Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

SHEEKO GAABAN: Waad i Moodday! – W/Q. Cabdiraxmaan Cismaan

Kabaha maaska, macawiista, hangoolka miskaha dhex yaalla iyo marada ku duuban ayay u milicsatay si kor iyo hoos ah; ma dareensana iyadu oo waabay mooggan tahay sida ay isha ugu mudday wiil halkeer dooyaysan. Malaheedu ma

khaldana oo waaba Soomaaliga ay maanka ka doontay; isagu se wuxuu miyirkiisu diiday gabadhan ayna isku muuq iyo meelna wadaagin ee sida muxubbadu leh u dhugatey.

Weli way isla maqan tahay gabadhu; isaga wuxu ku tiraabay ‘meankaaga sheego marwo; Haddii kale move waddadaada’, uma jawaabin gabadhu waase maqlaysaa kelmadaha wiilkani shubayo; inuu khalad fahmay waxa dhab ahaantii keenay iney siddaa ugu dheygagto. Maskaxdeeda waxa ka guuxaya jaceyl midab doorsoomey; oo waayo hore oo murugo badan la soo maray. Qalbigeeda waxa ku soo maaxaya diiftii iyo doogtii uu reebay caashaqaas waayahu kala fogeeyay. Dib ayey ugu noqotay sawirro qadhaadh iyo macaan labada xambaarsan; oo ay la soo martay isla gabankan ay maanta sida lama filaanka ah ku heshay. Dhimasho ayey ku tirinaysay waase uu noolyahay. Ilmada indhaheeda soo jiidhay ayaa dhabanada qoysay; iyana waa u diiday xataa, iney sacabka mariso togogga sida kulul uga burqanaya madaxeeda ee ay la miiraabtay. Tiica iyo tiflaynta dhibaca oogada korkeeda ka socda, ayaa miirdoorsoon ku riday gabigeeda dhan.

Jidhkeedu waa dareen badelmay; dibnaheedu waa gariirayaan, codkeeda waxa dhalanrogay oohin xad dhaafa; oo dhareer iyo duuf miidhana. Hiqda ayey guraysaa, gabadhu waa beer olashay; isna amakaag iyo yaab ayaa ka soo hadhay, intuu labada dhaban gacmaha saaray ayey baalasha indhihiisuna libiqsi gabeen. Meeshu waa Minniopolis; iyana sawirada maskaxda aya mashquulka xasuusteedu ku celiyey; Muqdisho iyo dharaaro wacnaa oo la soo dhaafay. Maxaa muufo iyo macmacaan intoo la wadaagay, haasaawe lagu soo qaatey shaneemooyinkii magaalada. Maxaa iyadoo laydh iyo neecaw dhacayso jiinka wabiyada la mushaaxay. Maxaa buurta Daallo iyo beeraha Wajaale si maamuus sare leh la isku weheshaday. Maxaa habeeno iyo dharaaro wacnaa la mataaneeyay. Intay soo fiirisay ayey ku tiraabtay ‘Aboowe macaane wiilkoo Soomaaliga aan Xamar weyne isku jeclayn ma tihidoo?’ MAAHA, MAAHA, MAAHA Waad i Moodday. Anuu SOMALILANDER ayaan ahay.

Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

SHEEKO GAAABAN © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.