Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Wakhtiyoow ma lagu dabri karaa?! - W/Q. Maxamed Muuse Tiyo

Nimcooyinka alle ku manaysaytay addoomaha waxaa ka mid ah caafimaadka iyo wakhtiga ammintan aynu Joogno waxaynu qalinka u yara qaadanaynaa qiimaha wakhtiga. Marka hore waxaan ka araaranayaa Kalmadda wakhti

oo ah kalmad carabi ah taas oonan u duur galin macanaha ay ku noqonayso  soomaaliga hadii alle inoo daayo caafimaadka waynu soo baadhi doonaa. Horta soomalidu ma taqaanaa qiimaha uu leeyahay wakhtigu?haa way taqaanaa hadaa maxay uga faa’iidaysan wayday  ? oo adigu halkeed ku aragtay somalida aan wakhtiga ka faa’idaysan ? ogor adeer waa ayo kuwan giddaarada tuban ee goobtaad martaba aad moodo in lagu balamiyay,Takale miyaanay ahayn kuwa maqaaxiyaha iyo suuqyada ugu badan ?haa way yihiin hadaa maxaad u difaacaysaa eed ku leedahay way ka faa’idaystaan wakhtiga ? soomaali ayaan ahay oo biyaha ayaan ka jecelahay muranka ! Goob kasta ood marayso waxaad ku arakaysaa soomali joogta , oo waayo hadii aad ku aragto miyaanay dalkoodii joogin?haa oo hadii ay joogaan ma maqaaxiyaha iyo goobaha muranka ka shaqeeya ayaa la yidhi?Mararka aan ugu naxdinta badanahay waxa weeyi marka aan arko dad soomaliyeed oo intay dalkoodii ka soo qaxeen soona burburiyeen haddana dal kale jooga oo isku haysta marka aad marto meel ay joogaan soomaali waxaad ku arakaysaa intii waayeelka ahayd ee waawaynayd oo ku foogan muran qabyaaladeed iyo mid qoqobeed oo ay inta ayna isku abtirisiinta ahayn fogaynaaya faduulna u dhaleecaynaaya iyo intii dhalinyarada ahayd oo iyaguna ku foogan oo ku dhereran gaal saan cadaale ah oo inta dantiisi meel kusoo tiiriyay kubbad cayaaraaya kuwii yaryaraana intaasay u kala abtirinayaan Waxa kaaga sii daran markaad aragto dhalinyaro badankoodu dhamaystay waxbarasho sare oo jaamacadeed hadana muran iyo hadal ma dhalays ah isku haysta oo aad moodo dhanxiirkii ama laba wajiilihii jamuuriya oo fiicnaan lahaydaa hadii ay isku raacaan wax kale kuma murmayaan ee war ay ka akhriyeen jaraa’idka .Wakhtigu waa galad eebe oo ah inta noloshaba layskugu dhiibay hadii aan wakhti jirin danbi iyo wanaag midna lama sameeyeen  Sideeebaynu uga faa’idaysan karnaa qiimaha wakhtiga? Nidaami wakhtigaaga adigoo adeegsanaaya qorshe aad dhigatay kuna salee saacado Ku dhaqan qorshahaasi aad dajisatay mar walbana alle talo saaro waan ogahay inay kugu adkaan doonto falista ama ku dhaqmida aad ku dhaqmayso wakhtigaasi aad nidaamisay laakinse waa malmaha hore ee isku dayn inaanad ka caajisin kana tagin qorshahaasi aad dhigatay iydoo ay sidaasi tahay wax badan ayaa kula kulmaaya maalmaha hore waxaad dareemaysaa cidhiidhi waayo maxaan cidhiidhi u dareemayaa? Waxaad cidhiidhiga u dareemaysaa waxaad doonaysaa wakhtigii kala daadsanaa eed muranka ku dhamayn jirtay ayaad la qabsatay oo nafta ayaa ku leh tag goobihii aad nafta ugu raaxayn jirtay istaaqfurulaha , waxay ahaayeen goobo muran goobo hadal madhalays ah lagu hayo mid dhaleecayn qof aan kula joogin falaanqayntiisa iyo mid siyaasadeed oo hab qabyaaladed ku salaysan

Waa meelo aad nafta ku cadibi jirtay uguna ururin jirtay danbi waa waa waa … u samir maalmaha hore  inta aad la qabsanayso goobihii xumaana ku badal meelo wanaagsan sida masaajidka ood ku tukado shanta salaadood meelaha wacdigu ka jiro ood tagto iyo adigoo ka dheeraada meelaha xanta xifaaltanka iyo xasaradda lagu hayo xoojiyana ilaalinta qorshahaad dhigatay

In badan oo ka tirsan bulshadeena soomaliyeed ma laha qorshe ay ku salastaan nolol maalmeedkooda ma jiraan in ay ku xisaabtamaan qiimaha wakhtigu leeyahay  oo waayo maxay u samaysan waayeen qorshe maalmeed ? waxay u samaysan waayeen iyagoo aan garanaynin qiimaha wakhtigu leeyahay istaaqfurulaha way garanayaan oo waliba maskaxdooda oo wanaagsan awgeed ayay waxii ay doonayaan maalintaasi ku kaydasadaan kuna fuliyaan ! hadaa maxaad ku keentay ma garanayaan qiimaha wakhtiga?

Waxaan ku keenay in ay samaystaan qorshe isku xidhan oo maalinle ah moogle aha todobaad le ah(weeg,usbuuc) sanad leh ah 

Wakhtigu waa uu socdaa intaasi imikadaasi ayuu socdaa oo qoraalkan aan soo qoray inta aad akhriyayso wakhti ayaa kugu socda  hadana waa uu ku dhaafay ka faa’idayso wakhtiga kuna salee inaad ku qabsato wax ku anfacaaya

Maalinta qiyaame alle waxa uu ku su’aalaya waxaad ku qabsatay ama ku fulisay wakhtiga lagu siyay hadii aan wakhti lagu siin laguma xisaabiyeen oo lama qoreen waxa aad samaysay gaf ama xumaan iyo wanaag waxaad falayshayba waxa kale oo alle ku su’aalayaa in ka mid ah wakhtigaaga oo ah dhalinyaranimada halkaasi waxa inooga cadaanaaya qiimaha uu wakhtigu leeyahay.

Ka faa’id  wakhtiga Ka faa’idayso fursada iyo faraaqada inta aanad mashquulin ka faa’idayso dhalinyaranimada inta aanad gaboobin ka faa’idayso inta aad caafimadka qabto alle waa siduu doone yeele ee inta aanad xanuusan .

Akhriste ku dadaal inaad wax kuu faa’ido ah oo wanaagsan ku kordhsato  wakhtigaaga adigoo samaysanaaya qorshe maalmeed.

Wakhtigu lama dabri karo lamana istaajin karo lamana hogaamin karo istaaqfurlaha waad hogaamin kartaa wakhtigaaga hadii aad nidaamsato ood ku adkaato ka faa’idaysigiisa . ugu danbayn  alle waxaan inooga baryayaa inuu ina garadsiiyo faa’idada wakhtiga waxaan bulshadayda soomaliyeed alle ugu baryayaa in alle garadsiiyo  qiimaha uu wakhtigu leeyahay.

Qalinkii : Maxamed Muuse tiyo

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Weedhsan Magazine: Download Free

.