Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Somaliland oo sheegtay inay dhammaatay cabsidii laga qabay Ammaanka “Waxa Xididdada loo saaray dhammaan cabsidii..”

Hargeysa (Weedhsan) Febr 22,2013 – Somaliland ayaa sheegtay inay dhammaatay cabsidii ay ammaanka dalka ka qabeen Maraykanka iyo Ingiriiksu.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Taliyaha booliska oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa galinkii dambe ee maanta ayaa waxay sheegeen in hawlgallo la bilaabay ka dib dhawaaqii Ingiriiska iyo Maraykanka xididdada loogu siibay cabsidii la qabay.

Wasiir Duur oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa Xididdada loo saaray dhammaan cabsidii ka soo yeedhaysay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee sababtay inay dawladahaasi dhawaaqaasi soo saaraan ka dib markii ay soo gudbiyeen xididadda ayaa loo saaray”

Wasiir Duur, waxa kale oo uu soo qaaday  “Waxa la isla gartay cabsidaasi inaanay maanta ahayn mid jirta. Xog timaada mooyaane, xogtii hore dhammaantood xididdada ayay Hay’adaha amnigu u siibeen” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Hadda waxaynu sugnaaba waa jawaabta ka soo yeedhaysa xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska oo markii hore dhawaaqan soo saaray”

Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa isaguna yidhi “Ciidamada booliska iyo Kuwa kale ee ammaanku waxay beryahanba ku gudo jireen hawl-galo aad u waaweyn oo aad uga adag kuwii hore oo laga fuliyay Laascaanood iyo Hargeysa, waxaan ka codsanaynaa dadweynaha Somaliland inay sii kordhiyaan taageeradda ay ciidamada amniga la garab taagan yihiin” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Tiro dad ah ayaanu ka qabanay Caasimadda Hargeysa iyo Gobolka Sool, baadhistoodiina way noo socotaa, waxaanan u mahad celinaynayaa dadweynaha iyo ciidamada ammaanka ee hawlgalladan ka shaqeeyay”

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.