Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Hargeysa: SOMEVENTS oo Mahadnaq ku mutaysatay qabashada Munaasibadda 'Qiimee Qofkaaga Wanaagsan'

Hargeysa (Weedhsan) Febr 20, 2013 - Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qeyb galay Munaasibad

Billado lagu guddoonsiinayay muwaaddiniintii Somaliland wax taray muddadii ay jirtay kuwaasi oo tiradoodu dhammayd 100 qof isla markaana iskugu jiray siyaasiyiin, aqoonyahanno, abwaanno, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo manta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Barnaamijka la magac baxay “Qiimee Qofkaaga wanaagsan” oo cilmi baadhistiisu muddo bilo ah ka socotay gobollada dalka oo dhan, waxa soo waday SOLNEC waxana soo qabanqaabisay SomEvents kana shaqaysay bilicda madasha iyo maamulkeedaba, ayaa maanta la guddoonsiiyay billad sharafyadii dadkii lagu soo xulay qiimayntii la sameeyay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka mid ahaa xubnihii Barnaamijkan “Qiimee Qofkaaga” billad sharafyada lagu guddoonsiiyay ayaa la sheegay inuu ku mutaystay siyaasad wanaagga iyo hoggaamin hufan oo uu muujiyay muddadii uu xafiiska madaxtinimadda Somaliland joogay.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xafladdaasi ayaa u mahad celiyay Rashiid Sulub Caalin oo lahaa curinta, agaasinka iyo isku dubo-ridka barnaamijkan, waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq aad iyo aad u balaadhan uga soo jeediyo Rashiid Sulub Caalin ooh awl aad iyo aad qiimo iyo qaayo leh ee taariikhiga ah ee lagu qiimaynayo dadka Somaliland wax u taray iyo dadkeeda qiimaha leh iyo hal-doorka ee maanta barnaamijkan isku soo dubo riday ee ka fikiray ee soo sameeyay, waxaan jecelahay inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo.

Madaxweyne Axmed Siilanayo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aan iyagana halkan hambalyo uga soo jeedinayaa dadka qiimaha leh ee wax ka gaystay Somaliland magaceeda iyo taariikheedda ee xafladan lagu soo magacaabay ee sharafta ku mutaystay. Waxay ila tahay qara walba shacbigiisa iyo dadkiisa haddii aanu qiimayn ummad noqon maayo, ummad waxay ku noqdaan oo taariikhda ku galaan oo dal lagu noqdaa qiimaynta ummadiisa, dadkiisa iyo shacbigiisa.”

 “Waxa kale oo mar walba la baahan yahay inaynu maskaxda ku hayno haddii qaranimadeenna, wada jirkeena iyo midnimadeenna, ilaalinta nabad-gelyadeenna iyo wada jirkeena ilaalino oo dalkeennu noqdo mid aynu ku faano qaranimadeenna iyo xorriyad doonkiisa oo aynaan xumaantiisa uun aynaan raadin oo aanay saxaafaddeennu had iyo jeer xorriyad madax bannaan ayay haysataaye’. Markaa waa inay wixii dalkooda dhisaya ee qiimo u yeelaya ay ku shaqeeyaan oo baahiyaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxa kale oo halkaasi lagu guddoonsiiyay illaa boqol xubnood oo la sheegay inay abaal-marinta Barnaamijkan ku guulaysteen.

Somevents ayaa mahadnaq ku mutaysatay qabanqaabada munaasibadda 'qiimee qofkaaga wanaagsan', iyada oo shirkaddan oo dhawaan la aasaasay isla-markaana isku duba rida hawlaha xafladuhu ay dardar fiican ku socoto isla-markaana ay horumar muuqda gaadhay.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.