Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Qoofal Hanyare: Qisada Dameer Isku sharraxay Golaha Deegaanka - W/Q. Maxamed Afgaab (Q.2aad)

Waa  sheekadii  xiisaha badnayd  ee ku saabsanayd Dameerkii  isu soo sharraxay Golaha degaanka caasimadda Hargeysa oo markuu iska waayey

Liiska murrashixiinta qaylo kaga tolay. Kaddib markii dood adag ay kala horyimaadeen guddidii doorashooyinka Qaranku ee ay u sheegeen in Ururadii aqbalay in ay soo sharaxaan (Qoofal Hanyare) ay hadheen sida Udub, iyo Nasiye, arintaas oo uu arkay inaan waxba loo ogoleyn  oo ay tahay diidmo cad.
Hadaba Qoofal isagoo arintaa aad uga cadhaysan, ayuu si xushmadle u taaban doonaa, arrimo badan oo ay ugu horeyso caddaaladdu , dhinacyo badan ayey  taabanaysaa, balse wuxuu si gaara wadnaha farta ugaga hayaa( Guddida doorashooyinka qaranka) oo u arko Niman ku guul daraystay in ay caddaalad ku qanciyaan Qoofal laftiisa oo aanay suurto gal ahayn inuu ka hadho liiska u tartami doona doorashooyinka D/hoose ee soo socada,
Qoofal sidoo kale wuxuu leeyahay Guddidani daacad ayey ahaayeen doorashadii hore, balse tan inagu soo foole waxaan u malaynayaa inay madaxa isu keen galin doonaan, waayo Qandaraasyadii yaraa ee Umadda oo dhami wax ka dhadhamin jirtay, ayey weelal u samaysteen oo way sii sahay uruursanayaan, sidaa daraadee anigu olalahaygii halkii ayaan kasii waddan doonaa,
Isagoo  ka xun sida uu isugu haleeyey bulsho aan iyaduba isu naxariisan, caddaaladdana afka mooyee, oo aan abid ku dhaqmin. Inuu marti uga yahay, cod inay siiyaan oo xildhibaan u noqdo’
Qoofal Hanyare  wuxuu hore bulshada ugu soo Bandhigay wax qabadkiisii. Amaanadiisii, waayo aragnimadiisii, taariikhdii iyo
 kaalintii uu ku lahaa halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeyey, isagoo soo bandhigay wax looga garaabi karro, oo lagu dooran karo, marka loo eego murashixiintii uu doonayey inuu tartanka la gallo, oo aan shaandhadii  Gudiga doorashooyinku qabanin gabi ahaantood, kana gudbay, shabagii laislahaa waa lagu kalla reebayaa, ama hab qabiil haku dhaafaan, amaba, hab xisbinimo haku dhaafeene.
Sidaa daraadeed isagoo ka xun jawaab la,aanta uu kala kulmay Ururadda u tartamaya Golaayasha degaanadda iyo Guddidda doorashooyinka  qaranka, iyo xataa ururadii xuquuqda xawaanka, u doodi jiray, ee uu boodhadhka, ku arki  jiray la hadlaya, ayuu go,aansaday inuu sii wato ollelihiisii  rabitaankiisii ahaa inuu isu taago doorashadan soo socota, ummaddana  uga tago afar erey oo derdaarana oo uu ku hoga tusaaleynayo,

