Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

TURKIGA: Qarax lala beegsaday Safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Ankara

Ankara (Weedhsan) Febr 1, 2013 - Laba qof ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay barxadda hore ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Weerarkan qaraxa ah ee lagu qaaday safaaradda Maraykanka ee magaalada Ankara ayaa goob-joogayaashu sheegayaan inuu fuliyay qof isa soo miidaamiyay.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo shaqaalaha dab-damiska ayaa si  degdeg ah goobta uu qaraxu ka dhacay u gaadhay, si ay dhaawacyada ugu daad guureeyaan cisbitaallada magaalada Ankara.

Goobta uu qaraxu ku dhacay ayaa waxaa ku yaalla dhowr safaaradood oo ajanabi ah, kuwaasi oo ay ka mid ahayd safaaradda Maraykanka ee la qarxiyey, taasi oo ay ku dhinteen laba askari oo ka mid ah ilaaladii safaaradda.

Sannadkii 2008-dii, saddex nin oo hubeysnaan iyo saddex boolis ah ayaa ku dhintay weerar ka dhacay bannaanka hore ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Istanbul.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.