Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Ciidamada Qaranka Somaliland oo Sabtida berri u dabbaal-degaya 19-guurada Aasaaskooda

Hargeysa (Weedhsan) Febr 1, 2013  – Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Barri u debaal-degaya 19 guurada aasaaskooda oo ku beegan 2-da bisha February 2013-ka.

Xuska Sanad-guurada 19-aad ee ciidamada qaranka Somaliland, oo sanad walba la qabto maanta oo kale, inkasta oo aan wax xus ah la qabanin sanadkii hore, sababo badan awgood, ayaa waxa xaflad balaadhan loogu samaysanayaa xarunta Miiska saraakiisha ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galaya Masuuliyiinta qaranka, sida Wasiirka wasaarada gaashaandhiga, Taliyaha guud ee ciidamada qaranka iyo weliba saraakiisha kale ee ciidamada milatariga Somaliland, kuwaasi oo ciidamada ku bogaadin doona xuskooda 19-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii dhidibada loo taagay.

Xuska sanad-guurada 19-aad ee ciidamada qaranka ee sanadkan cusub ee 2013-ka ayaa ku soo beegmaya xili horumar balaadhan ay sameeyeen ciidamada qaranku isla-markaana ay tallaabooyin horumar ah oo la taaban karo ku tallaabsadeen, siiba dhanka qalabkooda iyo tababarada dheeraadka ah ee la siiyo ciidamada qaranka.

Madaxwaynaha Somaliland  Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka qayb-gala xusaska ciidamada qalabka sida isla-markaana la filayo inuu ka qayb-galo xuskan, ayaa khudbad-sanadeedkiisii uu u jeediyay golayaasha baarlamaanka qaranka ku sheegay inay qalab badan u soo iibiyeen ciidamada qaranka “Si loo adkeeyo difaaca qaranka iyo ammaanka dalka waxaanu ciidamada ku soo kordhinay gaadiidka gaashamman iyo kan xamuulka iyo ciidamada qaada oo ay tiradoodu dhan tahay 107” ayuu Madaxwayne ku sheegay khudbad-sanadeedkii 2013-ka ee uu baarlamaanka u jeediyay.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.