Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo ammaanay hor u socod uu sheegay in Ciidamadu ka gaadheen sugidda Xuduudaha

Hargeysa (Weedhsan) February 2, 2013 – Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa ka warbixiyay marxaladihii ciidanku soo

mareen 19-kii sannadood ee la soo dhaafay.

Taliyaha oo maanta khudbad dheer ka jeediyay munaasibaddii 19-guurada ciidamaa Qaranka oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidamada Qaranka ee magaalada Hargeysa, ayaa khudbaddiisa ku bilaabay sidan “Mudane, Madaxweyne, waxa sunne taariikhi ah in dawlad waliba ay yeelato Ciidan Qaran oo ilaaliya sharafteeda iyo karaamadeeda, suurta gal ma aha in qaran dhisnaado isaga oo aan lahayn ciidan ka difaaca soohdimaha cadawga dibadda iyo mid gudaha laga abuuraba, iyada oo taas laga duulayo waxay Somaliland aasaastay 2-bishii Febarury 1994-kii Ciidanka Qaran, laga bilaabo maalintaas waxa uu Ciidanku guntiga dhiisha iskaga dhigay isaga oo curdin ah inuu dunka u rito waajibaadka culus ee qaranku u xil saaray, si uu u hanto waajibaadkaas culus ee la saaray dhismaha xubnihiisa iyo shaqsiyaddiisaba, markaa dedaal dheeraad ah ka dib waxa suurtagal noqotay inuu taabbogal noqdo ciidanka Qaranku.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Waxa taas ka markhaati kacaysa Xerada aynu joogno oo uu maanta haabhaabanayo inuu sugo dhaan xuduudaha dalka oo dhan, isaga oo aan lahayn mushahar ku filan, muddadaasi 19-ka sanno ah wax uu kaga gudbay duruufihii qallafsanaa ee hor taagnaa Qaran Jacayl iyo naftii-hurenimo iyo dedaalladii is dabajoogga ahaa ee ay madaxdii ciidanka Qaranka soo maray ku dedaalayeen, sannadhihii ugu dambeeyey waxa ciidanka Qaranka ku soo kordhay dhiig cusub oo ah Saraakiil cusub, kuwaas oo wax ku soo bartay Kulliyadaha kala duwan ee dalka iyo dalalka kale ee aynu jaarka nahay.

“Waxaannu samaynay Cutubyo aannu si gaar ah u tababarnay oo la yidhaahdo (Camandos) oo si fiican u tababaran oo aanu ugu talogalnay inay Jawaab ka bixiyaan waxyaabaha soo kordha, waxa kor u qaadnay awoodda ciidan dugsiyada tababarrada ee ciidanku ku leeyahay, Sheekh, Darar-weyne, Gorayo-Cawl iyo Bixin, kuwaas oo si joogto ah loogu diyaariyo xirfadaha Ciidan oo ah sida Askarta cusub iyo kor u qaadista xirfadaha taliyeyaasha Ciidan ee kala duwaniyo barashada tiknikada kala duwan ee ciidanku ku hubaysan yahay, waxaannu ku dhaqaaqnay barnaamijka tayeynta ciidamada oo aanu samaynay sida Kutubta dhisbiliinka lagu baro ciidanka, waxaannu samaynay saraakiil khuburo ah oo xambaarsan dhaqanka uu dalkani leeyahay oo ah illaa diintii, waxaannu ku dedaalnay inaannu dugsiyadaas ka soo saarno ciidan tayaysan oo u qalma difaaca qaranka,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyaha oo ka hadlayay qodobbadii u qabsoomay sannadkii hore ee 2012, wuxuu yidhi “Sannadkii tegay waxa noo qabsoomay inaanu samaynno, dhismaha saldhigga Ciidanka ee Cadaadley, dhammaystirka Kulliyadda Saraakiisha ee Dararweyne, dhismaha saldhigga Ciidanka Qaranka ee Burco,Taliska Guud oo aannu dib u habayn ku samaynay.” ayuu raaciyay, isaga oo daba dhigay “Isgaadhsiinta Ciidanka Qaranka oo aanu casriyeyn ku samaynay, dhismaha xerada Ciidanka Cirka ee Hargeysa oo aanu dib u dhis ku samaynay, hawlaha Ciidanka qaranku qabtaa kuma koobna oo keliya ta waajibka ku ah ee waxa uu la qaybsadaa ciidanka Bileyska arrimaha nabadgelyada gobollada kala duwan ee dalka. Ciidanka qaranku waxa uu ka hawlgalay sidii uu u joojin lahaa Ugaadha kala duwan oo laga daad-gureeyo xeebaha galbeedka dalka iyo kootarabaanka oo ay isagana kala hawlgaleen Bileyska,”ayuu yidhi Ismaaciil Shaqalle

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.