Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

SHEEKO GAABAN: Maxaa Khaldanaa?! – W/Q. Muna Axmed Cumar

Dhaxan aad u daran iyo dabayl xooggan oo dhammaan wixii maqsinka yaallay kharribtay ayaa dhacaysay. Indhaha ayuu kala qaaday mise alaabtii oo dhami waxay dul sabbaynaysaa mawjado biyo ah oo buux dhaafiyay

qolka. Waa mugdi bal se iftiin yar ayaa xagga sare ka soo galaya, kor ayuu fiiriyay mise maqsinku dusha wuu ka bannaan yahay. Yaab oo tolow jiingaddii iyo bilifoonkii xaggay mareen buu is weydiiyay. Amankaag ayaa ku dhacay. Intuu indhaha marmaray, sheydaankana iska naaray ayuu hareeraha eegay. Waraaqo googo’an, caleemo, iyo caagado ayaa meel walba daadsan!

Qaylo ayuu ku dhuftay! Haba sheegin. Qofna uma iman “yaa jooga meesha?” ayuu kor ugu dhawaaqay isaga oo aad u naxsan. Cidla’! Gowla! Qof daaye shinbiri juuq ma leh “tolow waa maxay meeshani?” ayuu is weydiiyay, sowtan aad duljiifto sariirtaadii, sowkan qolku kaagii u eg, sowkan miiskii aad alaabta dul saaran jirtay biyaha dhex sabbaynaya, sowkaa sawirkii barigaad dugsiga ka qalinjabisay sudhan gidaarka ee ay dabayshu ruxayso, maxaa khaldan?! Ma roob ayaa da’ay tolow? Oo roobku intuu sidan wax u kharribayay halkeed joogtay, sowdigii nabad ku seexday, cirku xataa daruuro muu lahayn caawa!

Daaqadda ayuu fiiriyay mise daaqadba kuma taallo meesha, oo waa meel bannaan, waaba halkay ay dabaysha u badan ka soo galayso. Naxdintii ayaa ku libilaabmatay anfariir dartii ayuu afka kala qaaday, garaaca wadnihiisa ayaa kor u kacay, maskaxdiisa ayaa si xawli ah u shaqaysay. Meel uu joogo iyo siday wax u dhaceenba wuu garan la’yahay. Wuu xasuustaa in uu xalay si nabad ah xaafadda ku yimid, in ay saaxiibkii Cali albaabka gurigiisa ku kala leexdeen, in uu guriga soo galay oo laydhka shiday oo isagoo buug akhrinaya gam’ayna wuu xasuustaa, markii uu hadda indhaha kala qaadayna waxan uu arkay waa kaaf iyo kala dheeri “tolow ma yowmal qiyaamihii baa haddaba?!”  “Ma duufaannadii gaalada lagu rogi jiray baa caawana inaga ina haysata markay macsideennii badatay” “tolow ma dhul gariir ba dhacay intaad huruday, oo dhul gariir haduu yahay mabaad noolaateen sow guriga oo dhami ma dumeen, ma roob mahiigaan ah ayaa da’ay, hadduu da’ay waa maxay waxan oo xashiish ahina ma isagaa watay?” “Tolow guriga intiisa kalena ma sidanaa” su’aalo badan oo uu jawaab u waayay ayaa maskaxdiisa si isdaba jog ah ugu soo dhacaysay. Kac buu is yidhi mise lugtaba kor uma qaadi karayo, mar labaad buu isku dayay haba shegin lug daaye far ma dhaqaajin karayo, naxdintii baa ku sii korodhay, dhidid fara badan ayaa ka soo booday wax alaale wax uu sameeyo ayuu garan waayay. Wuxu maqlay sanqadh, hareeraha ayuu si degdeg ah u fiiriyay balse waxba muu arag. Waxa uu dareemay in ay dhaqdhaqaaqayso sariirta uu ku hurdaa, haddana wuxu maqlay sanqadh sida loox jabaya oo kale, kor u kac buu is yidhi oo eeg, balse wuu awoodi waayay. Naxdintii ayaa ka tanbadatay oo imika ilmo ayaaba indhihiisa ka qubanaysa, mar kaliya ayay sariirtii uu ku dul jiifay laba is leeg u kala jabtay.