 in aan la jaho, wareerin Dadweynaha, oo ay u feejignaadaan    iyaguna  kala, gartaan xumaha iyo samaha, oo aanay iskaga khaldamin kuwii shaley Dhiigooda xalaashaday, ee Dumarkooda dibadaha ugu soo saari jiray waraabaha. ee aan lahayn, damiirka, dhaqan, diin. iyo dadnimo, midnaba  xeerin jirin,kuwaas oo ujeedadoodu ahayd inay xilal ku helaan,
Sidoo kale wuxuu dhiiri galinayaa in caqligu shaqeeyo, oo aan calooshu shaqeynin kana fogaadaan Dadweynuhu,  inay isbebar dhigaan Halyeyadii ,Geesiyadii u huray naftooda inay ku waayaan  xornimada maanta la hadhsanyo, ee lagu naaloonayo, taas oo sababtay in ay maanta madal lagu tartamyo isugu yimaadaan (Rag) ay ahayd in la,dalldallo, ama taariikh xumaddooda Boodhadh inta lagu qoro, in gidaarada la sudho,iyo Ragii mutaystay inay maandeeq listaan,oo taariikhda ummada dibada iyo guddahab, baal dahab kaga jira, maantana hadhaagoodii marti uga yihiin in cod loogu abaal guddo oo taariikhda laga run sheegoo.
Waxa kale oo uu durayaa, caddaaladdu inay ka bilaabanto hoyga aad ku nooshahay, oo aanay ahayn in aad ka hadasho meel kale, hadii aanad taa aaminsanayna, aad lunsantahay, iyadoo inta badan dadku ka cawdaan caddaalad darro, Dawlad kasta oo timaadaana aanay arintaa afka mooyee ficil ahaan wax uga qaban,
 layaabna  maaha oo seeska hoose ayaanay, wax caddaalad la yidhaahdaa ka jirin, oo qof kastaa wuxuu rabaa inuu  hello waxa uu doonayo  xaq,  iyo xaqdarro, kay doonto ha noqotee,isagoo adeegsanaya Lacag, xil.ama  waji si uu tiisa u meel marsaddo,
 sidaa awgeed wey adagtahay in la helo cadaalad saxa.
Qoofal Hanyare wuxuu ka hadlayaa arin taa ka gadisan oo aan cid kagar niqi kartaa jirin, arrintaas oo ah mid Dhamaan inoo wada taalla,  taas oo ah Beelaha lahayb sooco oo uu leeyahay hadii kuwaasiba xaqoodii maqan yahay oo aan cid meelaha haddallo qurxoon ka tidhaahda mooyee, cid kale oo ka hadleysaaba jirin, oo waliba magacooda meelahaa lagaga dawarsado, gaar ahaan ururadda xuquuqal insaanka, ma jirto sabab aan idiin martiyaa oo aan xaqaygii u doonaa
 iyadoo arintaa cadeynta aan u hayaana ay tahay   (4 afarta Golle qaran ee jira )sida Guurtida, Gollayaasha degaanka, Wakiiladda, G/wasiiradda. Iyo dhamaan illaha iyo xilalka ugu muhiimsan ee dalka, iyadoo maanta aynu ognahay in aqoonta, iyo xaddaarada, laga siman yahay oo aan loo hayn wax cuddur daar, looga dhigo.islamarkaana la adeegsado magacooda marka dibadaha la doonayo in laiska dhiibo, balse aan intaa waxba udheereyn marka madalaha wax qaybsiga laisugu yimaado.Deeqdii allena maqan.
Qoofal wuxuu ku leeyahay anigoo caddaalad daradaa, ka duulaya ayaan sidoo kale qaatay goaanka ah in aan Dameernimadaydii dib ugu laabto oo aan digniin siiyo,haddii ay jiraan  Dameero kale oo abaal iyo wax ka sheekeynayaa  yimaadaan  innaanay  meesha waxba oolin oo iyaguba ay caddaalada (Illaahay) isla sugayaan.

 Waa Beelahan wada yaala. ee hadan kala yaalla,  dadka uu qoofal leeyahay caddaalada illaahay ayey isla sugayaan
Sidoo kale wuxuu qoofal ku cabirayaa dhamaan faalada halkan ku qran maansadan soo socota oo layidhaa Duur xula maansadaasi, oo dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga hadalyo wuxuu Dalkan, iyo Dadkan, abaal u soo galay sida uu uga qayb qaatay bilow ilaa dhamaad, dhismaha Dalkan, ee markuu daalay iyaddoo garbuhu hoolmeen.
 cidla loogaga dhaqaaqay ee isaga oo nool Haadda, iyo Duqsiga, iyo Ayddu. ugu tashanayaan agtiisa, isagoo maqlaaya, oo aan cidina uga Gargaarayn, dhibka maanta la soo darsay, ee kuu shalay u dhaaminyey ee ubadkiisa degta ku siday, u baal marayo, iyadoo intaas oo duruufood ku xeeran yihiin, ayuu hadana, qalbi adayg, iyo karti halka, uu ka gaadhay maantana u yahay musharax, farriidnimo, u dheertahay.
Maansadaas ayaad wax badan ka dhugan doontaan
Gabay (Qofaal Han Yare)
Bismillahi deyleey dadku kuma bilaabee
Anaa dorkaan baanoo qaatay barakadiise,
maansadeydan duur xulla dadweynaha u wada simaan
Kii  ku  diirsanaaniyo dood ninki ka qabi kara,
Iyo kaan daneyneyn sadexdaba  u wada furaan,
Nin waliba dareenkii darka in uu la iman karo
 darmo weeye  nabadeed,

duleecdeda sheekada, aan idiin bayaanshee,
Gol dalloolo badanoo, daahweyn la saro,
 in la daaro neceb tihiin
ayaan maanta durayaa dadkaygoow dhagaha furo,
Dammen  wali ma dhaadana daanadii shalaytiyo

Dabargooynta kii wadee dumarkeeda dibadiyo,
 daleedaha intuu  wadho dibjirkiyo waraabaha,
Daallin tuute loo xidhey soo dulunta odhan jireey .

