Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Doorashada Baarlamaanka Jabbuuti oo saacadaha soo socda lagu dhawaaqayo Natiijadeeda

Jabuuti (Weedhsan) Febr 22,2013 – Shacabka reer Jabbuuti ayaa saaka u dareeray doorashada baarlamaanka dalkaasi.

Doorashadan oo ay ka qayb-galayaan saddex xisbi oo laba Mucaarad yihiin, ayaa waxa qayb-galaya 174000 cod bixiye, waxaana dadkaasi ka codaynayaan 442 goobood, guud ahaan dalka Jabbuuti, sida uu sheegay Guddoomiyaha guddida doorashada dalkaasi.

Magaalada Jabbuuti ee caasimadda ah ayaa waxa laga codeynayaa 232 goobood, iyadoo la doonayo inay ka yimaadaan 35 xildhibaan, halka inta kalena ay ka imaanayaan gobollada kale ee dalka.

Doorashadan ayaa si weyn uga duwan doorashooyinkii hore iyadoo xubnaha mucaaradka ah ee lasoo doorto ay ka mid noqon doonaan baarlamaanka, taasoo ka dhigan in baarlamaanka Jabbuuti ay ka mid noqon doonaan xubno mucaarad ah, halka markii hore uu ahaa in ciddii ku guuleysata aqlabiyadda baarlamaanka ay qaadan jirtay kuraasta oo dhan.

Doorashadan oo bulshada caalamku u soo dirtay goob-joogayaal, ayaa waxa lagu soo dooranayaa 65 xildhibaan, oo 35 ka imanayaan Caasimadda Jabbuuti.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.