Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Dimuqraadiyaddii way Guulaysatay, Mustaqbalkii se uu dhaawacmay – W/Q. Maxamed Cali Bile

Muranka ay dhalisay natiijadii ka soo baxdey doorashadii deegaanka ee Somaliland aniga xageyga wax sidaa u sii ridan ilama aha marka laga reebo kalsooni darada umaddii  kaga dhacdey nidaamka ay sameysteen.

Waxa uugu weyn ee lagu muransanyahay waa xisbi hebel ayaa ku shubtey doorashadii oo macneheedu noqon karo kuraasi an anagu heli laheyn ayuu xisbi hebel si xaq darro ah ku helay. Haddaba marka xisbiyaddii ay ku saleysan yihiin nidaam qabiil kolba deegaanka ay joogaan, taasi waxa ay caadifad badan ka kicineysaa dadka dhexdiisii. Balse marka ad tahay muwaadin aan sidaa uugu sii jibbeysneyn qabiilka balse jecel wanaagga guud wax badan oo macna ah kuu sameynmeyso. Masalan haddii manta la yidhaa Kulmiye ayaa hal kursi oo Hargeisa ah laga soo jaray oo Xaqsoor ayaa loogu daray, wax macno badan ah aniga ii sameyn meyso oo aan aheyn Magac hebel ayaa meesha ka baxay oo magac hebel ayaa lagu bedelay. Aleyle haddii laga tegi waayo waxa dhici karta inaan is idhaa malaha qalad dhacey ayaa la saxey, waa haddii qaladkaasi run yahay.
Waxa hubaal ah in maalmaha soo socda in murankan socdaa iska dhammaan doono oo ay hawshu sidaa ku sii socon doonto. Arrin kasta oo tan la mida oo timaadaa haddii saddexda maalmood ee u horeeya ee ay cusubtahay ay wax bedeli waayaan, haka filan iney wax danbe is bedelayaan. Sidii u horeysey ee doorashada loogu dhawaaqey uunbaa ay natiijadu noqoneysaa, qalad iyo saxba. Wixii soo raacaa waa wixii cabasho ah maxkamadda u gudbiya iyo wadahadalo hoos hoos ah oo bilaabma oo cidii cabaneysana la raali geliyo ama wasiir hala siiyo ama si kaleba haloo raali geliyee.
Sideedaba qaladka ad sameyso marka ad xooga weyntahay waxa laga yaabaa inaanad dareemin sababo badan awgood. Balse qalad ad gashey oo aanad sixin waxa uu kuu gelayaa xisaabta, waxaanu kugu soo baxayaa mar danbe oo weliba ad itaal yartahay ama wadcigii is bedelay. Waxa kaloo dhici karta in qaladaad yaryar oo is biirsadey oo si yar kugu dhaafey ay is biirsadaan oo ay noqdaan wax ad u maara heli weydo.
La iskuma hayo in doorashadani ay muujisey guul la gaadhey oo ay ka mid tahay in muwaadinku codkiisa wax ku doorto oo six or ah oo nabadgelyo ah ay u dhacdo, waana laga midho dhaliyey marka laga reebo shaqaaqadii dhacdey ee dhaawaca iyo dhimashadaba keentay.  Waxa is weydiin leh, doorshadan sida ay u dhacdey iyo natiijada ka soo baxdey dhaawac intee leeg ayay Somaliland u keeni karta mustaqbalka. Aniga waxa ii soo baxay in arrintani soo saartey afar fariimood oo aad u qaldan dhaawac culusna keeni kara mustaqbalka:
1.       Soomaliland waa dalka keliya ee sharciyeeyay in wasiir ama qof mansab dawladeed hayaa u ololeeyo xisbi. Addunyada inteeda kale waa mamnuuc in Sarkaal dawladeed doorasho u ololeeyo. Olole waxa ka qeyb qaadan kara qof la doortay oo keliya, sida Xildhibaan, Madaxweyne, Mayor IWM. Balse qof xil loo magacaabey doorasho uuma ololeyn karo waayo waxa uu lumin karaa kalsoonidii aheyd inu umadda u dhexeeyo. Waa runo oo wasiir kastaa uu jecelyahay inu xisbigiisa taageero, balse waxa u bannaan inu si dadban u taageero isaga oo muujinaya wax qabadka wasaradiisa iyo horumarka uu sameeyey. Wasiirku waxa u dhexeeya umadda xilkana farsamo yaqaanimo ayaa loogu magacaabey ee umaddu mey doran sida darteed af xisbi kuma hadli karo. Madaxweynuhu uu sheegan karaa libinta uu wasiirkiisu keenay, balse wasiirku ma sheegan karo xisbi, uuse ka tirsanaan karaa.Bal ka soo qaad wasiirkii arrimaha gudaha iyo kii caddaaladda iyo gudoomiyihii maxkamadda iyo taliyiihii bileyska oo u ololeynaya xisbi, mucaarid iyo muxaafid kuu doono ha ahaade, oo markaa muran ka yimaaddo doorashaddii. Mas’uuliyiiintan oo dhami oo kuwii la iskula noqon lahaa ee dhexdhexaadin lahaa muran. Haddaba marka dhee dhexdhexaadin lahaa qeyb ka yahay kii laga cabanayey dee wey adkaaneysaa in xal ama niyad sami timaaddo.
