Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Haddii Masar ay Muslim noqon weydo, Maxaa kale ee ay noqon lahayd? – W/Q. Axmed-Khaliif

(إدا لم تكن مصر إسلاميةفماذا تكون) Waa kalmado ama weedho  ku qornaa stiker, looxad ama boodh  ka midaa kuwii ugu muhiimsanaa ee aan is odhan karo macno buuxa, muraad quman iyo ujeedo midaysan ayuu muujinaayay

  ee aan ku arkay meel malaayiin dad ah oo ku musanaabayay magaca islaamka iyo saraynta kitaabka eebe swt isla markaana dalbanayay in laga saraysiiyo wax kaste oo kasoo hadhay ,kana gadoodsanaa in lala simo waxyaalo ay ku sheegayeen cilmaaniyad,masiixiyad iyo diimo kaleba.
Akhriste aan kuu dul maro maalintii sabtidii iyo malaayiin masaari ah oo meel iskugu soo baxay kuwaas oo kor u qaadayay kalmada tawxiidka isla markaana ku tiraabayay takbiir takbiir ka bacdina weedha aad maqlaysaa ay ahayd (allahu akbar, alaahu akbar , alaahu akbar)
Maan dareensanayn in maalintaa wax jiraan balse si caadi ah ayaan u baxay isla markaana meel aan  exam ku lahaa ayaan usii jeeday  saacadu waxay buura garaynaysaa  2:00 galabnimo waxaanan sii galayay tareenka dhulka hoostiisa mara ama metro ga ama subway ga waa qofba siduu u yaqaanee wakhtigaas ayaa waxaa indhahaygu dheehanayeen dad aad u tira badan oo  mar kaliyaa sida mawjada kusoo mamay isla markaasna soo maquurtay metrooga dhagahaygana waxa ku soo dhacayay  takbiir lagu qaadayo cod aad u quwaysan ,allahu akbarta kama yaabin balse waxaan isku qabtay maanta ma ciidbay ahayd tolow iyo maya !
Maankayga ciid kumay jirin balse takbiirta socotay oo ahayd mid ku suntan ayaamaha ciidda ayaan markiiba qalbigayga waxaa kusoo dhacday ciid.
Maan degdegin ee intaan jawiga la dabaashay ayan dareenka jirana waydiiyay dad qofkii iigu soo dayma horeeyay .
Maxaa jira maanta adigoo iga raaliya yaa baasha(mudane) ? Waa suashii ugu horaysay ee aan waydiiyay wadaad gadhle leh oo wadada aan mararay ee metroga ila wadaagayay  .
Wadaadkii alla ha dhawree jawaab waafiya wakhtina aan qaadan ayuu iigu warceliyay taas oo u dhignayd sidan (احنا ندعم قرار الرئيس)
Kalmadahaas oo macnahoodu u dhigmayo (waxaanu taageeraynaa go,aanada madaxwaynaha)
La socodka aan lasocday xaalada dalka iyo xamaasada jirtay ayaa ii sahashay inaan markiiba fahmo fariinta wadaadku ii dhiibay .
Wakhti yar oo aan badnayn oo lacag dhiibis iyo kaadh qaadasho nagaga lumay kadib  waxaan gudaha u galay metro gii ama tareenkii. Tareenka jawigiisa guduhu waa mid caadifadeed waana mid la ciirciiraya dad kasoo ceeryamay guryahoodii una soo ceegaagtay xagaa iyo jaamacada qaahira oo ahayd meesha cawdu taalay isla markaana ahayd meesha loo cayimay inuu ka dhaco isku soo baxani.
Hadii takbiirtii ,tahliishii iyo taxmiidii xoogaa lagu tiraabayay waxaa mawduuca lagu tuuray meel xasaasi ah kaas oo ka sheekaynaya tawradii ama kacdoonkii dalkan ka dhacay laguna tilmaamayay dadkii ku shahiiday iyo sida ay waajib u tahay dhamaystirka tawradaas .
