Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

THE MAGAZINE: Hal-ku-dhegga iyo Hal-haysyada Afkeenna – W/Q. Maxamed Baashe X. Xasan

Waxa ay u dhexeeyaan hadalka caadiga ah iyo maahmaahyada. Waa isirro xigmad iyo murti xanbaarsan sida maahmaahda. Hadalkaa lagu geeddi geliyaa oo fahamka xaajada ayay soo dhoweeyaan. Ribnimada cufnaantooda af ahaaneed iyo saameelka abbaartooda ku fiiqan ujeeddada

ay gaadiid-qaadka u yihiin ayaa keenaysa in xilliga wada hadalka loo adeegsado sida maahmaahyada oo kale ama maanso-ku-maahmaahyada kale ee suugaaneed. Waa marag kale oo qaninnimada afka isu soo taagaya dhanka tayayntiisa iyo tarminta tiradiisaba.

Hal-ku-dhegyada oo dadka qaarna yidhaahdaan hal-ku-dhig iyo hal-haysyada murtiyeed waxa ay ka soo jeedaan kasmo wadareedda ummadda, waxaanay ka tibaax bixiyaan dhacdooyin iyo muuqaallo nololeed oo ku taxmaya afka iyo suugaanta, dhaqanka iyo hiddaha, taariikhda iyo sooyaalka, iyo qabitaannada iyo nolosha dadka Soomaalida. Waa hummaagyo afeed u dhexeeya labada soohdimood ee nolosha afka caadiga ah ee sida maalinlaha ah loogu wada xidhiidho iyo degaanka badweynta suugaaneed iyo maldahanta afka. Sida ay u kala cuddoon yihiin ama u kala fudud yihiin murti-xanbaar ahaan ayay ugu kala dhowaadaan daafaha labadaas soohdimood. Runnimada sida ay ku baxeen waxa ka muhiimsan nuxurka sarbeebeed ee ay soo gudbinayaan ee hannaan raaca adeegsigooda. Dhawr tusaale ayaynu ku hormari doonnaa, iyada oo ay dhici karta in ay siyaalo kala geddisan loo weriyo sida ay ku soo baxeen:

“Habar-jecloy Muuse waa kaas”!

Muusaha halkan lagu soo halqabsanayaa waa Muuse Yuusuf Ismaaciil nin la odhan jirey oo noolaa muddo ka badan 200 oo sannadood ka hor. Yaraan buu ku gaashaanqaaday oo ka arriminta, oddoroska iyo talada tolkiisa wax ka go’aaminteeda geedka u fadhiistay. Waxa uu noqday abbaanduule ku-dhacdiisu geesinnimo badan tahay oo degaankiisa iyo kuwa kale ee ku ogogga leh ba caan ka noqday. Talada reerka ragga looga dambeeyo ayuu foolaadka iyo hormoodkooda ka mid noqday. Hiyigiisa waxa galay hanka in saldanada reerka isaga dummaddiisa la saaro. Wuu isa soo sharraxay. Olele ayuu aloosay, jawaab dhiirrigelisa na wuu helay.

Faarax Khayrre nin la odhan jirey oo ay Muuse Yuusuf isku asaag iyo ayni ahaayeen, ragga taliya na ka mid ahaa, ayaa ka hor yimid sharraxaaddiisa. Olole uu hanka Muuse ku jebinayo ayuu Faarax faraska u heensaystay. Waa rag ilmaadeer iyo isu wada adeer ah oo is yaqaanna. Nin kasti ba halkiisa roon iyo gol jilicdiisa ba waa la masanuunin karayey. Faarax Khayrre oo xulafaysanayey Axmed Yuusuf Ismaaciil oo Muuse walaalkii rumaad ahaa, ayaa wada dhigaya shaxdii iyo shirqoolkii Muuse karkaarka lagu waydaarin lahaa ee laga wareemi lahaa.

Faarax Khayrre oo qudhiisa hunguri kaga jiro isu soo caleemo-saarka jagadaas gadhwadeennimo ee beesha ee faraska Muuse Yuusuf na u garmaamaynayo, ayaa go’aansaday inuu guluf siyaasi ah oo Muuse ka dhan ah gondaha dhigo. Tolweynihii oo ladqabaynaya, ayaa Faarax waydiiyey sababta uu Muuse u caaridsan yahay. Waa nin ka sii tabaabulshaystaye, waxa uu Faarax Khayrre hoosta ka xarriiqay oo tolkii uga tibaax bixiyey in aanu Muuse lahayn dulqaadkii hoggaamiyennimo ee loo baahnaa. Laye Faaraxow “burhaantaada keen oo caddee Muuse inaanu dushii loo baahnaa lahayn”!

