Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Nin hubaysan oo 7 qof ku dilay Masaajid ku yaalla Tuulada Libooyo ee Waqooyi Bari KENYA

Libooyo (Weedhsan) Febr 21,2013 – 7 qof ayaa ku dhintay rasaas uu saaka salaadii subax ku furay nin dablay ah deegaan u dhow  Tuulada Libooya waqooyi bari Kenya.

Dadkan oo ka soo baxay salaaddii subax Masjid ku yaalla Malele oo ka tirsan Libooyo oo qiyaas ahaan 25KM u jirta xerada Dhadhaab ee ay ku jiraan qoxootiga Soomaaliya ka qaxay.

Dadka dhintay oo tiradoodu dhamayd shan rag ah iyo laba dumar ah, ayaa waxa weerar ku qaaday siddeed qof oo dablay ah, waxaana dad goob-joogayaal ahi ciidamada booliska u sheegeen in labada haweenka ah lagu dilay masaajidka dibaddiisa, halka shanta ragga ahna lagu toogtay gudaha Masaajidka oo ay ku sugnaayeen markii salaadda Subax laga baxay.

Ciidamada booliska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay wadaan baadhitaanno la xidhiidha cidda ay ahaayeen dablayda dadkan laysa, si loo kala garto inay argagixiso ahaayeen iyo inay ahaayeen qabiilooyinka Soomaalida ee khilaafku ka dhexeeyo.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.