Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

I Have a Dream: Turjumid iyo Faallo – W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Dhaqanka soomaaliyeed qofka codkarka ahi magac weyn buu lahaa, isaga ayaana gabyaaga ku laba ahaa. Golayaasha garnaqsiga, baanaha, waanada, wacdiga iyo haasaawaha ayaa qofkaa qiimigiisa la dareemi jiray.

Haddii ay cido arrinsanayaan qolo waliba raggeeda hadalyaqaanka ah ayay diran jirtay. Sideedana ammaan ma ay ahayn hadalka la jeedinayo in aan si qaab iyo qurux leh loo dhisin, ama la la dhacdhaco, oo erayga habboon la heli waayo ama sida habboon loo dhihi waayo. Waxaa laga duuli jiray murtida ah “Hadal waa dheh iyo dhegayso”, ”Hadal la ma wadaago ee caano ayaa la wadaagaa”, ”Hadal sii dheh baa dishay”, ”Hadal nin yareeyay ka ma wada tagin nin badiyayna ma wada odhan”, ”Hal badani weel ma buuxsho”, “Hadal marag leh iyo hilib mindi leh midkoodna lagu ma margado” iwm. Halkaa waxaa ka soo bixi jiray hadal dhisan, urursan, xiise leh, murti ku milan, caddayn iyo marag ku qotoma, sidaa darteed dhegta iyo maskaxda qanciya, af soomaaliga iyo nafta maqashana koriya.

Danta hadalka loo dhisayo ee loo qurxinayaa waa in garawshiinyo lagu helo oo xoolo, xile iyo xarrago hadba waxa lagu doonayo lagu hanto. Waa in iyada oo aan garmaqaate la noqon ama meelkadhac la samayn haddana cidda la la doodayo labadible loo yuururiyo lagana libaysto. Guushaas in awoodda hadalka lagu helaa ma fududa ee waxa ay u baahan tahay: 1) in qofku afka hodan ku yahay, 2) in uu codkar u dhashay eraygana heli og yahay, 3) in uu ku xeeldheer yahay dhaqanka iyo xeerarkiisa.

Erayga khudbad asalkiisu waa af carbeed, waana hadal dheer oo abaabulan oo qaabaysan oo qof u jeediyo dad kale. Sida muuqata waa eray inoo soo raacay Diinta Islaamka, sidaa darteed waxa uu inoo macneeyaa wacdi diineed, sida khudbadda jimcaha. Xilligan cusub khudbad waxaa kale oo la yidhaahdaa hadal kasta oo qof dad uga jeediyo gole la joogo ama warbaahinta. Ugu horreyn iyo ugu dambayn khudbaddu waa hadal codkarnnimo ku jirto oo qofku u adeegsado gudbinta fikirkiisa si uu maskaxda iyo go’aanka dhegaystaha u saameeyo.

Dadyawga oo dhan khudbaddu dhaqamadooda waa ay ku soo jirtay welina ku jirtaa. Carabtii Islaamka ka horreysay, oo ahaa dad afka iyo murtida aad u weyneeya, waxa ay lahaan jireen bandhig caan ah oo la odhan jiray al-Cukaad, kaas oo ahaa suuq weyn oo ay sannadkiiba mar isugu yimaaddaan iskuna dhaafsadaan ganacsiga. Waxa ay se kale oo suuqaa ku soo bandhigi jireen suugaantooda iyo wixii murti ah ee cusub. Suugaanta halkaa laga jeediyo ee aadka loo jeclaa ayay khudbaddu ka mid ahayd, taas oo aan carabta uga qiimi hooseyn gabayga. Taa waxaa laga arkayaa niman magacoodu taariikhda galay oo fagaaraha al-Cukaad ku soo baxay.

Xilligan la joogo dunida oo dhan codkarnimada aad baa looga jecel yahay, waxa ayna ka mid tahay culuunta la barto. Dadka taa daneeya waxaa ka mid ah qareenka iyo xeerilaaliyaha, suxufiga iyo weriyaha, siyaasiga iyo wadaadka. Dadkaas oo dhan guusha hawshooda waxaa qayb ka ah in ay hadal dadka ku qanciyaan. Waxaa kale oo aftahanada loo adeegsadaa baadhista suugaanta, culuunta afka, warbaahinta, falsafadda iyo dano kale.

