Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Sheeko Gaaban: LAMA FILAAN! – W/Q. Muna Axmed Cumar

Arar: Qisadan Lama-filaan waa qiso aad u murugo badan oo ka hadlaysa marxaladaha ugu adag ee ardaygu soo maro marka uu ku gudo jiro waxbarashadiisa, gaar ahaan marka uu ka gudbayo dugsiga sare una

fadhiisanayo imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada afraad.

Waa qiso male-awaal ah bal se ka warramaysa xaalado dhab ah oo dhaca xilliyadaas ama mararka qaarkood la arki karo.

Waxa halabuurtay Muna Axmed Cumar oo ah qoraa da’ yar oo ku nool magaalada Hargeysa.

Odhaahda Qoraaga:

Qisadani maaha qiso dhab ah balse waa qiso aan abuuray. Waxay ka hadlaysaa xaalado dhab ah oo la arko ama la arki karo, inkasta oo aanay imika bulshadeenna ku badnayn. Waxay muujinaysaa sida ay badanaa u dhacaan waxyaabo lama filaan ah oo kedis ku noqda nolosha, kadibna hakad geliya hab u socodka  nolol-maalmeedka qof, qoys, ama qayb bulshada ka mid ah.

Shaksiyaadka iyo magacyaduba waa mid ka yimid maskaxdayda, sidaas darteed, waan ka cudur-daaranayaa haddii ay dadka qaar si kale ula muuqdaan.

I

Qaylo, buuq iyo oohin ayaa si is daba joog ah ugu soo dhacayay dhegaheeda markii ay ku soo socotay xaafadda saaxiibaddeed Caasha, iyada oo codka qaylada iyo buuqu marba marka ka danbaysa uu kordhayay.

Naxdin buu Ilaahay isugu keenay Hodan, kaddib markii ay soo gaadhay gurigii ay degganayd saaxiibaddeed Caasha oo ay isku xaafad ahaayeen. Hodan oo aad u yaabban su’aalo fara badanna is waydiinaysa ayaa soo gaadhay irridda laga galo aqalka. Daaradda guriga waxa buux dhaafiyay dad dumar u badan, iniba meel bay taagan tahay, qaar hawlo ayay ku mashquulsan yihiin, waxa keliya oo ay ka siman yihiin dhammaan wajiyadooda murugo badan ayaa ka muuqata.

Isla markii ay guriga ay soo gashay Hodan waxay isha ku dhufatay raxan haween ah oo ku urursan ruux dumar ah oo aad u barooranaysa una qaylinaysa. Bal se Hodan weli ma xaqiiqsan waxa jira dhinaca ay eegtaba waa qof ooyaya. Qof ay wax weydiiso ayay garan weyday. Dadka oo dhami si bay u yaabban yihiin haddana u mashquulsan yihiin. Waxaad mooddaaba inayna wakhtiba u hayn  qof inay  u jawaabaan. In muddo ah ayay sidii qof waalan dadka dhex wareegaysay.  Markii ay ku dawakhday dadkii badnaa ee is dhaaf dhaafayay ayay markii danbe is dul taagtay ruuxii dumar ahaa ee lagu urursanaa ee ay ugu horrayntii markay guriga soo gashay isha ku dhufatay. Haweenka dul taagnaa oo badnaa dartood waxay awood u weyday inay aragto qofkan sida murugada badan u ooyaysa. Waxay dadkii cidhiidhsataba waxay aragtay Caasha hooyadeed Xaliimo oo ay ilmo qoysay maryaheedii. Hodan afka ayay kala qaadday waxay tidhaa ayay garan weyday waxay u fiirsatay hadallada ka soo yeedhaya hooyo Xaliimo “Alla jabayeey! Way hooyo Caashaay! Way gabbalkay dunyeey!”

Anfariir baa Hodan qabsaday. Waxay qaadday shoog. Waxa ku adkaatay neeftii. Meel ay joogto ayay garan weyday. Iyada oo isla maqan ayay islaan agteeda taagnayd weydiisay “Hooyo! Caasha maxaa… Caasha maxaa ku dhacay?” Hadalkii baa ku dhegay “Meeday Caashi? Maxaa helay?!” ayay ku celcelisay iyadoo aan is ogayn. Islaanta oo si fiican u taqaannay Caasha iyo Hodan sida ay saaxiibka u ahaayeen ayaa ku dheygagtay wejiga Hodan iyo ilmada indhaheeda ka qubanaysa kaddibna dib u xusuusatay sida ay u ahaayeen saaxiibbo is jecel, isku naxariista, isku kalsoon, midba midka kale la farxo wakhtiga farxadda, lana murugoodo wakhtiyada adag.