2.       Doorashadani waxa ay sii badisay siina libin-laabtay kalsooni darada umaddu ka qabto nidaamka dawladnimo oo marka horeba an ku liidannay. Taasina waxa ay keeni kartaa in qofku ama qabiilku ama xisbigu uu markasta diyaar u yahay inu isna fursad kasta oo uu helo wax dhaco ama khiyaameeyo ama aanu midka kale aaminin. Waxa kale oo arrintani ay ku qasbeysaa in muwaadinkii islahaa ka xorrow qabiilka inu dib uugu noqdo oo uu miciin moodo maadaama aaney u bannaaneyn fursad kale oo kaga qeyb qaadan karo siyaasadda dalka.
3.       Iyadoo marka horeba la ogaa in qabiilku doorweyn ku leeyahay mujtamaceena, ayaa haddana iminka ay noqotaya in la sharciyeeyo oo weliba si fiican loo kala baxo. Waxa ad sawir fiican ka qaadataa sida xisbiyada loo kala helay Hargeisa. Ururka Kulmiye hal reer ayuu ka taganyahay oo aan biyo is marin, Wadani la mid oo calanka taagani waa reer hebel oo cidi soo tarixin, umaddu ka daran, Dalsan la mid, Xaqsoor waa xaafad keliya, UCID ayaa in yar loogu qaatey oo laba reer oo labada daamood ihi ka soo baxeen balse laftigeedo salka ku haysa qabiil. Sawirka halkaa ka soo baxaya ee caruurteennu ku soo koreysaa muxuu yahay. Calanka xisbi hebel ee aynu ku sheegeynaa waa xisbi qaran miyaanu ahayn reer hebel oo weliba calan sii taagtey. Maxayse Noqonkartaa farriinta aynu u direyno Soomaaliya inteeda kale? Dawladihii hore ee ina soo marey waxa ay ku saleysnaayeen qabiil oo dimuqraadiyad mey sheegan jirin. Haddey tahay tii Abdirahmaan Tuur (AHUN), tii Cigaal (AHUN) iyo Riyaaleba. Iyagoo haddana qabiil ahaa ayay xaragada dawladnimo ka qurux badneyd oo miisaan ayaa jirey. Dadku uu isku dhafnaa ee sidan inagu kala darada ah mey aheyn. Cigaal oo ay dagaal kuwada jireen beesha bariga ayaa haddana intu Odweyne tagey ku degey gurigii Suldan Ciise (AHUN) oo weliba ku adkeeyey beeshii ay is hayeen iney taageeraan oo ay u codeeyeen doorashaddii. Maantase, qof jigjiga yar iska soo sharxey ama Axmed Dhagax, ma haweysanayo inu hal food ka helo new Hargeisa. Arrintan kuma eedeynayo oo keliya dawladda maanta taagan, balse waa arrin siyaasi oo dhami mas’uul ka yahay xisbigu doono ha noqdee.
4.       Markii Marwo Fosiya Yusuf Xaaji Aden loo magacaabey Ra’iisal wasaare ku xugeenka Somalia iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, waxa ka biyo diiday dad badan oo mujtamacena ah oo u arkayey inay habooneyd inaaney xilkaa qaban oo ay Somaliland ku qanacdo oo hamigeeda siyaasadeed ay ku eekeysiiso halkaa ay u dhalatay. Kuwa iyada taageersanaa  waxa ay ku doodayeen in marwo Fosiya la dulmiyey oo xisbigedii xaqdarro ku hadhey markii danbena la dhageysan waayey oo weliba si xun lola dhaqmey. Kaba soo qaad inan la dulmiyin ee ay iyadu iska booday ama damac shakhsi qaadey. Doorshadan iminka dhacdey ayaaba wixii lagu doodi lahaa sii kala tuurtay oo meesha soo dhigtay in dumarka oo ah 56% mujtamacena aanay meeli uuga bannaaneyn siyasadda dalka oo gebi ahaanba dibedda ka ah. Maxay tahay fariinta ay arrintaasu u direysaa hablaha soo kacayaa ee higsanaya inay door weyn ka ciyaaraan hoggaaminta dalkooda, maxayse tahay fariinta ay u direyso mujtamaca caalamiga ah ee aynu ka dooneyno taageerada marka ad iska indho tirtay jiritaan 56% mujtamacaagii? Markan ahay muwaadin dalkiisa jecel oo u doodaya in Somaliland tahay dal hore u maray oo caalamka higsanaya, maxay tahay waxa an kula doodayo Marwo Fosiya ee an ku qancin karo inu go’aankeedu qaldan yahay ka natiijada doorshadan ka soo baxdeyna sax yahay?
Afartan arrimood ee an kor ku soo sheegay cid gaar ah mas’uuliyadeeda kuma eedeynayo, qaarkoodna waa arrimo qoto dheer oo u baahan in sidii loo sixi lahaa ama qaladkaa loo yareyn lahaa istiraajiyad looga sameysto. Balse haddii aynaan wax ka qabashada arrintaasi iminka bilaabin, wey adkaaneysaa in la saxo mustaqbalka.
Maxamed Cali Bile
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.