Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Geerkuu ku xidhan yahay! – W/Q. Mustafa Ibrahim

Waa af maldahane, erey-bixin dhawaan curatay iyo tiraab af miishaar oo inyari uun isla fahmayso, waxa ay diiwaan kalmadeedka iyo kaydka ereyada ee intaan noolaa aan bawsaday uu ku soo biiray

ereygani mudo dhawr sano ah ka hor, walise maanta ka hor si togan isumaan waydiin bal inaan sifeeyo sida ay kalmadiisi aniga iyo bulshada inteeda kaleba macno ahaan ugu muuqan karto,waxaanse ogaaday inay aad u adag tahay una baahan tahay garasho,waayo aragnimo iyo guunimo badan oo qof waayo badan jiray uun fasiri karo hada waa aniga garaadkayga eh, balse anigoo isku tirinaya inta u baahan in loo micneeyo ayaan jecelahay inaan su’aashi si kale u waydiisto akhristayaasha iyo inta iga gu’ wayn ee wakhtigu ku simo inuu qoraalkani soo gaadho, “doqon in badan jirtay wax waydii”
Waa gugan maanta iyo sanadkan aynu ku jirno bisha kow iyo tobnaad ee tirsiga taariikhda miilaadiga waa Sadex cisho ka dib curashada sanadka Cusub ee Hijriga waxaan si habqan ah ugu jiraa oo u dhex mushaaxayaa hawl fudaydiyaha casirgan ee xawaaraha biliga ku socda ee internetka waxa ii furan dagalo badan oo balwad ii noqday buuqashadoodana aan u bohol yoobo, waa mareegta wararka ee Hadhwanaag oon akhbaar iyo ogaal badan ku qabo,waxaan ka laalaadin kaydiyaha dhaqanka iyo suugaanta ee Murtimaal,waa boqrkii degellada iyo Dharaaro.com oon dhawaanahanba aniga iyo in badan oo bulshada ka mid ahi kala soconay xusuus qorka iyo duruufaha xileed ee mujaahidkeenii marna macalinkeenii qoraal dhaadhiga ah Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ayaamo ka hor uun soo af meeray taxanihii meertada ahaa aanse wali ka quudaraynayay war celin kale oo ku soo baxda, ugu danbayna aafada Cusub ee qarniga ee Facebook oon waayadan ku muraad seegay.
Waxaan ku daalay doodaha iyo dareen celinta kala fog een fasax lahayn ee saacad kasta iyo ilbidhiqsi kasta ku soo dhaca shaashada aan ka isticmaalo dagalkan,waa mid qurbo jooga oo qureecdii saaka iyo qadadii shalayto iyo hotel hebel ku macsuuman oo isagoo afka kala haya sawir tabiyaha lala gaaday ugu talogal u soo dhigyaana mooyi, wiilasha dhiibsan ee suudhka bilicda leh hilaaban ee sidii waxaraha qoolka isku giijiyay, ma gabdhaha tanaaday ee akhyaarta ah ee xinaha iyo cilaanka lagu sharaxay ee sida daa’uuska isku qaloocinayaa, waxaan ka maqnayn inta suugaan iyo maanso taabasho leh shaashada soo saartay,kuwaa sawirkii garashada ee mudo u yaalay iska badalay oo mid daray ah oo haduun daawaha laga soo qaaday soo dhigay iyo intaas oo kale oo salaam iyo hambalyo isugu baaqaysa..baryahan laguma arag, sawir cajiiba, hambalyo meherkaaga,a rooskiina allow tiiri aalow taqabal, hambalyo qalinjabintaada, alle ereyo khatara weeyi,baryahan maa lagu hayaa heeso baanidaa, iyo dareemo kale oo badan.
