Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo iyo Bogaadin: Sannad-guuro Wacan Dhammaan Bahda WEEDHSAN – W/Q. Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan

shaqaalaha mareegta WEEDHSAN, maamulkeeda guud iyo gebi ahaan, akhristayaasheeda iyo qorayaasha ku xidhan. Waxaan leeyahay, WEEDHSAN, waxaan odhan karaa waa xarunta maanta ay ku kala war-qaataan, dhammaan inta samaanta jecel, mar kasta iyo saacad kasta oo aan soo booqdana waxaan ka helayaa macluumaad  xiiso leh. Hadda mareeguhu wararka ka siman iyo waxsheega xaaladaha adduunka ee waxaan ku xushay, WEEDHSAN, waa dhinaca, Kobcinta Qalinka, Qoraaga, Afka iyo Suugaanta, iyo sheekooyinka dhaqanka iyo hiddaha ee aan laga helayn, meel kasta, tan labaadna waa Mareeg dhexdhexaad ah oo aan dhinac u kuusnayn, Sannad guuro wacan ayaan leeyahay.
Waa xarun samaantiyo wanaag, lagu xurmeeyaaye
Waa xarun xumaha laga digaa, laguna xeebshaaye
Waa xarun hiddaha lagu xusaa, laga xaq-dhawraaye                               
Waa xarun xushmadi taalla iyo, xeerin dhaqameede
Waa xarun xiisaa dadkiyo, xulata suugaane
Xadka dunida, xeyndaabka guud, qaaradahan xoonsan
Xalka nabadda, xeerbeegtinnimo, gar iyo xeesheeda
Xuska  diinta, xaraf iyo dhigaal, qalinka xooggiisa
Xurmayntii afkeennii wacnaa, sheeko xadad beeshay
Feker xor ah, warbixin xiisaliyo, xigasho waayeela
Xogta iyo qoraallada xardhane, xerada suugaanta
Xarunta WEEDHSAN baa laga hela, xaal kastay tahaye
xulashada mareegaha dalkiyo, xubintii weeyaane
Allow noo xasili waa mid aan, laga xasuus goyne!

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.