Hore ayay taas Faarax Khayrre iyo Axmed Yuusuf isu la sii bisleeyeen oo Muuse dushiisa daawaha u saareen. Maalintii Muuse Yuusuf la caleemo saarayey, ayaa Faarax iyo Axmed diyaariyeen, sida la weriyey, fulintii shirqoolkooda. Inan yar oo Muuse adeer u ahaa oo qaawan ayaa subag loogu maydhay oo hadda na kor iyo kal danbas iyo cammuud jidhkiisa loogu dhoobay! Ilmihii oo subag iyo cammuudi ka da’ayaan ayay ku sii daayeen masallihii Muuse lagu boqrayey. “Ku fadhiiso oo weli ba ku gelgelimayso” ayay ku adkeeyeen. Isna sidii buu yeelay.

Waa sidii ku talagalkoodu ahaaye, markii uu Muuse arkay ilmaha yar ee uskaggu ka dareerayo ee masallihiisii isku camcaminaya, ayuu inta uu shaabuuggiisii la soo degey jeedal ku dildillaaciyey! Goobtii caleemo-saarka oo ilyartu is qabatay, ayaa Faarax Khayrre inta uu ka kacay kaga dhawaaqay maalintaas hal-ku-dheggan taariikhda galay “Habar-jecloy Muuse waa kaas”!

Adduun I khatal”!

Waa hal-hays isna murti ku fadhiya oo qiimo leh, kana tibaax bixinaya noloshii Soomaalida ee reer guuraaga ahayd, gaar ahaan xilliyada ragga la kala laayo, kala qaadashada magta iyo lexjeclo xumida la hal-maasha. Aadan Galaydh waxa uu ahaa nin Alle dad iyo duunya ba ugu roonaaday. Waxa uu lahaa geel ciidda iyo camaarkaas le’eg iyo ubad inammo u badnaa. Wax la yidhi inan barbaar ah oo wiilasha ka mid ahaa ayaa kibir u dooxay wiil kale oo aan hayb ahaan ka fogayn tolka Aadan Galaydh. Sida xeerku ahaa mag in la kala qaato ayaa la soo qaaday. Waa la isla gartay oo qoodhoole ayaa loo qaybsaday. Aadan Galaydh oo aan xitaa la jifayn waxa ku soo hagaagey inuu qaalin dheddig oo geel ah bixiyo. Aadan arrintaas wuu diiday geel jacayl iyo keni adayg ama cariigsi kii ay doonto ha ka ahaato’e. Gamas iyo warmo dhiig leh buu Aadan taas ka doortay oo maalintaas ka taliyey. Dagaal lagu riiqday oo kubka iyo bawdada lagaga jabay, ayay arrintaasi dhalisay. Jilibyo dhan ayaa isku madda go’ay oo hilbahooda haadda iyo haanraawe ka haqab beeleen, aakhirkii na Aadan Galaydh ayaa caaradii waranka daylani tummaatiday. Dhaawac baa lagu soo gaadhey isaga oo cammuudda gadhka ku haya.

Aadanow warran oo maanta na ka tali” ayaa lagu yidhi! Xigmad iyo murti maguuraan noqotay ayuu maankii intii la joogtey ku reebay, tii baa nool oo illaa maanta na ka caan ah carrada Soomaalidu ku uumman tahay. Aadan Galaydh waxa uu yidhi: “Adduun I khatal! Markii aan taag hayey na talo ma hayn, maanta oo aan talo haya na taag ma hayo”!!

“Iska Hadlow Ina Igarre”!

Xaaji Muuse Igarre waxa uu ka mid ahaa saraakiishii maamulkii gumaysiga Ingiriiska ee magaalada Burco ka arrimin jirtey. Amar ka soo baxay maamulka ayuu soo gudbiyey dhaqangelintiisa. Amarkaasi waxa uu ku saabsanaa in degaanno Burco ku ogog leh laga seero xooluhu in ay daaqaan xilli xadiddan. Islaan adhigeedu dhulkaas la seeray u foofi jirey baa loo sheegay in jeexyadii ri’yuhu u daaqi jireen laga mamnuucay oo ri’yaha gala na la qaban doono, qofka leh na ganaax la saari doono. “Yaa taas yidhi” bay tidhi. Waxa la yidhi nin “Ina Igarre” la yidhaahdo oo Burco u taliya. Waxa ay tidhi hal-hayskan isna xaraarta butaystay ee inta badani adeegsi taqaanno: “Iska hadlow Ina Igarre”!

