Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Ha ku khatalmin Goolaaftanka Siyaasadda – W/Q. Maxamed Cali Bile

Goolaaftanka siyaasaddu waxay leedahay luqad la adeegsado si taageero loogu helo mawqif siyaasadeed. Luqadahaas waxaa loogu talagaley in ra’yiga dadka lagu kala toocsado oo shacbiyad lagu helo.

Siyaasiyiintu waxa ay aad u dersaan meelaha ay uu mujtamacu u nugulyahay ee ay dhegtoodu u taagantahay, markaasey maqashiiyaan farriimo ay ku qiiro gelinayaan.
Golaafatanka noocaas ah maaha wax siyaasadda dalkeenna ku cusub ee waa wax siyaasi oo dhami adeegsado hadduu mucaarid yahay iyo haddii uu muxaafid yahayba.  Dawladdii Siyaad Barre ayaa aad u adeegsan jirtey luqadda goolaaftanka oo haddii ad idaacadda ka maqasho heesta “Samo-Diidow Dabin baa kuu dhigan Lagugu dili doono”, dad ayaa lagu socdaa oo la doonayaa ama in la dilo ama la xidho, heestana dadka ayaa lagu sii qiiro gelinayaa oo looga dhigayaa iney dadka lagu socdaa ay yihiin dad samo diid ah. Haddii ad idaacadda ka maqasho “Weynaan dareemine, dadka kii dhergaa u daran”, waxa loo socdaa in dad xoolahoodii lala wareego oo shicibka gaajoonayana looga dhigayo in xaqoodii ay dad dhergey cuneen oo loo baahan yahay.
Somaliland intii ay jirtey waxa aad loo adeegsaday laba goolaaftan oo ay kala adeegsadaan hadba cidii xukunka heysa iyo mucaaridka. Labadaa goolaaftan waxa lakala yidhaa “Fakhri-Maal” oo ay markasta adeegsadaan mucaaridku iyo “Baqo-Maal” oo ay adeegsadaan hadba cidii maamulka haysaa. Goolaaftanka noocaas ah waxa la adeegsadaa gaar ahaan marka dhinac doonayo inu dhinaca kale xaq duudsiyo ama danbi aaney laheyn saaro ama libin u diido. Waxa loo kala dheereynayaana waa shicibka
Xilliyadii sagaashanaadkii ayaa dawaladihii kala danbeeyey ee dalka ka jirey ay u eekaayeen iney ku tashadeen in la yareeyo saameynta ay xubnaha SNM ku lahaayeen maamulka. Markasta oo qolyahaa SNM ka soo jeedaa ay damcaan iney arrin soo jeediyaan ama talo soo sheegaan ama xaq maqan u doodaan, ayaa xukuumaddu kicin jirtey caadifadda shacabka iyaga oo ka dhigaya in dalka colaad iyo dagaal laga ridayo. Waxa la kicin jirey guurtida oo marka ahaa tiir dhexaadka dawladnimada, odayaasha iyo cuqaasha ayaa la abaabuli jirey. Meel kasta khudbad ayaa la isla taagaa la leeyahay “Waar ma qaxooti danbe ayaynu taag u haynaa. Ragbaa rabaa in dalka dagaal laga rido” iyo hadalo ay ka mid yihiin “ictiraafkii oo qarka inoo soo saran ayay manta rag doonayaan iney inaga kala tuuraan” Goolaaftanka noocaas ah Baqo-Maal ayaa la yidhaa oo indhaha dad ayaa lagu jeedinayaa qof kale oo ay u badan tahay in la dulmiyayo ama la aamusiinayo.
Mucaaridku isba ma yareysto ee marku arko dawlad wax dhaqaajisey oo aanu hayn wax uu kula beretamo ama ku dhaliilo ayuu isticmaala istaratijiyada loo yaqaan Fakhri-Maal oo ah in dadka lagu akhriyo in xoolihii umadda la cunayo iyagoo mujtamicii gaajoonaya. Dadka ayaa lagula dhex meereystaa hebel laba fooq ayuu ka iibsadey Dubai, gurina London ayaa iminka looga bineynayaa, xaaskiisuna 5 kilo oo dahab ah ayay iibsatey iyo wax la mida. Inta badan waxa dhici karta inaan xoolo badan oo la cunaa  meesha oolin, balse maadaama ay dadka shaqo la’an badani hayso, busaaradduna badantahay, aad ayay uugu dhago nugulyihiin hadalada noocaas ah.
Haddaba haddaad aragto mucaarid ku doodaya hantidii ummaddaa ayaa dawladdii cunaysaa, xoog ha uula qiiroon ee guul la gaadhey ayuu wiiq isleeyahay. Haddii ad maqasho dawlad ama muxaafid nabadgelyada hala ilaaliyo ku meereystaana, cid kale ayuu xaqeedii duudsiyayaa  ama wax kaluu ku garnaqsado ayuu waayey oon ahayn inu ummadda Baqo-Maalo.
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Maxamed Cali Bile
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.