Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

SODDOH; Dardaaran Dumiyay Gurigii Inantaada – W/Q. Axmed-Khaliif

Marka hore salaan iyo martaay, maalin wacan qaata, marka xigana maqaalkan akhriya; waad marin habawdeene. Dhammaan shacabka Soomaliiyeed guud ahaan iyo ASXAABTAYDA qaaligaa

gaar ahaan waan idin salaamayaa meel kaste oo aad dunida ka joogtaan.
Aasaaska bulshadu waa Hindisaha,Habaynta iyo hirgalinta hoyga wanaagsan ee ay ku hoydaan laba ruux oo nafta hadyad isu siiyay ama isku hibeeyay hadba sidaad u taqaan . Hadaba dhisida iyo dheeli tirka hoygaas wanaagsan waxa qayb hujuum leh ka qaadata HOOYADA ama SODOHDA, qaybta sodohdu ka qaadanayso yagleelida guriga iyo gondadhigiisa ayaa ah mid si baaxad leh u saamaysa GABADHA ama INANTA markaa la guursanayo . Sodohda wanaagsani waa sahayda reerka samaysmaya ,sidoo kale sodohda xumi waa silica reerka soo socda . Hadaba ma odhan karo hooyo xun baa jirta balse waxaan odhan karaa waxaa jirta HOOYO halmaamtay mustaqbalka INANTEEDII haboonayd ee ay in badan ku hamiyaysay . Taas maxaan uga jeedaa? Bal aan u daadego dulucda maqaalka soona dul maro ujeedada daahsoon ee ku dayran . Dhaqankeena soomaalida sodohda wanaagsani waa laf dhabarta reerka cusub ee kusoo biiray saaxada bulshada sidoo kale Sodohda wanaagsani waa MACALINKA gashaantida cusub ee kusoo biirtay saaxada MARWANIMADA. Hadaba marka laga yimaado dhisida,dheelitirka iyo dhidib u taagista SODOHDU la garab taagan tahay MARWADA cusub waxaa kaloo jira dardaaran mar walba daba socda oo aan odhan karo waa dawga ama dariiqa sodohdu wax ugu gudbiso gabadheeda inta badan ay u dadaalaysay isla markaana ay jeclayd inay u deyrto nolol aan daldalool lahayn.
Ogsoonaw Dardaaranka sodohda wanaagsani wuxuu noqon karaa dariiqa guusha iyo dejinta reerka cusub taas kasoo horjeedkeeda dardaaranka sodohda aan wanaagsanyn wuxuu noqon karaa kala dirista ,dib u dhaca iyo dam kasiinta reerkii dardartu kasoo muuqatay ee dacalka ka saarnaa nolosha una dedaalayay inay derejo ka gaadhaan kuna dabaashaan nolol dareen macaan ku dabar go,an.
HOOYO hadii aad gaadhay derejada sodohnimada ama aad u diga roganaysid deyrtan maanta ama ta soo socota ama ta ka danbaysaba ku dedaal in aanad u dardaarmin gabadhaaada dardaaran in badan la caadaystay ama wakhtiyadan danbe soo badanayaba kaas oo aan odhan karo waa daliilka ugu horeeya ee kala daadiyay bulsho aad u fara badan isla markaana dumiyay reero aad isugu duubnaa oo aan jeclayn inay kala diga rogtaan balse DARDAARAN hooyo kala diray. Hadaba waxa is waydiin mudan sidee HOOYO(SODOH) u kala diraysaa ama u duminaysaa guriga INANTEEDA ? "Hooy gabadheey!!!
Ninka dhulka ha isu dhigin,ninku xoolo yuusan kugu yeelanin haduu xoolo kugu yeesho wuu kula guursanayaa.Daaha,sariirta iyo fadhiga waa in durbadiiba la bedalaa. Waa inuu san helin hanti noloshiina ka badan ,Ninka soomaaliyeed la iskuma haleeyo .Dahab gado ,xoolana meel ka dhigo .intuu noolyahay xoolo kuu gaar ah ka qaado" kani waa qayb ka mid dardaaran SODOH soomaaliyeed ay siinayso inanteeda u diyaar garoobaysa inay noqoto MARWO isla markaana isu babac dhigaysa sidiii ay u maamuli lahayd reer dhamaystiran una samayn lahayd himiladii ay kula noolaan lahayd saygeeda NOLOSHU ka dhaxayso ee ay iska doorteen dadka intiisa kale . Bal hadaba ka warama dardaaranka noocan ah sideese u aragtaan? Aniga waxay ila tahay in dardaaran kani aanu u wanaagsanayn daryeelka iyo dejinta reerka nolosha wada jirka ah kusoo durkay kanasoo diga rogtay nolosha kali jirka ah. Wakhtiyadan danbe waxa bulshada soomaliyeed kusoo badanaya Dardaaranka noocan oo kale ah kaas oo sababay in ay dumaan guryo aad loogu diirsaday laguna dadaalayay inay derejo gaadhaan balse uu dhex degay dardaaranka sodohdu siisay MARWADA cusub. Ma odhan karo Wiilka ama SAYGA CUSUB isaga looma soo dardaarmo balse waxaan leeyahay isaguna waa la mid hadii uu yahay daba ka riix isla markaana uu duunka ku haysto kuna dedaalayo fulinta dardaaran xun oo uu shakhsi kale kusoo daguugay.
 Iyada oo ay wanaagsan tahay in labada ruux (MUDANE VS MARWO) ee nolosha kusoo biiray in fikrad laga siiyo fakarna lagu kordhiyo ku saabsan sidee reer loo dhaqaa ama sidee nolosha lagu wada noolaadaa balse ma haboona marnaba in laga faaiidaysto aqoon darida ka haysata dayrkan ay soo galeen ee ay markii hore debada ka joogeen isla markaana loo dardaarwariyo ama loo dardaarmo wax aan haboonayn taas oo keeni karta in ay labadooduba maskaxda ku dabooshaan. HOOYO/SODOH waxaad tahay manbaca ama isha ay eeganayso inanteedu ee u dardaaran inantaada siday reer ku dakayn lahayd kuna dejin lahayd kuna gaadhi lahayd guusha nolosha isla markaana saygeeda kula noolaan lahayd nolol aan lahayn xin iyo xajiin ,xaasidnimo iyo xifiiltan,dirir iyo dagaal ,dudmo iyo dalaaq.
Adiguna MARWO ogsoonaw hooyadaa waa dariiqa guushaada waana dariiqa dejinta iyo daayiminta gurigaaga adiga oo taas ka duulayo ku dedaal inaad qaadato dardaaranka hooyo intiisa wanaagsan kana durkaya intiisa dib u dhaca iyo dildilaaca ku keenaysa nolosha wada jirka ah. Waa qalinkii: Axmed
Maxamed Jaamac (Axmed-Khaliif)
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Cairo, Egypt
©
Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.