Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Qaddarkii Jacayllada Kulansaday – W/Q. Maxamed Muuse Tiyo (Q. 1aad)

Cabdiqaaddir waa wiil hadda ka baxay dugsiga sare waana wiil shakhyaddiisu isaga oo yar aad ay u sarrayso ood moodayso markaad la kulanto suldaan ama oday garyaqaana. Istaaqfurulah, yaanan odhan sidaase dee waaba

Garyaqaane; waa indheer garad murti iyo maskax maal ah fiiro dheer leh, bulshada ku xeeran ee u badan inta ay isku iskuulka yihiin ama kubada wada ciyaaraan, aad ayay u qadariyaan una xushmeeyaan ma aha wax loo hibaynayee isagaa ka dhex samaystay sharaftaasi oo waxa uu u qabto iyo waxa uu u gudo saaxiibadii ayuu isna ku mutaysatay in sidaasi loo ixtiraamo,
C/qaadir  barri ayaa loo soo dhajinayaa imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare  isagu waa isku kalsoonyahay inuu meel sare ka gaadhaayo imtixaankaasi oo waliba kaalimaha ugu sareeya ayuu filanayaa ,hooyadii iyo aabihiina aad ayay u faraxsanyihiin iyagoo la wadaagayaa farxada dhamaan qoska,  waa gurri dambays c/qaadir walalkii cali oo ka wayn oo ay laba hablood u dhaxeeyaan  isna hada ayuu ka yimid qurbaha isnna inta farxada la wadaagaysa ayuu ka mid yahay ,
Habeenkii bari oo kale la yeedhinaayay imtixaanka ayaa la joogaa aqalka waxa ka muuqda jawi farxadeed oo dagan iyo diyaar garaw lagu jiro sidii bari laagu kallihi lahaa xaafiiska imtixaanada ama dugsiga uu dhigto c/qaadir waana  habeen arbaceed oo khamiis ka ordaaya , la seexay subuxiina hooyo aamina iyo aabbo xasan iyo c/qaadir oo cali gaadhiga ku wado la kallaha iyadoo loo sii jeedo dhinicii imtaxaanada .
 Markii ay madashii gaadheen ama xafiiskii oo ay waalid, macalimiin, iyo arday ay buux dhaafiyeen iyaguna ku biir dadkii meesha isku yimid ,kadib c/qaadir oo arkay ardaydii ay isku iskuulka ahaayeen iyo macalintiisii oo meel dhinaca waqooyi kaga beegan tuban ,isagiina guculo orad bilow iskagoo lugta hoosta  ka boobsiinaaya ood moodo inuu hiinfaadhaayo , ayuu wiil ay saaxiib yihiin oo faysal la yidhaahdaa ayaa dhinicii uu ka yimid uga dhawaqay isagoo aan si fiican u maqlayn oo saxmada iyo is waraysiga ay ardaydu is waydaarsanayaan  owgeed ayuu dhiniciisa dambe fiirinaaya isagoo yara guclaynaaaya dabadeedto eegidii uu eegay qofkii u yeedhaayay iyo isagii oo turaanturoday oo sii dhacaaya iyo inanta leh “walaalo raali-ahow”  ayuu ku miyir sanayaa . show inantu gaadhi meesha taagnaa ayay ka soo dagaysay isna muu arkayne , inta uu si fiican u istaagay eeg  waaba gabadh heego u dhalatay quruxna lagu dhalay oo raali galinaysa . markuu arkay gabadha qurxdeeda waxa uu ilaabay turaanturadiisii isagoo yara gabbaday kuna sii jira hiin-faadhkii ayuu si hadalku kala gonyahay u odhanayaa “walaalo dhib ma laha ,waa caadi walaalo adigu wax ma naqotay “ inantii iyadoo yara qoslaysa oon hadal u celin ayuu soo gaadhayaa saaxiibkii faysal kadibana waar saaxib ii waran ayuu ku odhanayaa iyo waa c/qaadir oo inantii sii eegaaya waxa uu ka war helayaa faysal oo leh waar suldaan ma intii fasaxa ayaad hablihii bartay waxay kugumaan ogayn maalmihii iskuulkee, waxa uu kula bodayaa saaxib ii waran isagoon salaantii hore ogayn ee faysal uu salaamay lays yara waraysay iyagoo  u jeeda dhincii macalimiintu taagnaayeen markay macalimiintii iyo ardaydii ay isku iskuulka ahaayeen salaameen cabaar iyagoon wada taagnaan ayaa lagu dhawaqayaa natiijadii imtixaanka kadib iskuulkii c/qaadir uu dhiganaayay ayaa ku guulaystay kaalmaha hore waliba waxa ku jira ardayda ugu saraysya dugsiga iyo guud ahaan dalkaba c/qaadir oo kaalinta labaad galay , farxad iskuul iyo mid ardayeed iyo mid waalidiinba ayaa meesha ka dhacaysa waana lays wada hambalyaynayaa waalidintii iyo macalimiintiiba kadib maamulkii iskuulka ayaa hambalyo u diraaya ardaydii ugu saraysya iskuulka iyagoo  balan la galaaya ardaydii iskuulka ugu saraysay iyo waalidiintoodba waa inoo caawa iyo hudheelkaasi  ayaa laysku ogaanayaa
c/qaadir farxad iyo sumacad ayay u tahay isagoo sharaf u soo jiiday waalidkii iyo iskuulkii iyo macalimiintiiba , hooyo aamina iyo aabo xasan iyo walaalkii ayaa la faraxsan wiilkooda yar ee guushaasi soo hooyay , iyadoo wali lagu suganyahay goobtii imtaxaanaadka ayaa cali u yeedhayaa c/qaadir ina mari ayuu ku odhanayaa waayahay iyara sug ayuu ku odhanayaa  iyagoo gaadhigii ku sugaaya ayuu dib u noqonayaa inta uu sii socday ayaa waxa hambalayaynaaya ardaydii ay isku kalaaska ahaayeen iyagoo ku leh hamblayo c/qaadir guul ayaanu kuu rayajnaynaa , show waxa maqlaysa inantii markii ay is jiidheen.
 inta ay c/qaadirow ku tidhaahdo ayuu soo jeedsanayaa waaba inantii “ hee walalo “ayuu ugu jawabayaa  kadib isagoo macalimiinta iyo waalidkaba il iskaga ilaalinaaya ayuu halkii ay taagnayd u dhaqaaqayaaa ………………la soco
Maxamed Muuse Tiyo
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ama This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Addis Ababa Ethiopia
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.