Halkaas shuhadada yaanan dhaafine dhawaaq ka yeedhay mid ka mid ahaa dadkii gadoodsanaa ee saarnaa metro ga ayaa waxuu macnihiisu u dhignaa sidan ( seexo shahiid seexo shahiid)waa intaan ka xasuustee  hadaba hadalada noocaas ah oo dadku iska daba odhanayeen ayaa waxay ilmo ka keenayeen hooyo fadhida kursi iga soo horjeeday kolay anigu waan arkayay balse ma garan karo inaan kaligay ku ahaa .
Hooyadan maqalkeeda markii kalamadahaasi kusoo dhaceen waxaa kasoo booday ilma aad u kulul wajigeedana hoos ayay u dhigtay iyado oo isticmaalaysa xijaab ay xidhneed faraqiisa hoose ayay ilma tir si ay u samayso wajiga saartay.
Dareenka hooyadaas ayaa ahaa mid aad u kiciyay diirkayga kamaan fakarin maxay la ooyaysaa hooyadani? Balse markiiba waxaa iskay tusay in wiilkeedii ama walaalkeed ama odaygeediiba ku shahiideen tawradii barakaysnayd ee ka bilaabantay dalkan masar horaantii sanadkii 2011kii.
Runtii waa wax aad looga naxo hooyo wayn oo baalasha indhaheeeda ilmo ka qubanayso kuna gobo,leedahay dhabteeda iyada oo soo dhaafaysa dhabanadeeda isla markaana madaxa ruxaysa iyada oo tilmaamaysa heerka murugada ay qabto leegtahay .
Kusoo noqo hadaba tareenkii iyo tiraabihii dadwaynaha (الله الله ,الله الله ,أنصر عبدك) waa weedh aad loogu dhawaaqayay taas oo macnahedu u dhigmayo (eebaw adoonkaaga u gargaar ).
Dadka maan waydiin dareenkooda balse dibnahooda ayay kaga dhawaaqayeen
 (الشعب يريد تظبيق الشريعة)
Waa weedha ugu quwada waynayd xaga dhawaaqa ee lagu celcelinayay taas oo macanaheedu u dhigmayo (shacabku wuxuu doonayaa ina la hogaamiyo ama lagu sugo oo lagu dabaqo shareecada )
Shareecadu :waa ku dhaqanka diinta islaamka ,ku dhaqanka diinta islaamka waxaa looga jeedaa  qaadashada kitaabka eebe iyo sunaha rasuulka (n.n.k.h )
Hadaba dadka intan leegi siday diinta islaamku uga soo burqanaysay afkooda waxaad moodaysay inay maalintani tahay tii dib u dhiska quwada muslimiinta  iyo ku dhaqanka diinta islaamka mararka qaarna waxaan xasuusanayay maalintii rasuulku soo galayay madiina iyo caleema saarkiisii.
Dadku kuma kala duwana weedha ah (إسلامية إسلامية, إسلامية إسلامية ) taas oo ay uga jeedaan waxaanu rabnaa in nalagu dhaqo diinta islaamka .
Tareen baan saarnahay waanan taaganahay ,meelbaan ku socdaa mase dareensani,ma hadlayo hadana ma aamusni ,dibahaygu waa dhaqaaqayaan mase dhawaaqayaan allaw sahal amuuraha.
Waxba yaanan wakhti kaa qaadin ee aan ku geeyo qaybta labaad ee maqaalka kuna dhaafiyo guuxa tareenka iyo tiraabta dadwaynaha.
Maqaaxi aan shaah ka cabay iyo salaadii casar oo aan tukaday ka dib waxaan galay examkii aan u socday waa ilaahay mahadii iyo dareenka islaamnimo ee igu duugnaa labadaas  ayaan is odhan karaa examka waabay ku dhaafiyeen.
Si degdeg ah ayaan u dhamaystay mudo aan badnayna waan kaga soo baxay ,kadib halkii ayaan kasii bilaabay inaan dacal ka raaco dadkii xamaasadaysnaa ee isu xilqaamayay inay diinte alle muujaan kadibna taageero u malaasaan dr maxamed mursi oo ah madaxweynaha dalkan masar.
