Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Golaha Ammaanka QM oo ka shiray cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya “Golaha ammaanku waa inay tixgeliyaan codka dowladda Soomaaliya”

New-york (Weedhsan) Febr 2,2013 – Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaya sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cuna-qabataynta hubka ee lagu soo rogay 1992-kii.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Banki Mon oo ka hadlay kulan ay yeesheen wakiillada 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka Qaramada midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la tixgeliyo codsiga dawladda Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka si loo dhiso awoodda ciidamada xoogga dalka “Si loo xoojiyo dedaallada socda waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka, Sidaa daraaddeed, golaha ammaanka waxaa laga doonayaa inay tixgeliyaan codka dowladda Soomaaliya ay ku dalbatay in laga qaado cuno-qabteynta hubka.”

Xoghayaha Qaramada midoobay waxa kale oo uu ka hadlay  “Xilligan ammaanka Soomaaliya waa mid soo hagaagaya, balse wax-iska-caabbintu waa mid weli taagan. Dagaalyahannada kasoo horjeeda dowladda weli waxay wadaan weerarro argagaxiso iyo dilal qorsheysan”ayuu yidhi.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.