Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Laba-labada iska soo hor jeeda, Xal waa loo heli karaa! – W/Q. Cabdi Cali Jaamac

Laba labada aan is oggolayn waa shar waxyeello badan, laga bilaabo qof illaa qaran. Qabyaaladda iyo qaranimadu waa laba kala duwan. Xisbinimada iyo reernimaduna aad bay u kala geddisan yihiin. In aad u dhaqanto si iiman

la’aan ah oo israafnimo ku jirto waxay ka hor imanaysaa inaad tahay waddan faqiir ah oo faramadhan. In aad tahay waddan aqoontu ku yar tahay, haddana aan ka faa’iidaysan mutacallimiintiisa aad ka u tirade yar ee khubarada ah, ma aha laba iyaguna is qabanaya. Waxa sidoo kale aan is ogolayn inaad tahay waddan kaydkiisu yar yahay, haddana aan u jihayn wixii yaraa meelaha wax- soo -saarka leh. Waxa iyadana kaa fajacinaysa waddan dadkiisu islaamniamada ku fiican yihiin, haddana ku dheggan falalka qaladka waawayn ah ee kor aan ku soo sheegnay.

Dad badan ayaa marka ay arkaan waxyaalaha aan is ogolayn ee ka buuxa nolosheena, waxay taasi ku keentaa niyad jab iyagoo is odhanay arrimahani  xal ma laha. Si kastaba ha ahaatee, waxan halkan badheedhahayg ka dhiibanayaa in arrimaha noocan ah ee aan is qaban ay yihiin wax caadi ah,  taasoo ah sababta ay u jiraan cimiyada dhaqaalaha, siyaasadda, sharciga iyo kuwa la midka ah. Culuumtan ayaa isku dayda in ay is waafajiso arrimahan aan is ogolayn ee laba labada ah. Haddii ay adduunyadu ahaan lahayd mid ka madhan qodobadaas iska soo horjeeda, waxabay noqon lahayd adduunyo ka duwan tan aynu ku noolahay isla markaana may jireen loomana baahdeen cilmiyadaas aynu kor ku soo sheegnay.

Laba labada iska soo horjeeda waxay inoo tilmaamayaan meelaha xasaasiga ah ee u  baahan in aynu si taxadir leh u maalmulo tiiyo loo xaqiijanayo bulshada aqlabiyadeeda faa’iidada ugu badan, lagana fogeynayo wixii dhib u leh. Taasi waxay u baahan tahay in la isla xarriiqo halka ay taallo ama ku jirto danta guud. Waa halka ay u dhimataye!! Taasi waa hawl u taalla madaxda hoggaaminaysa waddanka iyagoo kaashanaya khubarada kala duwan ee lagu yaqaan in ay ku xeel dheer yihiin tacliinta. Halkan waxan ka fahmi karnaa qiimaha ugu weyni  inuu yahay sida ummadu u abaabulan tahay qaran ahaan. Taasi waa marka la helo hoggaan kaasoo isagu qaranka u abaabulaya sida ugu fiican, isagoon fursad siinayn kuwa ma kasta ah ee kalsoonidu ka maqan tahay kuwaasoo caado ka dhigtay in ay fogeeyaan dadka aqoonta leh ee khibraddooda laga faa’iidaysan lahaa. Sidoo kale ma siinayo fursad kuwa hunguriga badan ee hammigooda ugu weyni yahay adduun urursi iyo iimaan la’aanta. Isaga iyo kaaliyayaashiisa isku kalsoon,  ee iimaanka qaba ayaa sida ugu fiican u meelaynaya adduunka yar ee aynu haysanno. Ma jirto wax la daadaadinayo iyo israafnimo.

Si hore loogu socdo tiiyoo ay jirto laba labada aan is qabanayn,  waxa lagama maarmaan ah in la xaqiijiyo waxa loo yaqaan: rule of law,  ama sarraynta sharciga. Tani waxay waddanka ka badbaadinaysaa dhibaatoyinka waawayn ee gilgili kara qaranimada. Tusaale,  dhibaatoyinka ka dhasha doorashooyinka. Tani waxay u baahan tahay madax ay ka go’an tahay ka shaqaysiinta sharciga iyo in laga gudbo  marxaladdan immika aan ku jiro,  ee qofka madaxda ama lacagta ama wajiga leh aanu sharcigu qaban,halka uu qabto miskiinka. Si loo gaadho yoolkan waa in dastuurka waddanku ka turjumayo waxyaalaha la isku waafaqsan yahay lagana ilaaliyo waxyaalaha la isku khilaafsan yahay kuwaasoo sharciga lagula tacaali doono. Tani waxay u baahan tahay masuuliyiin ay ka go’an tahay isla markaan ay u caddahay qaranka ay rabaan in ay dhisaan iyagoo kaashanay khubarada ku xeel dheer culuumta kala duwan, gaar ahaan kuwaa sharciga, dhaqaalaha, siyaasadda iy bulshadaba.

Prof. Cabdi Cali Jaamac

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Website: www.profabdiali.blogspot.com

SI-ARAG © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.