Weli Hodan way ku qaylinaysaa islaanti, laakiin Islaantu wax jawaab ah uma celin. Caasha habaryarteed ayaa ka war heshay islaanta iyo inanta isla jahawareeray, kaddib intay xaggooda u soo dhaqaaqday oo Hodan gacanta qabatay, una kaxaysay qol cidlo ah, kaddibna sidegan ugu bilowday hadalkii “Hooyo Hodaneey wax walba ilaahay ayaa qoray oo inagu wax aynu ka qaban karaynaa  ma jirto”. Si naxariis leh ayay kalmadahaa caqli celinta ah u dhugatay Hodan. “Qof walba oo dunida guudkeeda joogaa wuu dhimanayaa goor ay noqotaba” ayay raacisay kaddibna hadalkii yar kala goysay oo illin faro badanna indhaheeda soo buuxisay. Kalmadahan ku dhawaaqistooda aad ayay ugu adag yihiin Caasha habaryarteed gaar ahaan u sheegista Hodan oo ahayd saaxiibadda kaliya ee Caasha.

Balse Caasha habaryarteed intay calool adeyg muujisay bay tiri “Caashana hooyo wadkeedii baa galay oo way geeriyootay!!”

Intaas markii ay Hodan dhegaheeda ku soo dhacday baa miyir iyo maan ugu danbaysay!

“Alla bisinka inanta maxaa helay biyo u keena!”

II

Caasha Maxamed waxay ku dhalatay oo ku barbaartay magaalada Hargeysa waxay la dhalatay toddoba carruur ah oo ay u weynayd. Aabbaheed wuxu ku geeriyooday shil baabuur markay da’adeedu ahayd toban sanno. Caasha waxay ka dhalatay qoys aad u danyar nolol maalmeedkooduna aad uu cidhiidhi u yahay.

Hooyadeed Canab waxay ka mid ahayd dumarka suuqa ku gada khudaarta. Taas ayaana u ahayd isha dhaqaale ee keliya ee qoyska reer Maxamed quutaan iyada oo ku dabooli jirtay nolol maalmeedka iyo kharashaadka dugsiga.

Caasha waxa ay ku kortay noloshaas qallafsan ee aadka u dhibka iyo masuuliyadda badanba leh. Waxa ay isku wadday waxbarasho iyo inay ka war hayso kana shaqayso guriga muddada ay hooyadeed suuqa ku maqan tahay maadaama ay ahayd curadda reerka.

Noloshaa adag ee ay Caashi ku noolayd waxay ku dhalisay inay marwalba ka fekerto mustaqbalkeeda iyo kan qoyskooda. Taasi waxay keentay inay Caashi noqoto qof hormood u ah fasalkeeda iyada oo mutaysatay inay Caashi noqoto ardayad lagu soo hirto xaga waxbarashada iyo xagga akhlaaqda labadaba. Ardayda fasalkeeda iyo macalamiintuba aad bay u jeclaadeen Caasha maadaama ay ahayd ardayad ku sifowday akhlaaqwanaag iyo dedaal.

Sidaas ayay Caashi ku dhammaystay waxbarashadii dugsiga hoose dhexe kaddib markii ay natiijo aad u wacan kaga gudubtay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasallada siddeedaad.

Intaas kaddib Caasha waxay ka mid noqotay ardaydii lagu soo qoray dugsiga sare ee Faarax Oomaar. Caashi marnaba kamay gaabin dedaalkii badnaa ee looga bartay sida ku dhacda hablo badan marka ay marxaladdan soo galaan oo uu ku dhaco hoos u dhac dhinaca waxbarashada ah. Waxay sii libinlaabtay dedaalkeedi sidaas ayay ahayd ila ay soo gaadhay marxaladdii ugu danbaysay ee dugsiga sare.

Caashi waxay u fadhiisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare wuxuna ugu dhammaaday jawi wanaagsan oo farxad leh.

Fasax kooban ka bacdi waxa la gaadhay xilligii lagu dhawaaqi lahaa natiijadii imtixaanaadkii waxaana dhammaan telefishannada iyo raadiyayaasha dalka laga shaaciyay in barri subax arday walba diyaar ku ahaado dugsigiisii si uu helo derajadiisi.