Dunida dadka codkarnimada ku caanbaxay ee xusuusta reebay waa ay badan yihiin. Giriiggii hore codkarnimadu waxa ay uga mid ahayd cilmiga iyo falsafadda la barto, aad ayayna u weynayn jireen. Gaar ahaan filasoofkoodii weynaa ee la odhan jiray Sokraates ayaa taa balaayo ku qabay. Khudbadaha taariikhda galay waxaa ka mid ah tii ugu dambaysa ee Nebi Maxamed (scw) ka jeediyay Maka laguna magacaabo Khudbaddii Sagootiga (Khudbatul widdaac). Waxaa ka mid ah tii Cumar bin Khataab jeediyay maalintii uu talada Muslinka la wareegay. Waxaa ka mid ah tii uu Xajaaj bin Yuusuf ee Baqdaad. Waxaa ka mid ah tii Taariq bin Siyaad ciidankiisa u jeediyay ilbidhiqsigii uu u tallaabay dhulka loo bixin doono al-Andalus. Raggaa waxaa kale oo ka mid ahaa ra’iisal wasaarihii Biriteyn ee sannadihii 1940-nadii Winston Churchil iyo madaxweynihii Maraykanka ee 1960-nadii John F. Kennedy. Laakiin halgamaagii madoobaa ee Martin Luther King khudbaddiisii loo yaqaanno I Have a Dream ayaa noqotay ta dunida oo dhan ugu caansan.

Mudane King (1929 – 1968) kontonnadii iyo lixdannadii qarnigii tegay waxa uu u guntanaa in uu gobeeyo dadka asalkoodu afrikaanka yahay ee uu qudhiisu ka tirsanaa ee dalka Maraykanka ku gumaysnaa. Waxa uu ku dhashay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia. Carruurnimo midabtakoor iyo dullayn ah ayuu maray. Waxbarashadiisa oo ahayd culuunta diinta waxa uu ku qaatay  Pennsylvania, shahaadada doktooradana waxa uu ku diyariyay Jaamacadda Boston sannadkii 1955. Sannadkii 1963 wargeyska lagu magacaabo Time Magazine ayaa u aqoonsaday waxa ay u yaqaannaan Man of the Year, taas oo ah markii kowaad ee ay maamuus intaa la’eg siiyaan qof asalkiisu afrikaan yahay. Sannadkii 1964 waxaa la siiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, isaga oo sidaa ku noqday qofkii ugu da yaraa dunida ee abaalmarintaa la siiyo. Taa waxaa u dheeraa shan shahaado sharaf oo meelo ka la duwan lagaga maamuusay.

Martin Luther King intii uu halganka waday naftiisu waxa ay saarrayd middi afkeed, hanjabaad joogto ah ayaana lagu hayay. Labaatan jeer in ka badan baa la xidhay. Sannadkii 1956 waxa uu ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dilo. Haddana sannadkii 1958 dimasho ayuu ku sigtay kolkii middi lagu dhaawacay. Intaas oo dhanna waxa uu ku jiray halgan aan gabbasho iyo libiqsi lahayn. Malyuumaad iyo malyuumaad dad ah ayuu u ahaa tusaalaha halganka iyo rajada gobannimada.

Muddo dheer oo qarniyo ah ayay caddaanku qaaradda Afrika ka qafaasheen malyuumaad qof oo addoonnimo loo geeyay labada qaaradood ee Ameerika iyo jasiiradaha ku ogog leh. Dabadeed sannadkii 1863, markii dagaalkii sokeeye ee Maraykanku socday, madaxweynahoodii xilligaa Abraham Lincoln waxa uu soo saaray wareegto lagu xarrimayo addoominta dadka. Wareegtadaasi in kasta oo ay sharciyowday, gobolladii koonfureed ee diidayna dagaalkii lagaga adkaaday, haddana xoraynta dadku aad ayay u jiitantay. Taa ka sokow dadkii xoroobay ma ay helin xuquuq dadnimo ee waxa ay la kulmeen midabtakoor, cadaadis iyo dil joogto ah oo aan addoonnimo waxba dhaamin. Ha yeeshee dadkaasi in ay heeryada gunnimada iska rogaan maalin qudha ka ma ay daalin, ololka halgankooduna habeen keliya ma gamaarin. Badhtamihii kontonnadii qarnigii tegay ayay se taasi dardar cusub yeelatay, kolkaas oo la xoojiyay baaqii dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah (The African-American Rights Movement, 1955 – 1968).

