Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Xididnimo Gobeed iyo Meher Xul ah: Guur Kulmiyay Haldoor Miisaan leh

Dharaartii taariikhdu ahayd 12/Nofember/2012-ka, abbaaro 09:30 arooryo waxa Hotel Xaraf ee Magaalada Hargeysa ka dhacay meher kulmiyey hal-door badan oo isugu jira siyaasiyiin, madax-dhaqameed

, aqoonyahanno, dhallinyaro, abwaanno iyo qaybaha kale ee bulshada. Kaas oo ahaa meherka Mudane Maxamed Cabdi Cawil iyo Nimco-hodan Dayr Cabdillaahi. Dadka goob-joogga u ahaa waxa ka mid ah:

Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf Cabdi-Waraabe

Suldaan Cumar Sudaan Maxamed Sudaan Faarax, Suldaanka Guud ee Beelaha Hawd iyo Hargeysa

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Suldaanka Guud ee Beelaha Hargeysa iyo Cadaadley

Engineer Faysal Cali Waraabe

Xaaji Cabdi-Laangadhe

C/Laahi Xuseen Iimaan (Dirawal)

Axmed Ismaaciil Keyse, Xoghayaha Guud ee UCID

Axmed Xasan Cigaal oo ka tirsan WADDANI

Cali Maxamed Warancadde

Saleebaan Daahir C/Laahi, Murashaxa Maayarka Hargeysa

C/Casiis Maxamed Xaashi, Murashaxa Caasimadda Hargeysa

Xamse Ciise, Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex

C/Najax Siyaad Aw Cabdi, La taliyaha Madaxweynaha ee Dhallinyarada

Abwaan C/Laahi Ibraahin Xaaji Xasan

Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), Tifatiraha Wargeyska Geeska

Siciid Maxamuud Gahayr

Furitaankii Munaasibadda kadib, Xaaji C/Kariin Xuseen ayaa si maamuus leh u dalbay in la siiyo Nimco-hodan Dayr Cabdillaahi oo ay u doonayaan Maxamed Cabdi Cawil, waxaana si gobanimo leh u bixiyay Suldaan Cumar Suldaan. Meherkana waxa raaciyay Sheekh Mubaarig. Cabbaar kaftan iyo haasaawe la is-weydaarsadayna waxay ku xidhan tahay jawi sareedo leh. Dhammaan dadkaasi waxa ay hambalyo u dirayaan meherka

Maxamed Cabdi Cawil  iyo Nimco-hodan Dayr Cabdillaahi

Waxa ay leeyihiin waanu idiin ducaynnay ee noqda reerkii aqalgalkooda ku gaadha guul iyo gobanimo aamiin

 Siciid Maxamuud Gahayr

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

© WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.