Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Soomaaliya: Wasiirka Arr. dibadda oo Muqdisho ku laabatay: “Golaha Ammaanka QM wuu noo soo soconayaa wada-hadalka Hubku”

Muqdisho (Weedhsan) Febr 22,2013 – Wasiirka arrimaha dibadda, ahna Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku laabatay Muqdisho.

Foosiya oo magaalada New York kaga qayb-gashay shir golaha ammaanka qaramada midoobay kaga hadlay cunaqabataynta hubka Soomaaliya, ayaa saxaafadda kula hadashay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxayna sheegtay inay rajo ka qabaan in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta Hubka.

“Wadahadalka ku saabsan qaadidda xayiraadda hubka ee Soomaaliya wuu noo socon doonaa annaga iyo golaha ammaanka illaa horraanta bisha March ee socota, waxaanan ku rajo weyn nahay in dalabkeenna ugu dambeyn la aqbali doono” ayay tidhi Wasiir Foosiya

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxay difaacday hadal ay hore ugu sheegtay inaan Kenya soo faro-galin karin badda Soomaaliya  “Kenya waa dal saaxiib ah, jaar ah, ciidamo ay ka joogaan dalkeenna oo dhiiggooda u huray nabad ku soo dabaalidda dalka, mahad gaar baannu uga haynaa, hase ahaatee arrinta aan ka hadlay waxay ahayd in la dhiso ciidamada badda Soomaaliyeed, sida warka loo buun-buuniyayna wax uma jiraan, waannu ka wada hadalnay waana dhammaatay arrintaasi”

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.