Xilligaa madowgu dhulkooda Maraykan wax xuquuq ah oo la sheegi karo ku ma lahayn. Dadnimadaba waa loo diiddanaa oo loo ma aqoonsanayn in ay la siman yihiin caddaanka tirada badan ee asalkoodu Yurub ka soo jeedo. Loo ma oggolayn in ay galaan meelaha dadka cadi joogaan: maqaaxiyaha, hudheellada iyo baararka, tusaale ahaan. Basaska iyo tareennada waxa ay ka fadhiisan jireen halka ugu dambaysa. Ma ay dhigan karayn dugsiyada caddaanku dhigtaan, ma heli jirin shaqooyin aan ahayn kuwa hoose, xaafado u gooni ah ayayna badanaa ku go’doonsanaayeen. Xitaa kiniisaduhu iyaga iyo caddaanka ka ma dhexayn. In aad u yar baa lahayd xuquuqda codaynta doorashooyinka.

Iyada oo ay sidaa ahayd Martin Luther King kolkii uu halganka hoggaanka u qabtay waxa uu dhinac isaga duway wax alla wixii fadqalallo iyo dhiig daadin ah. Waxa uu doortay in uu xaqiisa ku dhacsado mabda’a nabadda ee laga dhaxlay halgamaagii hindiga ahaa ee la odhan jiray Mahatma Gandhi. Sidaas ayuu dadka maraykanka iyo dunida oo dhan damiirka ku dhaqaajiyay ilaa loo wada garaabay.

Bisha Ogos 28-keedii 1963 waxa ay ahayd boqolguuradii uu madaxweynihii Maraykanku Abraham Lincoln sharciyeeyay joojinta addoonsiga. Bannaanbax ballaadhan oo loo bixiyay Socodka Washington ee shaqada iyo xorriyadda oo maalintaa caasimadda lagu qabtay waxaa isugu yimid dad tiradooda lagu qaddaray 250 000 oo ruux. Fagaaraha la yidhaado Lincoln Memorial ayuu Martin Luther ka jeediyay khudbad qaayo leh oo dayaankeedu weli dhegaha ka sii yeedhayo. Khudbaddaas oo loo yaqaan I Have a Dream – Waxaan lee yahay riyo  – waxa uu ku guntay wacad ah in aan halganka xuquuqda madowgu dib u noqosho lahayn. Waxa uu kale oo hadalkaa ku saadaaliyay in ay iman doonto dharaar dalkiisa loogu wada noolaan doono sinnaan iyo xaqsoor, iyada oo aan qofka lagu takoorin midabkiisa iyo diintiisa.

Khudbaddiisa waxa uu u adeegsaday arrimo badan oo kicinaya xusuusta taariikhda iyo rajada mustaqbalka labadaba. Ugu horreyn  goobta dharaartaa la taagnaa, oo ahayd Taallada Lincoln, waxa ay xoojinaysay fogeynta riddada baaqaa, waayo Lincoln waa madaxweynihii sharciyeeyay xuquuqda iyo sinnaanta dadka Maraykanka, taa darteedna loo dilay. Marka labaad King waxa uu si mug leh u xigtay boqolguuradaa iyo taariikhdeeda, iyo xeerka Maraykanka ee dammaanad qaadaya dadka oo dhami in ay lee yihiin xuquuq siman, taas oo haddana maanta madowgu ka qatan yahay. Waxa uu khudbaddiisa ku marriimay diin, waddaniyad, bani aadamnimo iyo gooddi, kuwaas dareenka iyo damiirka ruxaya.