Iyagoo damiir xumi darajiyo xildoon u ah,
Dariiqi rasuulkiyo diintina garab maray,
 dhaqankana warkii hayn,

 Daayiinka awood lahee Dufaan marku helay
dulmigiina kala tagey.
Iyagoo duleysanoo, daandaan asqooboo,
Dayeero moodoo, dhar haween hilaabtoo.
,Duniddaba ka quustaa, Halki laga daldaalilahaa.
Demman khalad ma deysee ,
 Doc qabiil marki galee, Nabad aad u fidiseen,
 Dabadeed wasiirnimo.
 Abid anay ku riyoon qondo reer ku siise.
Inay maanta doonan
 madaxweyne nimo, iyo taajka boqorku leyahay.
Saw damiir la,aaniyo
 doqoniimo lagu jabay dariiqasu mu noqon.

Dacwad kalena waxay tahay
Dockastoo  aad joogtan,
 
Taariikhda duuga ah.
 hadaynaan daneyneyn,
Deeqlaha inna uumiyo.
 diintaan idinku dharshee,
inay maanta doodan,
 darooshoyin awgood.
DaquudadII shalay.
 digiina daadshiyo,
 Iyo diricyadeeni
 dagaalka u badheedhe
Hawdka u dareere
 darajiyo xilkeed nacay .
iyago Garoomole,
 cimrigoodu dihin yahay.
 Duunyo badana dhaqan kara .
Darmo wada xariiriyo,
 Dumar xuureral cayn u eeg,
  dadab loogu hoyn karo,
Dulmi lama xambartee,
 dulligiyo dhag xumadii,
 u adkaysan waayee
dabadeed ka dhiidhiyey.
Nolosha is dulsaarka.
 darxumada ka doortee,
 dab rasaasa weheshadey.

Ummadyahay ma dowbaa ?
 inay maanta doodan,
 ama deeq wadagaan
Dadka kii aqoon liyoo.
taariikhda duugi
 doorkan way yaqniin,
 tubta ay u marayaan,
 ama ay u doortaan,
taajkaa ninkii geya,
 Abaal horena so galay.
 iin horena laga tirey,

Malaha way ila durugtay
 aan soo dabbaalloon
  darkale is dul tagee,
Damiirlay ma dhugaten
 dayleydu dheeg yidhi,
Haday Dacar qadhadhiyo,
 deebaaqi kulul tahay
Dab ha soo hungaacdee,
 maan dibada soo  dhigo,
Dulmigu ka digijirey,
midkalloo ka sii daran
Oon ciddi daneneyn
 yusuf shaacir
 In uu duray,
 uu runta daaray ma ogtihiin?

Digtoorada dalkeene
 boqolaalka dhaafiyo.
 duqeyda, iyo culumidu,
Dibnahaa karkoodiyo
 dul ka xaadsi mooye
Aanay dibada soo dhigin,
 dacarta iyo miidii
 sheekadeydu daarrneyd.

Dulmanaha la qudhsadee
 idinkoo dabuubtiyo,
Diinta iyo dhaqankiyo
, noloshoba wadaag uleh
  diirkana madow u ah .
Dulmigey tirsanayaan,
 qar nniyuu isdabayaal,
 hadmaa daaha laga rogi?
Mise Doontii weeyaan
 kuwii guddaha
 kaga jiray inta ay dalloosheen,
Dusha sare Ragii jiree
 waar ka daaya odhan lahaa
 ku ildoogsadeen
.Afka marada saarteen.
Dabadeed gadoontee,
 duufaanku qaatee
sidaa Dunidda kaga tagey.
Daainow Allahayow
 danibi dhaaf Addaa lehe
 Haddii dunidda laga helo cudur
 aan dowo lahayn,
 ,dabiib kiisu adagayahay,
Rabbow kaama daahnee
 degdeg adigu noo sii.
 Ummaddaadan fahamsii