Cadceeddu markay godkeeda ka soo baxday fallaadhaheedana gaadhsiisay oogada dhulka, Caasha  oo goorahanba waxay ku hawlanayd samaynta quraacda ayaa markii ay dhammaysay toosisay fatxiya oo ahayd inanta dhalasho ahaan ku xigta, kuna ballamisay inay quraacda usii qaybiso ciyaalka maadaama ay maanta hore u baxayso. Shalmad halkan taallay intay garbaha saaratay ayay abbaartay gurigii saxiibbadeed Hodan. Hodan oo irridda ku hor sugaysay ayay salaan ka bacdi waddada tagta dugsiga cagta saareen.

Caasha iyo Hodan aad ayay u naxsanaayeen. Waa naxdin dabiici ah oo uu dareemo qof kasta oo  loo soo dhajinayo imtixaan noocan oo kale ah. Waxay socdaan oo ay waddadu la dheeraataba waxay soo gaadheen irridda weyn ee laga galo dugsigooda.

Arday aad u tiro badan oo wiilal u badan ayaa ku xoonsan goobta ay natiijadu ku dhegsan tahay dhammaan hablaha kale ee fasalka oo ay Caasha iyo Hodan ka mid yihiiin waxay jaanis u waayeen ina ay natiijo daaye warqadda meel ay ku dhegsan tahayba arki waayaan.

Waxay geed yar oo halkan hoos taagnaadaanba, waxa yaraaday buuqii waxaana goobtii ku soo hadhay dhawr qof. Mar keliya ayaa loo wada baratamay halki ay natiijadu ku dhegsanayd. Caasha waxay markiiba nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto dadka si toos ah u hor istaagay warqadda, waxayna isla markiiba bilowday inay magaceeda ka dhex baadho dhawr waraaqood ah oo si qaab daran meesha ugu dhegsanaa.

Waxay ardaydii eegeegaanba Hodan ayaa si kedis ah isha ugu dhufatay “Caasha Maxamed Jaamac” isla markiibana waxay isha la raacday natiijooyinkii maaddooyinka, illaa ay gaadhay natiijadi guud “Total”.

Naxdin iyo af kala qaad baa Hodan qabsaday. “Malaha dhab maaha!”. Haddana eegmada ayay ku celisay mar labaad warqaddii. Gow! Wax iska beddalay ma jiraan. Hodan waxa ay fiirisay Caasha oo barbarkeeda taagan oo weli iyadu ku mashquulsan baadhitaanka natiijadeeda.

Hodan talo ayaa ku caddaatay. Wax allaale wax ay samayso ayay garan weyday. Waxay hilmaantay inay eegato natiijadeedii. Iyada oo Hodan weli sidii u taagan farna aan dhaqaajin ayay Caashi mar kaliya isha ku dhufatay magaceedii kadibna si xiiso leh u eegtay natiijadeedii.

Gag “Macquul maaha! Ma dhici karto! Tani maaha natiijadaydii!” ayay Caashi kor ugu dhawaaqday iyada oo aan Is kala ogayn miyirkeeduna maqan yahay. Intay indhaha marmartay ayay mar kale dib u eegtay warqadDii. Haba sheegin, Caasha waxa sida xabbad ololaysa oo wadnaha ka gashay oo kale ku noqotay derejada (grade) ay ku gudubtay ee loo soo dhejiyay (F - Fail).

Hodan oo wali naxsan ayaa Caasha oo isla hadlaysa naxdin darteedna jidhka oo dhami gariirayo, intay gacanta qabatay ka dhex kaxaysay buuqii. Waxay sii luudaanba waxay soo gaadheen guriga Caasha. Caasha hooyadeed oo markaas uun ka timid suuqa oo isku dayaysay inay qado uga gaadhsiiso ciyaalka kahor intaanay dugsiga ka iman ayaa ku warheshay inanteedii Caasha oo garbaha la ahayo ilmo badanina indhaheeda ka qubanayso.

Caasha hooyadeed intay naxday oo ay ka dul boodday dherigii ay karinaysay “Alla bisinka maxaa dhacay hooyo!” ayay Hodan oo foorarsan ku tidhi. Balse labadooda mid toona umay jawaabin kadib markay fadhiisteen biyana loo keenay ayay Hodan hadalkii bilowday oo tidhi:

“Hooyo sidaad ka warqabto saaka waxay ahayd maalintii lagu dhawaaqayay natiijooyinkii rasmiga ahaa ee imtixaankeenna”.