Dadka uu la hadlayo badankoodu waxa ay ahaayeen dad isaga la wadaaga xanuunka gunnimada iyo u jeellanaanta gobannimada iyo helista xuquuqdooda. Sidaa darteed waxa uu ku soo celcelinayaa erayo talantaalli ah sida addoon/xor, dulmi/xaq, sinnaan/midabtakoor, colaad/nabad, tagto/timaaddo iwm, kuwaas oo habsami ugu dhacaya dhegaha maqlaya. Dadka wuu dagaalgelinayaa, waxa uu se uga digayaa fadqalallo iyo falal aan gar ahayn. Dhanka kale caddaanka tirada badan waxa uu u sheegayaa aayaha noloshoodu run ahaantii in uu ku xidhan yahay aayaha malyuumaadka madow ee iyaga ku hoos dulman. Waxa uu xardhayaa mustaqbal qurux badan oo ah nabad, xasillooni, isu arxamid, iskaashi iyo walaalnimo lagaga wada noolaado idil ahaan daafaha dalweynaha Maraykanka.

Khudbadda King waxa ay ku bilaabanaysaa awaale’warran iyo qiimaynta xaaladda lagu sugan yahay. Waxa ay jeexaysaa toobiye cad oo ay tahay in halgankaa loo maro. Waxa ay se cirka isku tolaysaa kolka uu daranddoorriyo riyooyinkiisa wada beerqaadka leh ee quruxda ka la daran ee ku saabsan mustaqbalka wacan ee dadkiisa. Ugu dambayn khudbaddu waxa ay figta gaadhaysaa kolka uu dalbado dhammi cidhifyada Maraykanka in isku mar laga garaaco dawanka xorriyadda, taas oo niyadsamada iyo codka uu ku odhanayo la moodo dawankaasi judhiiba in uu yeedhay. Dabadeed waxa uu lee yahay: “Ilaaha weynow haddaba waa kugu mahad!”

Maalintii ay taariikhdu ahayd 4 bishii Abril 1968 magaalada Memphis ee gobolka Tennessee ayuu cunsuri caddaan ahi Martin Luther King toogasho ku dilay. Ha yeeshee riyadiisii la ma dilin ee waa ay rumowday. Maalinta dilkiisu dhacay waxa ay noqotay maalin weyn oo sannad walba dalkiisa laga xuso. Dhanka kalena halgankiisii waa uu guulaystay oo maanta (2013) Maraykanka waxaa madaxweyne ka ah Barack Xuseen Ubama oo ah nin madow.

Haddaba khudbaddii I Have a Dream ee taariikhda gashay, oo aan af iswiidhish ka soo guuriyay, ahna tii kowaad ee af soomaali ah inta la og yahay, waa tan. Waxaa se afeef ah, weedha ah ”Five score years ago” waxa aan u turjumay ”boqolguuro xusuus leh horteed”, waayo macno kale oo meesha qaban kara waan waayay kolkii aan ingiriisida ku eegay. Af carabidana weedhaas waxaa lagu turjumay ”tobannaan sano hortood).

“Waa ii farxad in aan maanta idin la wadaago arrin taariikhda ku gelin doonta in ay tahay bannaanbixii nabadeed ee ugu weynaa taariikhda qarankeenna. Boqol sannadguuro oo xusuus leh hortood* ayuu halyey maraykan ah oo aynnu maanta tusmada hooskiisa joognaa saxiixay warqaddii lagu iclaamiyay xorriyaddeenna. Wareegtadaa qiimiga badani waxa ay ahayd oog iftiin weyn oo yididdiilo u ahayd malyuumaad madow oo addoon ahaa lana kadeednaa holaca iyo dhamacda dulmiga. Waxa ay la farxad ahayd iftiinka waaga oo lagaga baxayo habeen dheer oo lagu dabranaa.

Ha yeeshee boqol sano ka dib waa in aynnu qirannaa runta qadhaadh ee ah madowgu weli in aanay xoroobin. Boqol sano ka dib nolosha hoogga leh ee madowga weli waxaa ku yuurura katiinnadaha faquuqa iyo silsiladaha midabtakoorka. Boqol sano ka dib madowgu weli waxa ay ku nool yihiin jasiirad cidla iyo saboolnimo ah oo ku dhex taalla badweyn barwaaqo ah. Boqol sano ka dib madowgu wuxuu cidhif kaga sii baaba’ayaa bulshada maraykanka, wuxuu na dalkiisa ugu nool yahay sidii wax masaafuris ah. Sidaa darteed, waxa aynnu maanta halkan u nimid in aynnu soo bandhigno xaaladda sidaa u fooshaxun.