Markii aan kasoo degay cimaaradii ama biulding kii ama fooqii aan examka ku galaayay waxaaban la kulmay dad aad u tira badan oo ku socda una jihaysan meeshaan jeclaa ee aan nafta kusii jeedinayay ,waa halkee? Waa jaamacada qaahira horteeda oo ahayd meeshiii maqaru fadhiga u ahayd malaayiinta dadkaa ee muslimka u hiilinaya maamuuskana u muujinaya madaxweyne mursi  isla markaana maqaam sare ku taageeraya waraaqda madaxtooyada kasoo baxday ee lagu maamul dejiyay xilkana lagaga qaaday xeer ilaaliyihii guud ee dalka masar mudane :cabdi majiid maxamuud ,isla markaana madaxwaynuhu ku daabacay inaan laga hor iman karin wax ka badal adagna ku sameeyay qodoba badan oo dalka lagu soo dhiqi jiray .
Dadkani waxay ku dhawaaqayaan kalmadaha ah(إحنا مين, إحنا مين) waa su,aal ay iyagu si kalsooni leh isku waydiinayeen taaso oo tarjumadeedu tahay (inagu yaynu nahay , inagu yaynu nahay) balse jawaabta su,aashaas waxaa ka warcelinayay qayb ka midaa dadka meesha marayay iyaga oo kaga war celinaya weedh ay ku tilmaamayaan waxay yihiin iyagoo naftooda u sheegaya kuwa ay yihiin
 (إحنا مصريين شعب ثورة) waxaanu nahay masriyiin shacabkii kacdoonka .
Dariiqu ma dheeraynba ee waxaan dhakhso u tagay meeshii dhaqaaqaygu ku ekaa ee aan ku dhaadanayay mudada aan dheerayn ee aan dhabaha soo hayay ,bal hadaba maxaan arkayaa maxaanse maqlayaa ?
Ugu horayn sawirka ugu wayn ee aan arkayaa waa sawir si farshaxanimo ku dheehantahay loogu dhigay qoraal ka turjumaya ujeedada maanta laysugu soo baxay isla markaaana malaayiintan dadka ah meesha keenay
 (مليونية الشرعية وشريعة) waa ciwaanka maalintaas u gaarka ahaa ,golahana yaalay .
Waxaanan ilaabayn oo dadka intooda badan ay siteen waraaqo ay ku dhigan tahay (الشعب كله مع رئيس) shacabku dhamaantii waxa uu taageersan yahay lana jiraan madaxweynaha,iyaga oo qaar ka midaa xaga danbe ka raacinayaan ( نحبك يا مرسي) waanu ku jecelnahay mursiyaw (madaxwaynaha masar) dadka qaar ayaa aaminsan fikir odhanaya ikhwaan ayay ahaayeen cid allaale cidii meeshaas timi isla markaana ku dhaleecaynaya inay yihiin koox gaara ama cid si gaara dawlada u taageersan maadaama madaxweynaha dalku ka mid ahaa kooxda islaamiyiinta ah ee walaalaha  ama ikhwaanka .bal hadaba fikirkka noocaas ah waxaa beeniyay isla markaana bar kuma taal ka dhigay ashkhaas ka midaa dadkii sida maqaamka sare ah uga soo qayb galay banaan baxan kuwaas oo sitay waraaqo lagu qoray:
 (انا مش إخوان واعم د.محمد مرسي رئيس مصر من اجل مصر)
 (kama mid ihi ikhwaan waxaanse taageersanahay madaxweyne dr maxamed mursi anigoo eegaya danta dalka masar) waa weedh aad u cajiib ah runtiina tilmaamaysa in danta dalka iyo dadkuba ku jiraan diinta islaamka oo lagu taageero madaxweynaha  dr mursi.
