Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Madaxweyne Siilaanyo oo derajooyin ku taxay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland (Akhri Magacyada iyo Derajooyinka Saraakiisha)

Hargeysa (Weedhsan) Feb.02, 2013 - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa maanta derajooyin siiyay 12 sarkaal oo ka mid ah ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa ku guddoonsiiyey 12 sarkaal darajooyinka munaasibad maanta loo qabtay sannadguuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka Somaliland.

Munaasibaddan ayaa waxa Saraakiisha la guddoonsiiyey derajada ciidamada faahfaahin ka bixiyey wasiirka gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali (Cadami), isaga oo sheegay in darajada ciidamadu ay la soo mareen jaranjarro kala duwan, isla markaana aad uga fiirsadeen sidii ay ugu bixin lahaayeen habka ugu habboon ee ciidanka loogu taxayo derajada.

Saraakiisha lagu taxay Derajada ciidamada ayaa waxa ka mid ah.

Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Ismaaciil Maxamuud Shaqalle oo la siiyay darajada Sarreeye Gaas

Taliyaha guud ee ciidanka Bileyska Cabdillaahi Fadal Iimaan oo la siiyey derajada Sarreeye Guuto

Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Faarax Xiirane oo la siiyay derajada Sarreeye Guuto

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Axmed Aw Cismaan oo la siiyay darajada Sarreeye Guuto

Abbaanduulaha ciidanka qaranka Cabdillaahi Maxmed oo la siiyay darajada Sarreeye Guuto

Abbaanduulaha labaad ee ciidanka qaranka Axmed Cawaale Yuusuf oo la siiyey derajada Sarreeye Guuto

Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddoonsiiyey saraakiil kale oo ka kala tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland derajooyin kuwan oo kale ah.

Hadal kooban oo Madaxwaynuhu halkaasi ka jeediyay ayaa yidhi "Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidammada Qaranka ee mar walba heeganka u ah difaaca qarankeenna iyo midnimada Ummadda. Waxa farxad ii ah inay dawladeenna u suurto gashay labaatan sanno ka dib inaanu sugno derajooyinka ciidamada sidii aan u ballan qaaday wakhtigii doorashada inaanu maanta fulinnay.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ammaanay doorka Ciidanka qaranku kaga jiraan dhismaha dawladnimada, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa kale oo aan halkan jecelahay inaan uga mahad celiyo Guddidii darajo bixinta ee hawlahan soo diyaariyay. Waxa faan inoo ah qaran ahaan iyo ummad ahaan inaan halkan u joogno sannadguuradii 19-aad ee aasaaska ciidanka qaranka, kuwaasi oo ah kuwa aynu ku faanno dalkeenna iyo nabad-gelyada dalkeenna ilaaliya ee magaciisa iyo karaamadiisa dhawra.”

© Weedhsan Corporation

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.