Waxa aynnu isugu nimid caasimadda dalkeenna si aynnu jeeg u sarrifanno. Nimankii jamhuuriyaddeenna qaabeeyay kolkii ay qorayeen erayada quruxda badan ee xeerqarameedka iyo madaxbannaanida dalkeennu ku dhismeen, waxa ay saxiixeen warqad jeeg ah oo qof wal oo maraykan ahi qayb ku lahaa. Jeeggaasi waxa uu ahaa wacad ah in la dammaanad qaado lamataabtaannimada qof kasta - haa, madow iyo caddaanba, xaqa noloshiisa, xorriyaddiisa iyo in uu sida uu doono liibaantiisa u samaysto.

Waxaa se maanta si cad u muuqata Maraykan in uu ilaa imika ku guuldarraystay oofinta wacadkaa inta ku aaddan dadkiisa madow. In waajibkaa muqaddaska ah la dhawro daaye, Maraykanku waxa uu dadkiisa madow u qaybiyay jeeg kale oo xun, kaas oo kolkii ay sarrifan lahaayeen lagu soo celiyay looguna soo qoray ”wax lagu sarrifaa kuu ma yaallaan”.* Ha yeeshee rumaysan maynno bangigii caddaaladdu in uu kacay oo la xidhay. Ma oggolin in aynnu rumaysanno in wax laga waayay khasnadda weyn ee qarankan wada fursadda ah.* Taa darteed waxa aynnu maanta u nimid in aynnu sarrifanno jeegga; kaas oo aynnu ku helaynno xorriyadda hodantinnimadeeda iyo caddaaladda nabadgelyadeeda.

Waxa aynnu kale oo fagaarahan barakaysan u nimid in aynnu Maraykanka xusuusinno xaaladda gubanaysa ee maanta. Ma aha maanta dharaartii la isku maaweelin lahaa ku raaxaysiga isqaboojin, ama la qaadan lahaa maandooriyaha wax dejiya ee la yidhaahdo ”isbeddel qunyar qunyar ah”. Waa goortii laga dhabayn lahaa wacadkii dimuqraadiyadda. Waxaa la joogaa goortii laga kici lahaa godka mugdiga iyo foolxumada ah ee isirsooca, loona bixi lahaa tubta iftiinka iyo qorraxda ee caddaalad loo siman yahay. Waa goortii aynnu qarankeenna ka qaadi lahayn dhiriqda midabtakoorka ee saari lahayn taagada walaalnimada. Waxaa la joogaa goortii sinnaan loo xaqiijin lahaa idil ahaan dadka Eebbe.

Gef weyn ayay noqonaysaa in qarankeennu ismoogaysiiyo mudnaanta waqtigani lee yahay. Xagaagan kululi dhaafi maayo cabashada madowga iyada oo aanay dayrtu keenin dabayl caafimaad oo xorriyad iyo sinnaan ah. Sannadkan kun sagaal boqol saddex iyo lixdanku dhammaad ma aha ee waa bilaw. Kuwa filaya in uu madowgu debci doono oo raalli noqon doonaa waxa ay ku baraarugi doonaan run qadhaadh haddii dalku sidii uu ahaa dib ugu noqdo. Degganaan iyo xasillooniyi waa xaaraan inta aan madowgu xaqiisa helin. Leexada kacdoonku dalkeenna waa ay gilgilaysaa jeer waaga xaqsoorku beryo.