Qoraalkaas hoostiisa waxaa kusii xardhanaa mid kale oo kaabis u ah kuna muujisantahay sida ay qiimaha u leedahay isku duubnida iyo midnimadu  tilmaamayana in awoodu ku jirto meel u wada jeesiga aan tafaraaruqa lahayn runtii qoraalkaas markaan eegayay waxaan arkayay umadda aan kasoo jeedo sida uu u anfaci lahaa hadii loo gayn lahaa ama la tusi lahaaba kadibna ku dhaqmi lahayd( قوتنا في وحدتنا) awoodeenu waa isku duubnaanteena .waxaanan ilaabayn oo intaa kasii hooseeyay qoraal kale oo tilmaayay in madaxweynaha codkii lagu doortay iyo afka oo laga taageero oo kaliyaata lagaga hadhin balse taageero loo muujiyo lagana qayb qaato isku soo baxa iyo ololaha lagu taageerayo qoraalkaasina wuxuu u dhignaa sidan
(صوتك مش كفاية شارك وادعم الحملة)
Iskama indha tirayo dad aad u fara badan oo iyaguna miidaan taxriir u taagnaa si ay u mucaaradaan madaxweynaha dalka ,balse aniga oo labada qayboodba midba maalin tagay qiimayna ku sameeeyay mabaadi,ida ay labada meelood kala watan iyo waxay kala midaynayaan iskuna mari la,yihiin ayaan hadana eegay qoraal aad ii raali galiyay kaas oo caqliga saliimka ah ama maanka miyirka qaba ama maskaxda fayaw ay garan karto keebaa saxa keebaa khaldan bal aan idin soo hordhigo qoraalkaas caqliga ku salaysan ee aan cabirkaba u baahnayn
(اللي مش فاهم افهم لو كنا ٩٠مليون واللي معارض ١٠مليون واللي مؤيد ٨٠مليون فين العقل فين العدالة  )
( hadii shacabku 90 malyan yahay inta mucaaradkaana 10malyan tahay inta muayidiintaa ama taageerayaashaana 80 malyan yihiin aaway caqligu aaway cadaaladu kii aan fahmaynaw fahan )
Waa qoraal raadinaya caqliga wanaagsan iyo cadaaladu xagay ku jirtaa.
Waxaan sidoo kale oodhan karaan dimuqraadiyada reer galbeedka lafteedu xagay ku jirtaa 51% miyaanay ku haboonayn in la raaco qaybta badan ee shacabka maadaama 70malyan lays dheeryahay ?
Sidoo kale shacabkani waxay ka gadoodsanaayeen rag badan oo ay ka mid ahaayeen kuwa haysta maxkamadaha iyo waliba ururka garsoorayaasha iyaga oo dhaliil usoo jeedinaya qaar ka midaana si cad ugu leh
 (ثورة مستمرة وزند يظلع بره  )(kacdoonku wuu sii soconayaa sindina wuu tagayaa ama  ka
Baxayaameesha)*sindi waa ninka ugu sareeeya garsoorayaasha dalka masar.
Sidoo kale waxay dhaliil usoo jeedinayeen saxaafada oo inteeda badan ay iska indha tirayeen malaayiintan dadka ah iyo muslimkan gadooday
Iyaga oo leh (الصحافة فين الشعب مصر اهو)( meeday saxaafadii waakan shacabkii masare)
Aan soo gunaanado qoraalka maalintii sabtidii iyo muslimkii gadooday soona xooriyo ujeedada ku xardhanayd maalinta qaaligaa ee kor u qaaday muslimka dunida iyo kuwa masarba .
Dadkan meesha iskugu yimi dhamaantood waxay isku raacsanaayeen in madaxweynaha la taageero sidoo kale waxay isku raacsanaayeen oo dhamaantood lahaayeen iyaga oo sii dhamaystiraaya tawradii barakaysnayd ee ka bilaabantay dalkan masar (ثوار احرار هنكمل مشوار)
Waxay kaloo isku raacsanaayeen in diinta islaamka lagu hogaamiyo dalka masar ,
Sidoo kale waxay siteen in badan oo ka mid ahi kitaabka quraanka kariimka iyaga oo afkooda ka leh (القرآن دستورنا  )
Quraanka ama kitaabka ilaahay ayaa noo ah distoor.
Guul ayaan u rajaynayaa dhamaan umadda islaamkaa meel kaste oo ay joogaan isku duubnina waan u wadacayaa.
Axmed Maxamed Jaamac (Axmed-Khaliif)
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Cairo, egypt
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.