dalkooda oo ay ka dhalatay dawlad aan ku meel-gaadh ahayni.

Hay’adda UNHCR waxay sheegtay inay shaqaale u diyaarisay inay dadka qoxotiga ee dalkooda doonaya inay dib ugu laabtaan caawiya oo ka taageera dib u noqoshadooda.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.