Mid baan se odhan lahaa dadkayga ku taagan qardajeexa kulul ee aynnu u maraynno qasriga gobannimadda. Inta aynnu ku jirro halganka aynnu xaqeenna ku soo dhacsanaynno waxaa inaga reebban falal aan xaq ahayn.Yaynnaan doonan, ama harraadka aynnu xorriyaddeenna u qabnaa yuu ina gayaysiin in aynnu ku cabno weelka ciilka iyo nacaybka. Had iyo jeer waa in aynnu u halgannaa si sarraysa oo dadnimo iyo hannaan leh. Kacdoonkeenna qiimiga leh waa in aynnu ka ilaalinnaa in aynnu ku geysanno fadqalallo jidh ahaaneed. Mar kasta iyo goor walba waa in aynnu kor isugu qaadnaa heer gobannimo, oo awoodda muruq ee inaga horjeedda ugu babacdhignaa awood nafsadeed. Dagaalyahannimada beryahan bulshadeenna madow ka dhex muuqataa yaanay inoo horseedin in aynnu caddaanka oo dhan sharaysanno, ogaadana caddaan badan oo walaalaheen ah, oo ay joogitaankooda maanta ee halkani muujinaysaa, waa ay garawsan yihiin aayahoodu in uu ku lammaan yahay keenna, xorriyaddooduna ku tallaalan tahay teenna. Socdaalka keligeen ku ma noqon karro. Inta aynnu soconno talagalkeennu waa in uu ahaadaa in aynnu hore u soconno. Dib u noqosho ma jirto.

Waxaa jira kuwo halgamayaasha wayddiiya: ”Goorma ayaad qancaysaan?” Qanci maynno inta madowgu qabo arxadarrada bahalnimada ah ee bilayska. Qanci maynno inta jidhkayaga oo socdaalku daaliyay loo diiddan yahay qolkii uu ku yara nasan lahaa, ama huteelkii uu magaalada ka seexan lahaa. Qanci maynno inta dadka madow fursadda guuritaankoodu tahay xaafad yar oo go’doon ah ka guur oo mid weyn oo go’doon ah u guur. Weligayo qanci maynno inta carruurtayada qofnimada laga siibayo ee karaamadooda lagu dilayo in meel walba loogu qoro ”caddaanka oo keliya”. Ma qanci karro inta aan Mississippi qofka madowi doorashada ka codayn karin, ka New York joogaana garanayn wax uu ka codeeyo ama u codeeyo. Maya, maya, ma qanacsanin mana qanci doonno jeer ay caddaaladdu sida daadka u qulqusho oo xaqu sida dabaysha u soo rogmado.

Ma moogi in badan oo idinka mid ahi in aad soo marteen qaxar iyo qato aad ah. Qaarkiin haddadan baad ka soo baxdeen qol xabsi oo cidhiidhi ah. Qaarkiin waxaad ka timaaddeen degaanno ay raadinta xorriyaddiinnu idin badday in la idin ugaadhsado iyo arxandarrada bilayska. Waxaad noqoteen ruugcaddaaga xanuunka ee halgankan. Ku sii shaqeeya taa idinka oo rumaysan dhibaatada xaqa loo maro in lagu barakoobo. Ku noqda Mississippi, ku noqda Alabama, ku noqda South Carolina, ku noqda Georgia, ku noqda Louisiana, ku noqda xaafadihiinnii iskuraranta iyo go’doonka ahaa ee magaalooyinkeenna waqooyi, idinka oo og xaaladdani in ay isbeddeli karto oo isbeddeli doonto. Inaga ilaaliya in aynnu ku hoobanno haadaanta quusta.

Maanta waxaan idiin sheegayaa, saaxiibbayaal, iyada oo waxaas oo dhibaato ahi maanta iyo berriba ina horyaallaan, aniguna xanaaqsan ahay, haddana weli waxa aan lee yahay riyo. Waa riyo xididdo fog ku leh riyada Maraykanka. Waxa aan lee yahay riyo ah maalin uun umaddani in ay kici doonto oo ku dhaqmi doonto macnaha dhabta ah ee axdigeedii ahaa ”xaqiiqooyin aan hadal geli karin waxaa noo ah; dadka oo dhan in la uumay iyaga oo siman”. Waxa aan lee yahay riyo ah maalin in haaraha cascas ee Georgia ay miiska walaalnimada wada fadhiisan doonaan addoomihii hore wiilashooda iyo addoonsadayaashii hore wiilashoodu. Waxa aan lee yahay riyada ah in maalin xitaa gobolka Mississippi ee lamadegaanka ah, ee ay kulaylka dulmiga iyo cadaadisku cusleeyeen, uu isu rogi doono kob cagaaran oo xorriyad iyo caddaalad ah. Waxa aan lee yahay riyada ah maalin ay afartayda carruur ahi ku noolaan doonaan qaran aan loo eegayn midabkooda ee loo eegayo dadnimadooda.