  • Haddaannu hadallana waa af sallax ku dheggayagii, haddaannu aamusnana adhiga sidaas laga dayn maayo!
  • Iska hadlow Ina Igarre!
  • Gadhku gadhkaad mooddeen ma aha!
  • Sanqoolow maxaa Berbera ku geeyey!
  • Dhawdhawdu Cadduur uma dhacsana!
  • Ma annagaa “Suudaanta keennay”!
  • Waa’ dambaa laga sheekayn!
  • Ina Sanweyne na u gee!
  • Adduun I khatal!
  • Waa cariig oo walle ah!
  • Anigu ba caydhoobaye Allow caanaha la waayaa!
  • Baroortu orgiga ka weyn!
  • Habar-jecloy Muuse waa kaas!
  • Wallee Ciidagalaan turub baran!
  • “Ma innagii Reer Cali Geri baa isku askariyeynayna”!
  • Isaaqda maa diidin ee “xaaqdaan” diiday!
  • Abasguul meel ma wada joogo war na isku ma seeggana!
  • Allahayow ha na shoocadayn!
  • Bacaluul is qaadey!
  • Loo wada joogee; Nuur iyo Naalleeye ba!
  • Indho la’aan baan ku ogaaye dad cunow na ma keentay!
  • Wallee anigiyo Qoran baa na la wada qabin!
  • Waddo halaq mareen in ay noqotaan ka biqi!
  • Laba kale ba isa saaray aan laba tagoogo ka ahayn!
  • Labaan isla waayey!
  • Laba aanad lahayn isku ma cuntid!
  • Hadduu sii go’ay!
  • Ma ka mudhay!
  • Wax kale iyo Cismaan Sugulle!
  • Adaa war i taray!
  • Qarkaa na qar dheh!
  • Bal adba!
  • Shaluu go’ay dheh!
  • Guure habeennimaan loo noqon doonin!
  • Halkee salaaddu ka xidhmi la’dahay!
  • Anna yaabay oo idhi!
  • Horay iigu ekayd!
  • Gobi innaga!
  • Xasan Jigan bikh!
  • Wada hadal ba haadkaas yar baa ka hadhay!
  • Dayoy yaa qaybta ku baray? Ishaa Cali ka laalaadda!
  • Kismaanyo iyo kistaada!
  • Na tuurtuura Reer Burcow na ma taqaannine!
  • Burco hays barato!
  • Xamar iyo xisaabteeda!
  • Waa tii ciidda Buuhoodle midhmidh loo qaadaa!
  • Shimbirtii Oodweynaay “hodhodho”!
  • Xarardheere iyo xooggeeda!
  • Hadday weyn tahoo Warsame yimi!
  • Ka daryoo dibi dhal!
  • Tus baa laaban!
  • Adaa cirka roob ku og!
  • Wallaahay hadda ba in aannu nafar dalban!
  • Adduun caaryaale!
  • Siddi qabax Khadiija Warsame!
  • Habaar waa dibed!
  • Waa ba lax baa lagaa yidhi!
  • Bal inta uu le’eg yahay ee uu galaalan yahay eega!
  • Ma calooshii hooyadii baa lagu ciili jirey!
  • Wax na la tus, wax na noo laaban!
  • “Ka gur Qaafo” buu yidhi!
  • Ma anigii roonaa bay I rogatey?!
  • Carabkayagu na waa Saalax Baaxuur!
  • Waa la doogiye yaan la dacaroon!
  • Berraa darane bur dhaaf!
  • War jiraa ba Cakaaruu iman!
  • Reer aan rabey roob maygu eryey!
  • Laba kub oo xaad leh yaan lagaa waayin!
  • Alle yay gujiyoo gacal iigu dhow!
  • Taas oo kale waan ban ka sii dhutiyaa!
  • Buur madoobi waxeedii la soo noqotay!
  • Tukubaan sitaayee; haygu tiirsan laangadhe!
  • Hayaay Cabdilqaadir hareer qabo awrka!
  • Ka bax dhooqada ama dhiidhiga ha dhex jiifine!
  • “Daad wararac” bay tidhi!
  • Waa oday ka sheekee!
  • Tab hayow ba aashaa!
  • Carruur iyo Reer-guurey-raac waa loo kala warramaa ee ismay arag!
  • Anoo awel ba ooyayey bay weylina I qardabtey/igu joogsatey!
  • Anoo aabbahay la yaabban buu aabbahay na aabbihiis keenay!
  • Waxaan markhaati lahayni hadh-dhan!
  • Geelow weligaa ba soco markaad se ciin daaqaa laguu yaabaa!
  • In gorayo heeryeysani nagaga soo bixi haddaannu kayntaas sii joogno!
  • Daldaloollo badanaa ma duddumo bahalo galeen ah baa!

F.G. Qormadan waxa markii ugu horreysay lagu baahiyay Tirsigii 8aad ee Majalladda WEEDHSAN, February-March 2013.

Maxamed Baashe X. Xasan

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Barta FACEBOOK kala xidhiidh Qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan

Halkan ka akhri Qoraalladii hore ee Qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan ee lagu baahiyay Mareegta WEEDHSAN

Qalinleyda © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.