Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Waddanka ha lagu beero Qoomiyado kala duwan, si Qabyaaladdu u yaraato! - W/Q. Cabdillaahi Gadhle

Had iyo jeer waxaad mooddaa mar kasto aynu is nidhaahno waxaad hore u qaaddeen tallaabo in ay dabar innagu noqoto xanuunkan ina daashaday ee loo yaqaan (qabyaaladda).

Haddaba adigoo mahadsan akhriste side bulshada iyo ummaddan walaalaha ah looga nabad galinayaa dibu dhacan ay horseedka ka tahay qabyaaladdu, hadaan ahay qoraaga maqaalkan anigo ka duulaaya, dhibaatadan joogtada ah waxaay ila noqotay in dawada ugu dhawi ay noqotay, in wadanka lagu beero dad kale oo kala jinsiyada duwan, arintaasna waxaan uga faa,iidaysanayaa dhawr xaladood oo kala ah.

 

Haddii dad kala dhaqan ah kala jinsiyad ah ay meel isugu yimaadan waxaa la huba inaay isku soo kor dhin karaan ,xadaarado kala duwan oo qoomiyad kasta gaar ahaanteeda dhaqan u lahaan jirtay ,dhaqamadaasina aay sababi karaan horumar degdega , iyo in uu yimaado tartan xaga dhaqaalaha ah iyo wax soosaarka taas oo fududaynaysa in laga jeesto cunsuriyadii ahayd waa qoloma kani , laguna badaloo horumar intee leeg ayey gadhay bulshadaasi ,iyo qoomiyadaas deeganka degtaa waxaay caanku tahay beera, kaluumaysiga ,warshada, xolo dhaqatada iwm

 

Waxaa laga wada dharagsan yahay in somalidland qabyaaladu ay la gaadhay heerka  ugu liita oo xita ay noqotay wax lagu shaqo tago ,taas oo nafsad jab waayn ku riday da yartii soo kacaysay oo hadaad dhalinyarada la sheekaysato oo aad tidhaa ,waar niyow joornalka shaqooyin ayaa lagu soo xayaysiiyey ee la socda waxaay ku odhanayaan wajibka ayuunba la gudanayaa in shaqadaas la soo xayaysiiyey laakiin qofkii qaban lahaa ,ama looga baahna booskaas wuu shaqaynayaa.

 

Talo bixin

 

Hadaan ku soo dhawaado gabagabada bandhiga ujeedadayda qof kasto somalilander ahna looga baahan yahay arimaha bulshada wixii dhawac ku keenaaya in meel looga soo wada jeesto ,talooyina laga dhiibto ,waxaan kusoo afmeerayaa

1. In Somaliland lagu beero qoomiyado kale, si daawo loogu helo qabyaaladan sidi basasha marba qab kula sii durkaayo, ee aan lahayn meelay ku dhamaato ,xita saamaysay shaqooyinkii sida cadaaladu ku jirto loogu wada tartami lahaa

2.In culimadu shacabka ka wacdido waxaay qabyaaladu tahay

3. In madaxdii hore ee Somaliland lagu badalo malinba malinta ka danbaysa da,yarta jaamacda ka qalin jabinaysa, waayo waxaay la socdaan dayartu qarnigan iyo tignoolajiyada cusub( new technology )halka laysla maraayo ,halka siyaasigii hore u la saaxiibka yahay caaqika iyo suldaanka reerka

4. In madax dhaqameedku siyaasada qaranka dibada ka ahaadan ,si loo kala saaro siyaasada iyo dhaqankan isku murugsan ee madaxda Somaliland ka dhigteen dhufays siyaasadeed.

 

 Qalinkii: Cabdilaahi Cisman Cabdi (Cabdilaahi Gadhle)

Weedhsan Magazine: Download Free

.