Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Bandhigga Buugga: Deellayda Qarniga Iyo Diiwaanka Nabadda

Zurich (Weedhsan) Febr 20,2013 – Magaalada Zurich ee Waddanka Switzerland, ayaa waxa lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigay buug sugaaneedka

DEELLEEYDA QARNIGA IYO DIIWAANKA NABADDA.

Xafladda oo si heersare ah loo soo agaasimay, waxaa ka soo qaybgalay dad weyne fara badan ee isugu jiray AQOON YAHANNO, SAXAFIYIIN, DHALLINYARO, HAWEEN, iyo WAXGARAD ku nool Waddanka Switzerland, ee isaga kala yimid guud ahaan Gobollada Dalka Switzerland, sida: Bern, Geneve, Basel, Zug, Luzerno, Friburg, St Gallen.

Xafladda Bandhigga Buugga: DEELLEEYDA QARNIGA IYO DIIWAANKA NABADDA waxaa goobjoog ka ahaa qorayaasha Buugga ee kala ah: Cabdiraxiim H. Galayr iyo Bashiir M. Xersi, oo kana mid ah hal abuurradii ka qaybqaatay Silsiladda.

Xiriiriyaha xafladda Mudane Axmed Yaasiin Aadan ahna Fannaan ka mid ahaa Fannaaniintii hore ee Soomaaliyeed, ayaa daahfuray Buugga, si habsami lehna u daadihiyey xafladda.

Ka gadaal markii xafladda lagu daahfuray Aayadaha Quraanka Kariimka iyo erayo kooban oo Wacdi iyo Waano isugu jiray ee uu soo jeediyey Sheekh Axmed Alduri, ayaa qorayaasha Buugga ee kala ah: Cabdiraxiin H. Galayr iyo Bashiir M. Xersi, waxa ay si qoto dheer uga hadleen ujeedkii Silsiladda buugga, buugaynteeda iyo hal abuurradii ka qaybqaatay, ee isugu jiray Rag iyo Dumar.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Xaashi Cismaan Keenadiid, oo hadal ku saabsan Kaalinta Suugaanta iyo Qoraalka ka jeediyey madasha bandhigga buugga.

Gabagabadii xafladda, waxaa erayo kooban ka soo jeedshay Guddoomiyaha Jaaliyadda Zurich Marwo Xaawo Nuur Muuddeey oo ku nuuxnuuxsatay kaalinta dumarku ku leeyihiin bulshada iyo kaalinta ragga looga baahan yahay ee ku aaddan Barbaarinta Ubadka.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.