Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga London

London (Weedhsan) Febr 1,2013 - Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti  uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada London ee xarunta Ingiriiska.

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku weheliya Raysal-wasaare ku-xigeenka, ahna Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Marwo Fawziyo Yusuf Adan, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Faarax Sh. Cabdulqaaddir, la-taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka howlgasha xafiiska Madaxweyaha Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha ayaa waxay jawaab u tahay martiqaad uu madaxweynaha ka helay dowladda Ingiriiska.

Inta uu London ku sugan yahay madaxweyaha waxaa uu la kulmi doonaa Ra’iisal Wasaaraha Britain Mr. David Cameron iyo madax kale oo dowladda ka tirsan, kuwaasi oo ay isla soo qaadi doonaan xidhiidhka labada dal iyo wada shaqeyn iyo iskaashi dhexmara labada dhinac. Sidoo kalena wuxuu la hadli doonaa Soomaalida ku nool UK.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu maalmihii tegay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kulammo kula lahaa madaxda sare ee Midowga Yurub oo madaxweynaha casuumad u fidiyay, kuwaasi oo ay ka wada hadleen bogga cusub ee Soomaaliya u furmay iyo xidhiidhka labada dhinac iyo sida Midowga Yurub uu u taageeri karo Soomaaliya.

Casuumadda uu Midowga Yurub u fidiyay Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa waxa ka horreysay casuumad ay dowladda mareykanka u fidisay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana aqalka cad ee mareykanka ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.