Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo sharraxay Qaabka loo soo xulay Saraakiisha Ciidamada ee Derajooyinka la siiyay

Hargeysa (Weedhsan) Febr 2,2013 – Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa hadal ka soo jeediyay Munaasibaddii derajooyinka lagu siiyay hoggaananda ciidamada qalabka sida.

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa sharraxaad ka bixiyay sida loo soo xulay saraakiisha derajooyinka lagu taxay iyo in la diyaariyey derajooyinkii ciidamada qalabka sida oo dhan.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “Derajooyinku waxay ku kooban yihiin oo la siinayaa ilaa 12 sarkaal oo xil qaran haya oo ku Magacaaban digreeto Madaxwayne, maadaama oo ay bilow tahay. Waxa ciidamada loo horumarinayaa inay tusmo u noqoto dadkii wax sheega badnaa ee odhan jiray Madaxdu xagan kamay soo bixin ee xaggan kale ayay ka soo baxday, markaa ku quuso qudhaanjo ayaa la odhan jiray, waxaana la tusayaa in dawladda maanta dhisani aanay safaadka badan aqoon, wax aanay qabanayn dadka uguma balan qaado oo waxeedu waa keeg miiska yaala, markaa waxaan ugu bushaaraynayaa dhammaan ciidamada heeganka u ah nabadgalyada qaranka inay darajadii la diyaariyey oo gaadh laga hayo, maalinta ILAAHAY idmo loo qaybin doono, iyada oo ay ku dhan yihiin guud ahaan lixda Gobol ee aasaaska ah, iyada oo loo caddayn doono sida kuwan maanta loo caddeeyay”

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.