Maqsinku siduu moodayayba wuu ka biyo badnaa, biyihii ayuu muquurtay oo wuuba ku hanfaday, isagoo naqasku hayo ayuu kor uga soo booday oo loox ka hadhay khaanad uu buugta dul dhigan jiray qabsaday. Mugdigii ayaa sii batay waxa uu arki karaa uun caddaanka xaashiyaha cadcad ee biyaha dul sabaynaya, biyihii uu moodayay inay taagan yihiin ayaaba mar kaliya dhaqaaqay, sidii daadka oo kale oo xoog aan la qiyaasi Karin ku kaxeeyay gabigiisiiba, biyihii ayaa kolba gidaar ka jaray, oo meel uu qabsado ayuu garan la’yahay “nin daad qaaday xumbo cuskay” maahmaahdii ahayd ayuu caawa soo xasuustay, lakin xumbadaa maahmaahdu sheegaysayna muu arag  isagu, oo haduu arki lahaa malaha inuu cuskado ayaabu isku dayi lahaa. Siday biyihii u soo wadeen oo uu ay u soo qalaamo rogayeen oo meel uu ku socdo iyo biyahani halkay ka yimaaddeen uuna midna garanayn ayuu si kadis ah meel qabow ku soo dhacay, dhaxan tii hore ka daran ayuu dareemay, wuu gariirayaa oo ilkaha ayuu isla dhacayaa dhaxan darteed. In uu sara kaco ayuu isku dayay, wuu sara joogsaday hadana silbaday oo fadhigii ku noqday, wuxu isku dayay in uu gacmaha cuskado haddana wuu silbaday oo kici kari waayay, waxa uu dareemay dhagdhag iyo qoyaan farahiisa ayuu fiiriyay mise waa wada dhooqo dharkiisa ayaa ka daran hoos buu eegay mise meel dhooqo leh ayuuba dhex dabbaalanayaa. Gurguurad buu isku dayay in uu kaga baxo, ku guulaysay oo waxa uu is arkay isagoo meel niis ah dhex taagan. Hareeraha ayuu fiiriyay, cidlo gowla iyo mugdi waxan ahayn arki waa, balse waxa uu is weydiiyay meeshan uu joogo meeshay tahay.

Meeshan jabaqla’da ahi tolow waa halkee?! Yaabkii ayaa ka tanbatay, socod ayuu isku dayay waxa uu socdo oo uu baala daymoodaba waxa sheed uga muuqday wax u eeg biriish, wuu u soo dhawaaday mise waaba biriishkii dooxa hargeisa! Yaab iyo anfariir “oo waaba dooxi hargeisa?!” “Acuudu billaahi mina shaydaani rajim oo maxaa ku keenay halkan bisinkee?!” “Ma biyihii ayaa ku keenay? Oo ma intaas oo dhan bay biyuhu ku soo fogeeyeen, oo biyihii aaway imika sowkan dooxu qalalan maaha!” biyo daaye boodhka dooxa ayaaba lugihiisii qariyay.

Biriishkii ayuu kor u fiiriyay waa jabaqla bini’adam iyo baabuur mid toona ma dul marayaan, “oo maxay dul maraan ma xili la dul maraaba waa saqbadhe! Oo yaa ku yidhi waa saqbadh? Dee mooji sowti adoo hurda oo ta dhexe ku jira masiibadu kugu habsatay maaha ee goorxun qolkaagi iyo guraagiiba lagaa soo dheelmiyay, oo yaa ku dheelmiyay? Dee mooji ma waxbaan ka garanayaa, biyo aad moodo in kaligay la ii soo diray sawtii laygu saliday maaha, ee siday ii siteen halkan I dhigeen, inbadanba imay wadine waxaan ka yaabay goortay durbaba dooxii hargeisa I keenen iyo sababta ay ii keenen”.

Waxaasoo dhan waxa u geeyay in uu is waydiiyo jabaqla’anta biriishka oo marka uu arkoba sawaxan ahaan jiray ayuu isku qabtay in ay habeen badhtahay iyo in si kale wax u jiraan oo dadkii magaalada laga xaabsaday oo sidiisan oo kale la wada helay. Halkan buu fikir hor leh galay isagoo is waydiinaya waxyaabo badan “goortaad saaxibka cali albaabka gurigaaga ku kala leexanayseen ma xalaybay ahayd! Oo hadaa imika waa maxay haday xalay taasi ahayd ma laba habeen oo isku xiga ayaa la arkay meeday maalintii? Mise cadceeddii baan soo bixinba oo waaba dharaar imika. Wuxu maqli jiray uun in waddammada qaar ku yaala qaaradaha fogfog in aanay cadceeddu uba soo bixin, tolow maantana ma Somaliland bayna uba soo bixin? Oo waayo tolow sawtii maalin kasta soo bixi jirtay maaha ilayn waddankeennu wuxuu udhow yahay dhulbadhaha ee ka mid maaha waddammada fogfog e”. Wuxu dib u xasuustay xiisado juqraafi ah oo uu dhigan jiray dugsigiisii hoose. Haddana xagii diinta ayuu u kacay oo uu is waydiiyay “horta maalinta yawmal qiyaamaha ma cadceedda ayaa la waayi jiray? May galbeed bay ka soo baxaysaa waa kii macallinkii carabigu nagu odhan jiray ilaa dhulka waa la duubayaa maalintaa, tolow ma qorax madoobaad baa dhacay hadaa? Horta cadceeddan iyo waxani ha ii danbaysee waxa la yaab leh waxa halkan I keenay?!” 

