Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Hay’adda samafalka Maraykanka oo Soomaaliya ugu deeqday $ 20 Milyan “Waxaannu maalgelin ku samaynaynaa raggiinna, dumarka iyo carruurtiinna”

Muqdisho (Weedhsan)  Febr 21,2013 – Madaxa hay’adda USAID Rajiv Shah iyo wefti uu hoggaaminayey ayaa maanta booqasho

ku tagay Magaalada Muqdisho.

Weftigan oo garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho uu ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in USAID ay Soomaaliya siinayso $ 20 Milyan oo doollarka Maraykanka ah.

Madaxa weftga Muqdisho booqday Rajiv Shah oo shir-jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu deeqayaan labaatan Milyan oo lacagta Maraykanka ah “Maanta waxaan maal-galin ku sameynaynaa dhalinyaradiinna, beeralayda iyo xoola dhaqatada, raggiinna, dumarka iyo carruurtiina, si loo horumariyo caafimaadka, wax-barashada iyo fursadaha kale. Waxaannu rabna inaan gacan qabanno Soomaalida si ay uga hor tagaan dhammaan dhibatooyinka soo waajahda, ha ahaadaan mid uu sababay bani-aadamku ama mid dabiici ah ee ka dhashay deegaanka, Waxaan ku faraxsannahay inaan ku dhawaaqno inaan bixini doonno 20 milyan oo doollar oo kale si loogu taageero waxyaabaha aan sheegnay oo dhan iyo waliba wax loogu qabta arrimaha degdegga ah ee cunno-yarida”ayuu yidhi Rajiv Shah.

Madaxwaynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Dhammaan arrimihii aanu ka wada hadlanay Rajiv Shah waan isku afgarannay, waxaana u sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in hadda laga caawiyo dhinacyo badan wuuna naga oggolaaday” 

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.