Waa waxaan laga caajisi lahayn laakiin soo noq noqodka ayaa wax walba dila dabcadii iyo nuxurkiina ka qaaday, waan dhaafay oo furay degel baadhiseedka google waaxda sawirada anigoo u hamuun qaba daawashada degelada kala duwan ee dalka waxaan dhex galay baadi doon ugu talo gal la’aan ah waxaabada moodaa in gacanta la i hayo oo tukubaha la ii sido waaba marsadii berbera iyo muuqaal aan dheerayn oo ciidahan dhawaan la qaaday waa raxan dumar ah oo xeeliga bada garbo siman oo tamashle ku dheehan yahay isku daba socda waa dhawr iyo toban hadaanay labaataneeyo ahayn way gaarinayaan oo si xarago iyo xishood leh u socdaan oo intay marada kor u qaataan ayay biyo batalaqaysanayaan cabaar ayaan ku dhaygagay waxaanse ka baqay inaan farxada iida ka jiidho waan iska dhaafay waxaan u boqoolay dhankaa iyo bariga waa dekedii ood hawsha ka socota yaabto ma maraakiibta kobtan lagu faruuryo xidhay iyo aaladahah rarka iyo dajinta ee hareeraha ka jooga eed moodo inay ka xantaysanayaan baa waan u bogay oo duco ku dhaafay waxaan ku soo noqday xadka bariga iyo bada waa xabaashii ugaaska iyo boqorkii jacaylka ee cilmi boodhari oo daryeel la’aan u baabaysa waan fogaaday oon fogaaday ilaa aan ku war helay xusuuta erayadan oo hirarka bada ee xabaasha haraaciyaya maankayga ku habayaan waa afeef iyo arin sheegasho mar kalena calaacal uu qof wax jeceli odhan lahaa mugwayntiisii … Hadday ili wax qabanayso, oo lagu qaboobaayo Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane Ha yeshee qaraam baygu galay naftaydiyee Hablayahow halkii qoomanayd baad i qabateene Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene Qarqarrada jidhkiyo gacmuhu way qadhqadhayaane……..aaheey ah.
Waa tol la’aane sidaa umuu calaacaleen waa tar sheegtay waase lagu taageeri waayay ..anigoo garsoorahaa ah ayaaban ku war helay badoo i liqi gaadhay shaw intaan hirarka dhaadheer ka shaxayay baduna waa i hogaaminaysay waxaan is idhi malaha bariga iyo beerahii wajaale ayaad ku nasan doontaa mase filayn inaan halkaa kala kulmi doono qaraamka iyo fikirka igu abuuray qoraalkan waa sawirka dibi aad u xasilay oo beer shinkeed galay oo madaxa taagtay ku ag xidhan malahyga dooga iyo nimcada hareer taalaa hadii laba cisho lagugu xidho tunka iyo sakaarka kaa soo baxa waa la yaabi lahaa waanse la inaga yeelayn eh waxaan ku dhaygagay muuqaalkaasi oo balaysin u noqday xasuusta ereygaasi oo malahayga ah kii munaasibka ku ahaa markaasaan la soo booday allaylehe geerku ku xidhan yahay ……kkkkkk.. Mar waan qoslaa oo waxaan is tusiyaa dibigan geerka ku xidhan marna fasiraada balaadhan ee ereygani biladaha ku mutaystay markaasaan xasuustay sheeko nimaan saaxiibo nahay mudo hore iiga dhacay waa xanshaashaq iyo xan aan lagu talax tagin iyo tooyasho saaxiibkayo aanu mudo badan kala raagnay kuye “ alle cawo iyo ayaankii intuu kala balaadhay ee uu kala cadaaday ayaa dhuxun qumayadiina ka hadhay “ cajiib oo yaad jeedaa …” kuye ninkii saaxiibkeen ee Faarax saw ilaahay faraj uma soo dirin oo qalanjo dibada ka timid oo kharashaysani jeebka kumay ridan siduu u mehersadayba miyaa la arkay “ waar bal ninkan eega hawd iyo herer gunteed ila doontay oo miyaad aragtay mise waad ku riyootay .. Kuye “ indhahaan ka qaaday ninkiiyoo shaw waayuhu xumaa intuu qolof dhacsaday aad Xaaji moodo oo dhiibsan oo dharka uu xidhan yahay siduu u dhiibsan yahay in lagu dul kaawiyadeeyay aad mood, oo laafhaya iyo xaragadu waa u dhalasho sidaa isu qaloocinaya oo hadaad ag marto uduga iyo cadarka ka soo kimkimaya aad islaan saarey ah oo iska cuudisay la moodo aduu wax kale kuma