Wuxu dhagax yar dul fadhiyo oo uu sidi qof waalan isla sheekaystaba, mar kaliya ayuu laydh indhihisa ka awood badan dareemay, sidii uu hurdo ka soo booday buu kor u booday , intuu indhaha marmartay buu eegay halkii iftiinku ka soo baxayay balse waxba wuu arki waayay oo iftiinka ayaa xoog uga awood batay una saamixi wayay inuu wax arko. Iftiinki ayaa soo dhawaday shanqadh aanu hore u maqalna ayuu maqlay, in ay wax ku soo socdaan ayuu dareemay, balse wuu is waydiinayaa “waxani baabuurna maahee waa maxay tolow? Dheera ma basbaa? Wallee basna wuu ka dheeryahay ma tareenbaa?! Oo tareenka dooxa dhex marayaa muxu yahay tareenku miyaanu u baahnayn wado gooniya oo uu maro? Midda kale hargeisa goormay tareen yeelatay?!” Shakigii ka bax oo wixii uu arkayay imika hortiisaabuu taaganyahay, beentiiba maaha oo waaba tareen kala jiidan oo laydh daba iyo dacal ka ifayo. Yaab! “oo tareenkanina muxuu ahaa ? Yaa saaran tolow?” Cid saaran ma arkayo, cid wadana ma arkayo meel uu ka yimid iyo meel uu socdona magaranayo, balse xiisaha uu u hayo ka sokow dhaxanta, gaajada iyo baqdinta haysa darteed in uu fuulo wuu ku rayn lahaa meeshuu doono ha geeyo’e.  Isaga oo yaaban oo is leh “horta bahalku miyanu albaab lahaan jirin awal?” markuu meelahaa telefishanada ka arkayo, “mayee dhawr albaab buuba lahaa ku aan maalin filim ku daawaday e kani tolow ma bilaa albaab baa?” Isagoo is leh ma kortaa mise wad iska joogtaa ayuu albaab meel hortiisa ah ku beegan mar kaliya is furay si aayar ah, cid furtay ma arkayn se in si kadis ah loo furay uun buu arkayay, hareeraha intuu eegay buu si degdeg ah u koray, isla markuu sidaa u koray ayuu albaabkii uu ka soo galay si degdeg ah isku xidhay.

 Gag! Waabu ka naxay sanqadha aanu filayn ee albaabka is xidhay, waa wada kuraasi lakin mid uu ku fadhiisto garanba maayo, oo waayo ma dadbaa fuushan ? Dadku halkay joogaan cid fuushan daaye xataa cidi ma wado tareenka, intuu hareeraha eegeegayay ayuuba dhaqaaqay tareenkii oo wuuba ku kufi gaadhay dhaqaaqi tareenka, xawliga uu ku socdo ma qiyaasi karo balse in uu xoog u socdo uunbuu ogsoon yahay. Oo halkuu ku wadaa, mooji miyuu isaguba garanayaa halkuu tagayo tareenku, sow isagoo cidlo dooxii hargeysaad dhex fadhiya habeen badhkii uun ilaahay u muu keenin.