Aan soo dabbaalloon
 damacayga sheegtee.
Duur joogta, noolee
dibadaha wareegtee,
Danaheeduun raacdee,
 aan danaynin aadmiga,
Iyo Habar dugaagaa,
 u hammuuma dhiigiyo,
hilbihiina Aadmow,
 yaa darejo dhaamo.
Dallanbaabi baan ahay.
 dulmi weyn tirsanayee,
 tollow yaan la doodaa.
Daainka I abuuree
 daabad lagu adeegtiyo.
 Dameerka iiga yeelaan,
 dacwadeydan  gaadhsiin.
Hana igula yaabina.
 hadaan damac la soo baxay,
Doodaydii hore iyo wixii aan digniin culus
 guddiyadda u kala diray,
Dacwadaydii shiilayd.
 waxay tahay bar kuma taal.
Dadka aad u xulateen inay duubab qaataan
 degaanada ka taliyaan
badi waan ogsoonahay
 innaan derojo dhaamee,
Kursibaan  u xaydnahay maayarbaan.
 dalbanayaa inaad hibaysaan.

Dadkii an abalkiyo ogadeyda siyee
 abidkood I raran jirey,
 waa inay I doortaan,  
Abaal lama ilaawee
 hadduu kharashku iga go,o.
 yaan deyn laii xidhin.
Waan dood naqsanayaa.
 dib u eega sheekadan.

Imsaan damiirlay dibada iyo gudahaba.
 dushayda idin hurey.
  Imsaan damiirlay dhawiciina laba dhigey,
 oo dadka jilicsan an gurey.
Dalanbaabi socodkii daduunkii
caydheed dab dhashadi qaxoontiga,
Maalintey darneydee dagta ubadkii sarnaa
 daleedaha lagaga tagey.
Diidey in dayooban
dabarkayga giijoon  dusha aan usoo ritey.
Imisaan damirlaay dumo kay haleeshiyo,
  daanno cudur ninki qabay ,
Da,ddu kay la daristee dirgan wayey socokiyo
Daluun adag ninki galay aad dusheyda sarteen .
Anna  aan dul qatoon
 didey heryadeydi mar in ay degaanto
Dareen xumi ka so baxo dabadeed I xamataan .
Doorashaan u taagnahya
 codkiinaan dalbanayee. dafiraadu waa maxay
Haddii damac siyaasi dubaakhayga soo galay
Marti soor  gobeed iyo maayar baan
 dalbanayee daadifeyntu waa maxay.
Anigaa darjiidhoo Dameernimadii dhaafoo,
 Dabarkaygii lumiyee,waa in laii codeeyaa
duqa laila doonaa waa abaal gudkaygee
,ma dib,baan u laabtaa,
 dooxyadaan jibaaxaa xayawaan udoontaa,
Dabran sheekadayduye doodaasi waa maya.

Dheeg. (Maxamuud Maxamed Yaasiin) waa xildhibaan ka tirsan Golaha guurtida Jsl waxaanu kaalin mugle ka  qaatay silsiladii Deeleyda. isagoo ku saleeyey maansadiisa Diinta islaamka Gaar ahaan caddaalada ku iftiimiyey tuducyo kamida.Yuusuf Shaacir   . waa Abwaan da,yar oo si adag uga Hadley qodobo dhawra oo aan hortii cidi ka hadal Gaar ahaan caddaalada oo diirada ku saaray Beelahan aynu isku dhaqanka Diint, Diirka Iyo Dunta nahay ee aan Abwaan qudhi ka hadal hortii. iyo dabadii toona.
Dammen  . waa eray afsomaliga inyari fahamto oo ah bulshada qaybaheeda oo dhan marka wax la faah faahinayo,kaas oo qeeexaya dareen li,I dhib hore oo l ilaaway,
Damiirla     garaad la  ama garasho hoosaysa.
Daanno.     godob hore
Dhugasho    . waa marka qofku si wayn wax ugu fiirsanyo si uu u garto.
Dallanbaabi     waa socod naftu  ku baday oo aanad awoodeen markaad xaalad caadiyiya ku jirtid

Dhamaad la soco qaybaha uu ku falanqayn doono siyaasadda doorashada kadib

Qalinkii Maxamed Ibraahim Cali (Afgaab)
 E-mail: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.