garatide way u gaadhay “ wegereey ka waasacan waan u qaadan waayay inuu riyo ku arkay oo khiyaaliga i liqsiinayo iyo inay runtii tahay , ta alle waa halkeede saaxiibkayo Faarax kumaan ogayn lexe jeclo intaa leeg oo uu ilaa heerkaa wax naga qarsado waxaanse ogahay inuu waayuhu wax walba badali karo anigoo dhinacna uga cadhaysan xaajigaa badhaadhey iyo barwaaqadii isku koobay ilayn ag joognay waa dane marna saaxiibkaygan ka guraya ayaan ku idhi dee waxaan i dhaahdo garan maayee way u ahaatay, isagoo dhoolo cadaynaya ayuu intuu garabka garabka iigu dhuftay igu yidhi iska dhaaf waa maalinba nin eh maanta isagaa geerka ku xidhan …markaasaan qosol isku darnay anagoon ilaaq iyo quudhsi naga ahayne kalmadaaasi na qancisay tuhunkii jirayna aanu sheekada kaga soo gudubnay haday dhawr cisho ka soo wareegeen anigoo u holaday inaan faras magaalaha tago oo taagan goobtii baska laga raacayay ayaa waxa agtayda soo jilba joogsaday gaadhi bilic leh oo faseexadaha casriga ee imika ugu danbeeya laga qoray waxaan is idhi malaha adiga kuuma joogsane ha is macaashin anigoo dhinacna iska leh kun iyo shanta baska aad hadhow ku qaxwayside muu duco qabahani ku sii dhufto laba talaabo dhexdooda ayay talo ka dhalataaye muraayadii baa hoos u libidhay markaasaa waxa ii bidhaamay waji aan garanayo hadana si u doorsoomay oo ii dhoola cadaynaya waa saaaxiibkay Faarax ood dhalaalka wajigiisa,bilicda dharka iyo baabuurka uu wato ee is barkaday ee ashqaraar ku kordhiyeen waxa ku xigayba ninkiiyoo ii soo dagay oo intuu qumaati ii soo hor istaagay salaan iyo bariido saaxiibtinimo oo baryo dhaaftay laabta laabta iskumaanu saarin hadii baryaha qaar markuu ku salaamo uu doob siniinaya ahaa maanta isagaaba laga cadarsanayaa walee waa halkii weedhsame eh “ akhyaar kala baadiyowday bariidada saw ma doonto “ isagoo qosol afka isku hayn kari la’ iyo anigoo farxad iyo jidhiidhico saaxiibtinimo la tukubayaa fatooradii shidhka umaanu galin oo dhankaa iyo magaaladii fagax kumaanu tagin is waraysi iyo tooyasho badan ka dib wuxuu ii sheegay inuu gabadh qurbaha joogta oo ay barasho lahaayeen calafku iskugu daray oo bil fasaxa oo ay Addis Ababa ku timid halkaa meherkoogii ka qabsoomay markii shahrul casalkii uu soo dhamaystayna uu soo noqday oo waxaan toban cisho ahaynba uu dalka joogo kala maqnaanshaha-yaguna sidaasi ku dhacay imikana uu xaalkiisu yahay nimcatul fushuuq oo loo maqan yahay anigoo hoos ka tuurkayagii la eeganaya sawtaan ku idhi oo maxaad la qarsatay nimcada lama qarsadee intuu food dheer oo uu Faarax food kula baxay sidaa gacanta u yara saaray ayuu isagoo qosol ku ladhaya igu yidhi “ waar dee horta isku hubsaan lahaaye imikaba waa ikane i xukun waxba iskuma diidanine “ hadaan awal tantoomo iyo xuurto la yara gaadi jiray miyaan loodin karayaa waa nin bil iyo dheeraad geerka ku xidhnaa oo tunku iyo maraaraha ku yaal aad yaabto alla maxaa kharash ku baxay, miyaanu ninkaasi ayaan badnayn intaan idhi een hoos iskula hadlay ayaan halkii muraadkaygu ahaa kaga dagay balan iyo kulan danbe oo intan ka balaadhana halkii ku mudaysanay waxaan sugayaa kulankaa aniga iyo saaxiibkay Faarax Food iyo Bishii malabka ee uu geerka ku xidhnaa waa hadii uu wax iiga iftiimiyo ilayn bari si ay noqon lama hubee, waxaanse iga madhnayn inaan ana dhambaal u sii dhiibto saaxiibkay si uu CV-ga iigu qaado waan intaas oon ana dhawr bilood ka dib geerka la igu xidhaaye
Dhamaad.
Mustafe C/Qaadir Ibraahim (Shiine)
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Gabiley Somaliland
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.