Wuxuu tareenki dheereeyo oo uu  guuxiisii dhagaystaba waxa caddaaday dhulki oo meel iftiin ah ayaaba uu soo gaadhay, daaqada ayuu fiiriyay,waa dhul wada akhtar ah , geedo aad u badan leh, hadana biyo leh,xoolo ay joogaan hadana libaaxyo iyo xayawaan duur joog ah ayuu arkay wuxu ka yaabay meeshan xoolaha iyo xayawaanka hilib cunka ahi wada joogaan oo ayna dhibato isku gaysanayn, sida uu midba hawshiisa u wato ,sida meeshu u degan tahay ayuu ka yaabay, “tolow dad ma joogaan ayuu is waydiiyay?, oo meesha tolow miyayna cidba ku  noolayn? Oo dadku ma libaaxyaday la dagi kolay xayaawanadan ayaa looga qaxay arliga, oo xoolaha maxaa dhigay hadaa? Malaha wayba heshiiyeen xoolaha iyo libaaxyadu! Mooji, adi maxaa kaaga xidhan ha is cunaan ama ha is daayaane!” Inta uu yidhi buu iskaga soo jeedsaday daaqadii oo goorahanba ku maqnaa, yaab iyo fajac!  “Oo tareenku awal miyaanu madhnayn markaad soo koraysay?” Ayuu is waydiiyay isagoo ka yaaban tareenka dadka la ciirciiraya ee buuxa.

“Tickets please!” cod leh ayaa soo gaadhay dad ka horreeyay oo wax card u eeg nin dirays gashan u dhiibanayana wuu arkay, wax dadkii ka horeeyay la soo jeegareeyaba la dul imay ninkii odayga ahaa “your ticket please?” yaab! Oo tikidhka halkee laga goosanayay awal,oo ma waligii buu tikidh tareen u goostay oo raacay, haba soo raaco e ma tikidh meel lagu goosanayay buu arkayay, sow meel la ogyahay kaga muu soo boodin tareenkan oo madhan goor habeen ah, oo imikana kama yaabana dadkan buux dhaafiyay tareenka iyo meesha la marayo. Waxoogay markii maskaxdiisii isku shawrsanayd ayuu ninkii tikidhada jeegaraynayay markii danbe inta uu garbaha ka gujiyay ku yidhi “I said your ticket please?” kor ayuu u fiiriyay, ninkii imika wajigiisa waxaba ka muuqata cadho, “if you don’t have the ticket get out of the train!” inta lagu yidhi ayaaba laga tuuray tareenkii.

Dhulka ayuu si xun ugu dhacay  oo farba ma dhaqaajin karayo, in uu jabay buu filayaa, lugta midig iyo farahu way dhaawacanyihiin dhabarkana xanuun ayuu ka dareemayaa,dhamaan jidhkiisa iyo wajigana waxa qooyay dhidid , madaxa ayuu kor u soo qaaday oo is yidhi cid kuu gargaarta bal inay meelahaa joogto, waa cidlo juuqla’ oo waxba waa uu arki waayay, jiifkii ayuu iskaga noqday kadibna indhaha isku yar qabtay, si kadis ah ayuu u dareemay in ay wax kor taagan yihiin, “tolow ma qof baa ilaahay kuu soo diray?” mise waaba kii tareenka kaa soo tuuray? Oo maxaa kaa iikeenaya sow tareenkiina igamuu soo tuurin” ayuu is waydiinayay ka hor intii aanu indhaha kala qaadin “kolay waa qof ee I caawi aad ku tidhaahdid” inta uu ku adkaystay ayuu indhaha kala qaaday. Yaab! Waa maxay waxan timaha badani, inta uu indhaha marmaray buu si fiican u eegay, maskaxdiisu waxay markiiba u sheegtay in waxa dul taagan uuna qof ahayn, oo hadaa waa maxay, xayawaan! Xayawaanaa? Haa xayawaan timo leh waliba? Oo xayawaanka timaha lihi halkuu ku noolyahay? “IIIIIIIIIIIIIIG!” cod xoog u dheer oo dhulkii kaga gariiriyay baa ka jiidhay sheekadii isaga iyo maskaxdiisa u socotay, mar sadexaad buu intuu yar hinqaday fiiriyay “tolow halkeed ku arkaysay waxan” “haa markii aad tareenka saarnayd xayawaankii dhulkii akhtarka ahaa ka buuxay buu ahaa, haa halkaasaan ku arkayay” “laakin xayawaanada ilaa libaax baa ku jiray!” “Libaax! Ma kii dadka cuni jiray!” Ninkii jabnaa mee orod buu miciinsaday, xawaaruhu jarayo isagaaba iska yaabay, gadaal buu fiiriyay isagoo is leh walee cidlo ayaad kaga timid bahalkii!, Ogor ma libaaxbuu ka dheeraynayaa iska daa mid kaliya e dhawr iyo labaatan libaax tiro uu ku qiyaasay ayaaba inyar u soo jira, orodkii buu sii kordhiyay oo geed dheer oo ka soo hor baxay buu dhakada uga baxay siduu u koray isagaaba fahmi waayay waayo geedku waxa uu ahaa mid aad u dheer isla markaana bilaa laamo ah oo aan meel la qabsadaba lahayn.

