Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

Qaddarkii Jacayllada Kulansaday – W/Q. M. M. Tiyo (Q. 2aad)

mahdasanid, isagoo yara dagdagsan ayuu ku odhanayaa “adna walalo ma imtixaanka ayaad sugaysay “ maya ee walaalo walaashay oo iga wayn ayaan la socday iyo xaafada oo walaashay ayaa imtixaanka loo eegayay anigu qolada sanadka dambe insha allah ayaan ahay “ intaasi markay ku tidhaahdo ayuu waayahay ku odhanayaa ,
Walaalkii cali oo yara raagsaday oo ku soo socda c/qaadir ayay iska hor imanayaan isagoo ka soo dhaqaaqay ,kadib laysa soo raac dhincii xaafada waa qoyska intiisii kale ee guriga sii joogtay iyo jaarkuba joogaan ayaa la imanayaa, show  mar hore ayaa telephone layskugu sheegay in c/qaadir guulaystay darajo sarena ku baasay ,xaafadii farxad iyo damaashaad ay duco ku jirto ayaa lala wadaagayaa c/qaadir salaadii duhur oo dhaw ayaa loo diyaar garoobayaa bacda salaad ayaa la qadaynayaa  kadib waa lakala seexanayaa ,c/qaadir mar waa u farxad iyo guul marna waxa uu ka fikirayaa inantii hoodo ee meeshii  khayrka qabtay ku bartay ayuu falaan qaynayaa talow maydun is arki isagoo maskaxdiisu isku jawaabayso ayuu odhanayaa maxaad dib uga arki markay kula joogtay waadigii meel loo raad raaco waydiin waayay telephone ama halkay gashee ! Managaa hadalba isla gaadhanay maxaanu waydiinaa ayuu iskugu jawabayaa  ,intii ay xaafadu huruday isna waa uu isla hadlayaa intaasi oo muu gamin hurdada ,lasoo toos xaafadiina u diyaar gorow balantii maalmulka iyagoo isku raacaya hooyo aamina iyo aabbo xasan iyo c/qaadir walalihii waa walaalkii cali iyo walaashii laki oo ay c/qaadir dhalasho ahaan isku xigaan .loo soo aad dhincii hudheelka iyo balantii ,xaflad qurux badan amaan iyo hambalyo iskugu jirta ayaa dhacday kadib xaafada ayaa la yimid c/qaadirna suuqa ayuu iska soo maray isagoo u tagay asxaabtisii ,intuu uu maqnaa ayuu walaalkii cali xaafada ogaysiinayaa inuu bari tagaayo oo uu ku noqonaayo qurbihii , xaafada intii taladu ka go’aysay ayaa kulan yeelatay igoo layska waraysanaayo mustaqbalka c/qaadir oo ah guri dambayska reerka .dabdeeto cali ayaa talo ku soo jeedinaaya inuu isagu kafaala qaadaayo oo uu markuu sidaasi u noqdo u xaraynaayo jaamacad .arinkaasi ayaa laysku wada raacayaa bari ayaa loo balamayaa iyo in la sii dhaweeyo ilaa madaarka cali sidaa ayaa rayigaasi lagu soo xidhayaa , c/qaadir oo soo hoyday ayaa loo sheegayaa inuu bari cali tagaayo kadib sidaasaana lagu kala hoyanayaa ama lagu kala seexanayaa .
Hiirtii hore ayaa lagu soo toosayaa nabad iyo caafimaad qab cali ayaa diyaar goroobaya xaafaduna way tabaabushaynaysaa kadib dhincii madaarka ayaa la tagayaa, gagida ay diyaaraduhu ka duulaan waxa uu leeyahay laba kadin oo laga galo ,nasiib wanaag mar kale waxa is arkaaya c/qaadir iyo hoodo salaan kadib ayaa lays yara waraysanayaa  c/qaadir ayaa ku horaynaaya oo odhanaaya “hoodo walalo ma adigaa tagaaya” ?,intay yara qososho ayay ku odhanaysaa” mayee hooyo ayaa imanaysa oonu soo dhawaynaynyaa ee adigu waran”?Waxa uu ugu jawabaya isagoo  la kaftamaaya “aniga ayaa  tagaya”  Sidii qof yara naxay ayay ku odhanaysaa “malaha ma tagayside’ ……………………. La soco
W/q Maxamed Muuse Tiyo
Tiyo043@hotmail.com
Mhdmuse@gmail.com
Addis Ababa Ethiopia
© Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 57 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us