Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

WEEDHSAN iyo Aragtidayda – W/Q. Maxamed Muuse Tiyo

Muddo aanan hadda qiyaasi karin xilligay ku beegnayd, se aan odhan karo dhowr bilood ka hor ayay ahayd ayaan arkay mareegaha WEEDHSAN, anigoo markii hore la yaabban sida ay magaca wanaagsan ku heshay, haddana

is leh magaceedu macno weyn samayn maayo haddii ay tahay sida kumannaankan mareeg ee reeruhu samaysteen, jufo walibana ay yeelatay intaas oo mareegood!
Maalmihii hore ma aanan akhriyi jirin waxay soo qorto, mana furi jirin. Hadda se waxay iigu biirtay dhowr mareegood oo aan waheshado. Wax kale kuma garatide waan ku quraacadaa, qadeeyaa, cuwaaftaa, kuna  casheeyaa. Sida mageceeda ka muuqdaba waa mareeg WEEDHSAN oo hawraar-san, bulshadana ku habta War-san .
Xaqiiqsaday inay tahay madal ay dhallin-yaro hagayso, kana dheer caadooyin badan oo ay leeyihiin mareegaha kale. Haa. Waa ardaa kulmiyay  qalin-maal, maskax-maal iyo waliba akhristayaal heegan ugu jira waxyaabaha ay qoraan bahda Qalinlayda WEEDHSAN.
Kama geyoonaysid inta sheeko ee qoran ee kuugu diyaarka ah. Malahayga bahda Qalinlayda ee ka tirsan ama ku xidhan Mareegaha waxa ay ku barayaan dhacdooyin badan oo haddii aad si fiican u akhrido kaa dhigaya akhriste, mar dhawna aad ku noqoto qore.
Waa ardaa kulmiyay qalinlaydii hore Alle ha ka abaal mariyee waxaa ka mid ah bahadaa qalin maalka ah Cabdillaahi Cawad Cige, Ibraahin Hawd, Rashiid Gadhweyne, Cabdisalaam Yaasiin, Maxamed Baashe, Xasan Cumar Hoorri, MM Kastan iyo kuwo kale. Dhalinyarada Qalinlayda ahna waxaa ka mid ah Axmed-Deeq, Dhamme Maxamuud iyo qaar kaloo badan.
Yaanu qalinku ila taraarine, waxaan ku soo gabagabaynayaa hawshaas aad haysaan waa hawl ballaadhan, halkaasi kaga haya dadaalka, horumariya dadkiina, idinkoo adeegsanaaya qalinka, hana ka daalina. Dhabar adayg sameeya kuna dhiirrada inaad ku horumarisaan bulshada qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay WEEDHSAN. Mar walbana xusuusnaada in Alle idinka abaal marinayo wanaag kasta oo aad samaysaan!
Wasalaamu Calaykum
Maxamed Muuse Tiyo
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.