War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa lagu sheegay sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1553/022013 ku magacaabay Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
MADAXWEYNUUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar-geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;
Markuu Tixgeliyey:La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday;
In Mudane, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
© Weedhsan Corporation