QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

Qaddarkii Jacayllada Kulansaday! - W/Q. Maxamed Muuse Tiyo Q. 3aad

LAKI inta uu dhinaceeda u sii dhaqaqo ayuu ku odhanyaa walalo hood waa walaashay  ee waa inoo mar kale ,Nasiib wanaag laki waxay iska dhigasaa qof aan arkayn dabadeeto isna isma dareensiinaayo lakin laki way arkaysay ee walaalkaa oo kaa yar waxba ha ku qaylin ayay is tidhi . 

Cali isagoo ka yara murugaysan xaafadii iyo qoyskii oo uu ka tagaayo ayuu macasalaamaynayaa dhamaan xaafada si fiican laysku sii waddac kadib xaafada lagu soo noqoy ,

C/qaadir wali waxa ka dhex guuxaaya aragtidii hoodo iyo fursadii labaad ee aanu talefoonka kaga qoran iyo isagoo hoosta ka leh, allahayow mar kale na kulan sii hoodo.inta uu hoos iskula calaacalo hadana is ilawsii,ma midab laysk ilawsiin karayuu ahaa ma hadal la iloobaayo ayuu aahaa siday uga naxaday markii aan ku idhi anigaa tagaaya …..,markuu in badan ka fikiray mudo dabadeed waxa bilaabmaysa hawshii reerku ay isla ogaayeen. cali ayaa soo hadlaaya waxaanu xaafada u sheegayaa in uu jaamacadii u helay c/qaadir war farxadeed ayuu ahaa c/qaadir oon arinta loo sheegin ayaa warka daboolka looga qaadayaa waana uu ku farxayaa in kasta oo niyadiisa ay ku jiratay waxyaabo badan hadana waa uu gudoomayaa warkaasi .mudo kadib ayaa hadana waxa soo hadlaaya cali oo c/qaadir u sheegaya inuu u diyaar garoobo imtixaanay ka qaadayso safaaradu iyo safar  uu galaayo dhinacaasi iyo itoobiya gaar ahaan addis ababa warsan ayuu gudoomay maalmo kadib waxa ay xaafadu diyaarisay qofkii raaci lahaa oo badanka hooyo aamini way iska mashquulsanatahay aabbo xasan isna waa mashquul oo shirkad ayuu hawshiida dusha iska saaray oo ma haleelaayo inuu raaco c/qaadir . waxaa go’aan lagu gaadhay inay fatuux oo ah inta dhalasho ahaan ka wayn c/qaadir inay raacdo sidaasaanna go’aan lagu gaadhayaa maalin barkhadeed oo isniin ah ayaa waxa is raacayaa aabbo xasan iyo wiilkiisa c/qaadir waxaanay taggaayaan xafiiska diyaaradaha iyagoo soo ogaanaya ama soo goosanaaya tigidhkii diyaarada aabbo xasan ayaa baasaaboorkii ku soo iloobaaya dabadeto c/qaadir ayaa gaadhiga ka soo dhex saar lagu odhanayaa baasboorkaagii isagoo furihii gaadhiga sita ayaa waxa si filan waaya isku arkaaya hoodo iyo inan kale oo wada socda dabadeeto salaan ka dib lays yara waraysay hoodo”walalo c/qadir maanta xafiiskan maxaa kaa soo galay” c/qaadir “walaalo anigaa tagaaya addis “ hoodo”haye maad soo noqonaysaa “c/qaadir “walalo laga yaabaa inaan halkaasi ka tago ee walaalo horta talefonkaaga ii qor iyo emailkaaga “ hawraarsan iyo haye ayay iyana ugu jawaabaysaa .intaasi ka dib laysa sii nabad-galyee sidaasaana lagu kala  xadhko xidhay .

c/qaadir iyo fatuuxa waxay yimaadeen addis  daalkii safarka markay ka nasteen dharaaro ayaa la hawl galay safaaradiina balan ayay u qabtay.iyadoon wali gaadhin balantii safaaradu la gashay c/qaadir ayaa waxa uu email ka helayaa hoodoo oo si fiican uga war doonaysa xaalkiisa . waxa uu uga waramayaa xaalkiisa  iyo warkiisa oo faahfaahsan .

maalmo ka dib ayaa hoodo hooyadeed oo qurbaha ka timid ku odhanaysaa hooyo waraaqii ayaan idin xaraynayaa oo addis ayaynu tagaynaa oo cidna kama garanayno nagu sii sugta .. ..hoodo ayaa la soo boodaysa hooyo anigaa ka garanaaya wiil aanu isku kalaas ahayn oo halkaasi jooga ayaa jira …………………….……lasoco

tiyo043@hotmail.com

mhdmuse@gmail.com

Addis Ababa Ethiopia 

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 140 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us