Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Mulkiilaha Shirkadda ALNUUR oo ka mid noqday 100-ka Qof ee ku soo baxay Barnaamijka ‘QIIMEE QOFKAAGA’

Hargeysa, February 21, 2013 (Weedhsan) – Mulkiilaha shirkadda Qalabka Guryaha iyo Xafiiska ee ALNUUR Furniture, Cabdiraxmaan Maxamed Nuur  ayaa ka mid noqday boqolkii qof ee loo xulay haldoorka Jamhuuriyadda

Somaliland oo xaflad billado lagu gudoonsiinayay munaasibad maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay  oo ay ka qayb galeen, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, masuuliyiin, Salaaddiin, Cuqaal iyo marti sharaf tiro badan, ayaa maanta lagu soo afmeeray barnaamijka ‘Qiimee Qofkaaga si aad Qiime u yeelato’ oo sannadkii ina dhaafay dhexdiisii ka bilowday Somaliland, kaas oo shacabka reer Somaliland ku soo xulanayeen 100 ka qof ee ugu mudnaa muddadii labaatanka sanno ahayd ee Geeddi-socodka dhismaha Somaliland lagu soo jiray.

Bandhiggan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka qiimaynta qaranka ee SONEC, ayaa ahayd gunaanadka iyo natiijadii ka soo baxday  daraasad loogu codeeyey  100-kii qof ee dedaallada wax-ku-oolka ah ku sameeyey naftooda iyo bulshadaba.

Dadkan la soo xulay ayaa iskugu jiray siyaasiyiin  mansabyo kala duwan dalka soo qabtay ama imikaba xil haya, culimaa-udiin, abwaanno, dadka u dooda xuquuqda aadamaha, gacansato, dadka ka shaqeeya horumarka Bulshada iyo shakhsiyaadka naftooda horumariyey.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Nuur ayaa isagu billaddan ku mutaystay dedaalkiisii shaqsi ee uu noloshiisa ku sameeyey iyo doorkii firfircoonaa ee uu ka ciyaaray horumarinta adeegyada bulshada  labaatankii sanno ee Somaliland jirtay, taas oo keentay inuu cod kaga kasbado bulshadii ka qayb gashay codaynta barnaamijkan dadkii ku soo baxay ee billadaha hantay, loona gartay inay maanta kaddib ku suntanaadaan Kaalinta HALDOORnimo ee loo xushay.

Shirkadda Agabka guryaha iyo xafiisyada caanka ku ah ee ALNUUR oo Cabdiraxmaan uu aasaasay sanadii 1993-kii, ayaa ka sokow agabka ay bulshada u keento, waxa ay faa’iidada  ka hesho badh kamid ah ku celisa bulshadii ay ka dhex heshay.

Shirkadda ALNUUR waxa ay sannadkiiba laba jeer dharka ciidda kaga farxisaa boqollaal ka mid ah carruurta ku nool xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay ka qayb qaadataa adeegyada bulshada, sida dhismayaasha waddooyinka.

© WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.