“Haye”

“Kaddib markaannu tagnay saaka dugsiga ee la soo dhajiyay natiijadii, waxaannu ogaannay wax run ahaantii naga yaabiyay aniga iyo Caashaba… Waxa la soo dhejiyay inay Caasha weyday imtixaankii!”

Naxdin iyo amankaag! Caashaba waxa ka dartay hooyadeeed oo markii ay intaas dhegaheeda ku soo dhaceen qaylo miciinsatay illaa iyo jaarki oo dhami isku soo baxeen.

III

Maalintaas Caasha waxay u ahayd maalin aad u xanuun badan oo lama filaan ah. Waxay ka go’day cuntadii oo waxba jidiinkeeda kama degin maalintaas.

Gabbalku markuu dam yidhi, cadceedduna hoggeeda gashay, qof walba oo xaafadda ka mid ahina u huleelay furaashkiisa iskuna diyaariyay hurdo, Caasha inta ay dul fadhiisatay furaashkeedii ayay fikir hor leh bilowday, iyada oo ka fikiraysa waayaha adduunyada iyo halka uu ku danbayn doono mustaqbalkeedu, maadaama uu dhaawac wayni soo gaadhay habsami u socodkii nolosheeda.

Caashi waxay habeenkii oo dhan ka fikiraysay nolosha ay ku soo kortay illaa haddana ay ku nooshahay. Waxay dib u xasuusatay sida ay ugu wanaagsanayd waxbarashada, sida ay ugu fikiri jirtay inay noqoto qof ka midha dhaliya himaladiisa iyo xusuuso kale oo midiba midka kale ka xanuun badan yahay ayaa si is daba joog aha maskaxdeeda ugu soo dhacayay una diiday jiif iyo joog.

Waxa ku sii batay murugadii. Illintii isheeda ka qubanaysay waxay qoysay dharkeeda oo idil. Markii uu Sheekhu addimay hooyadeed oo u kacday salaadda ayaa aragtay qofka  furaashka dul yuuruura misana ooyaysa intay si naxariis leh u eegtay ayay meel agteeda ah labo ragcadood ku tukatay kadibna u ducaysay.

Ruux iyo geed markii la kala gartay, qorraxdiina soo baxday, qof waliba waxa uu ku foofay shaqadiisii. Caasha hooyadeed oo ka werwersan xaaladda Caashi ku sugan tahay ayaa ugu danbaysay oo kadinka ka baxday.

Caasha iyadu xaalkeedu ma wanaagsana. Halkay shalay duhurkii ku kala dhacday ayay weli jiiftaa. Inta ay soo sare kacday ayay u soo dhaqaaqday xaggii daaradda iyada oo aan garanayn meel ay ku socoto. Sidii ay u soo socotay ayay soo gashay buul yar oo xaafaddoodu madbakh ahaan u isticmaali jireen kaddib markii ay soo gashay waxay isla markiiba isha ku dhufatay faynuus meel horteeda ku beegan yaallay. Inta ay ku booday faynuuskii ayay wixii gaas ku hadhsanaa isku foorararisay kabriidna u raacisay. Bul!

Iyada oo oo ololaysa ayay buulkii qaylo kaga soo baxday. Islaan u soo wareegtay reerka ayaa aragtay inanta ololays. Inta ay naxday ayay u orodday xaggii foostada biyuhu taallay. Jeeg intay buuxisay ayay Caasha oo qaylinaysa dusha kaga keentay. Kadibna Caasha waxa ay ku hor dhacday guriga hortiisa. Waa ay tamar beeshay, qaarka sarena xoog ayay uga gubatay.

Muddo shan daqiiqo ah Caasha wax dhaqdhaqaaq ah waa laga waayay. Dabka oo xagga sare u badnaa iyo biyihii oo diirka si xun uga saaray ayaa sababay inay Caashi awoodi weydo inay sii noolaato. Maaha goor wax laga qaban karo. Wixii Alle qoray baa qoran. Sidaas ayay Caasha Maxamed ku geeriyootay, waxayna ahayd geeri naxdin leh oo murugo ku reebtay qalbiyo badan.

Muna Axmed Cumar

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Sheeko Gaaban © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.