Laanta ugu saraysa ee geedka ayuu ku dhegan yahay, geedka hoostiisa waxa buux dhaafiyay raxan libaxyo ah oo u hamuun qaba jiidh bini’aadam, libaxyada qaar baa geedka gabigiisaba gilgilaya, isagana baqdin darteed buu laanta dirqi ku haystaa oo inuu ka siibto ayuu inyar u jiraa. Siday u gilgilayeen libaaxyadii ayay geedkii gabigiisaba jabiyeen.

Dhulka ayuu ku soo dhacay isago qaylinaya baqdin darteed, balse siduu filayayba may noqon, waxa uu ku dhex dhacay biyo dhexdood meel uu bad, wabi, doox iyo haro u kala saari waayay ayuu dhex muquurtay, waa biyo fadhiya waxa dul sabaynaya looxaan, kursiyo jaban, waraaqo, buug, caagado iyo waxyaalo kale. Waxaabu xasuustay habeenkii biyahan oo kale ugu soo galeen gurigiisa ee isaga oo iska hurda uun uu ku baraarugay maqsinka biyuhu buux dhaafiyeen, waxyaalahan biyaha dul sabaynayaa waaba waxyaabihii habeenkii dul sabaynayay biyihii qolkiisa, waxaabu is yidhi malaha waaba alaabtaadii oo biyihii ay halkan keeneen, oo goormay keeneen? Mooji dee habeenkii ay masiibadu ku heshay, oo intee inleeg baa ka soo wareegtay habeenkaa, dee malaha maalin! Oo ma waxbu ka garanayaa mise masiibadu way ka dhamaatayba sowtan wali haysata maaha ee uu layaabnahay halka uu joogo iyo siday xaaladiisu tahay, sowtii habeen badh isagoo sariirtiisii iska dul hurda biyo meel looga keenay uu garanwaayay  ay soo qaateen ee ay siday u soo wadeen dooxii hargeisa dhex keenen, sowtii  tareen aanu hargaysaba ku arag loo soo diray ee markuu korayna tikidh la waydiiyay markuu keeni waayayna sowtii laag lagaga soo tuuray maaha, markii la tuurayna sowtii libaaxyadii aduunka oo aad moodo in meel layskugu keenay ay eryadeen oo markuu geed ka korayna ay xoog geedkii ku jabiyeen, aakhirkii sowkan biyo dhex dabaalanaya maaha ma waxbuu ka ogyahay inta cisho ee uu bayhoofayay!.

Siduu biyihii u dhexdabaalanayay oo ay kolba dhinac u qaadayeen ayuu danab xoog leh maqlay, mise cirkuba waa cadaan, kor buu fiiriyay danab ordaya oo halkiisa ku soo maqan buu arkay! Hayaaaaaaay qaylo ayuu ku dhuftay, mise wali danabkii wuu ku soo maqiiqan yahay isagood moodo in isaga uun uu beegsanayo, qayladii buu si kordhiyay isagoo dhagaha faraha kula jira oo qaylinaya bay hooyadii usoo gashay “acuudu bilaahi mina shaydaani rajiim maxa ku helay hooyo?” ayay waydiisay hooyadii oo markaasuun u soo gashay si ay u toosiso, oo miyuu maqlayaaba wuu qaylinayaa dhagahana faraha kula jiraa “bisinka hooyo maxaa ku helay bal Ila hadal” intay gilgishay gabigiisiiba markaasa miir iyo maan ugu horaysay. Hareeraha ayuu fiiriyay sidii wax waalan buu baala daymooday isagoo yaaban oo anfariirsan  “bisinka hooyo ma riyo xun ayaad ku riyootay maxaa ku helay” ayay ku tidhi hooyadii iyadoo ka yaaban naxdinta wajigiisa ka muuqata! “Sara kac jaamacadii qabo waa xili danbee”

Maqsinkii ayuu fiiriyay, sariirtiisi ayuu eegay, wax walbaaba waa caadi, qolkii waa sidiisii, biyo iyo xashiish daaye xabad xashari ma dhextaal.

Wuxu ogaaday in wixii oo dhan ay riyo ahaayen, inta uu shaydaanka iska naaray buu kacay.

Muna Ahmed Omer

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

SHEEKO GAABAN © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.