Riyo ayaan maanta lee yahay.

Waxa aan lee yahay riyada ah maalin gobolka Alabama ee midabtakoorku yaallo ee guddoomiyihiisu erayada dulmiga ah shubo, in loo gudbi doono heer ay carruurta madow iyo kuwa cadi gacmaha isqabsadaan iyaga oo walaalo ah.

Maanta waxa aan lee yahay riyo.

Waxa aan lee yahay riyada ah maalin godan oo dhami kor u soo kici doono, kur iyo buur oo dhami hoos u soo degi doonto, dhulka ka la sarreeyaa sinmi doono, marinka leexleexsani mudh noqon doono, oo weynida iyo wanaagga Eebbe muuqan doono oo dadku wadajir u arki doonaan.

Waa taa yididdiiladeennu. Kalsoonidaa ayaan koonfur ku la noqonayaa. Kalsoonidaa ayaynnu buurta quusta ku burburin karraa oo ka dhigi karraa dhagaxa rajada. Kalsoonidaa ayaynnu laxanka dhabaqsan ee bulshadeenna ugu rogi karraa hees macaan oo walaalnimo ah. Kalsoonidaa ayaa inoo suurtogelin karta in aynnu wada shaqaynno, in aynnu wada tukanno, in aynnu wada dadaallo, in la ina wada xidho, in aynnu xorriyaddeenna isu wada taagno, innaga oo og maalin uun in aynnu xoroobaynno.

Waxa ay noqon doontaa maalinta dadka Eebbe oo dhami hees cusub wada qaadi doonaan ”Gayigaygow adaa leh macaanka gobannimada aan u heesayo/ Dalkii awowyaday lagu aasay baad tahee. Faankii xujayda Eebbe adaa ahe, buur iyo bannaan dawanka xorriyaddu ha ka babbado”. Haddii Maraykanku qaran weyn noqonayo, taasi waa in ay rumowdaa.

Dawanka xorriyadda ha laga garaaco haaraha amakaaga leh ee New Hampshire. Dawanka xorriyadda ha laga garaaco buurta weyn ee New York. Dawanka xorriyadda ha laga garaaco dhul buureedka Pennsylvanie. Dawanka xorriyaddu ha ka yeedho buuraha barafka gashan ee Colorado. Dawanka xorriyaddu ha ka yeedho fiidaha marmaroorsan ee buuraha Kaalifornia. Sidoo kale dawanka xorriyaddu ha ka yeedho buurta Georgia. Dawanka xorriyaddu ha ka yeedho buurta soo baxsan ee Tennessee. Dawanka xorriyaddu ha ka yeedho Mississippi oo dhan godan iyo taago. Meel walba dawanka xorriyaddu ha ka yeedho.

Dawanka xorriyaddu ha yeedho. Kolka aynnu dawanka xorriyada garaacno, uu tuulo walba iyo geed walba ka yeedho, iyo gobol iyo magaalo kasta, waxa aynnu soo dedejinnay maalinta ay dadka Ilaahay oo dhan, madowgooda iyo caddaankooda, yuhuuddooda iyo kuwooda kale, barotestaankooda iyo kaatooliggooda, maalinta ay gacmaha iswada qabsanayaan ee ku heesayaan heestii soojireenka ahayd ee dadka madow ”Ugu dambayn waa aynnu xorownay! Xor baynnu nahay ugu dambayn! Ilaaha weynow waa mahaddaa! Ugu dambayn xor baynnu nahay!”

FIIRO!

*Jeegga sarrifka loo diiday ee halkan lagaga hadlayaa mid lacageed ma aha ee waa xorriyadda iyo xuquuqda dadka.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Halkan ka akhri Qoraalladii hore ee Qoraaga Ibraahim Hawd ee lagu baahiyay Mareegta WEEDHSAN.

Qalinleyda © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.