Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Facebook iyo Furihii Kalgacaylka! - W/Q. Maxamed Muuse Tiyo (Q. 1aad)

Barashadeeda waa uu ku faraxsanaa ,maalintuu bartay waxay uga dhignayd wax kale kuma gartide maalin qaran oo aad u wayn maalintaa hadal haynteeda daayee waxa uu taariikhda ayaantaasi ku qortay  gidaarka qolka uu seexdo

sheeko walba oo ay yeeshaan bilanataasi uu boqray waa uu ugu daraa taarikhda uu bartay ama ay kalmad is waydaarsadeen tolow taarikhdaasi waa goorma mooji bal adba!  is barasho dabadeed inanta uu bartay saaxiibkeen ee hoodo waa gabadh ladan oo reerkoodu lacag leeyihiin oo xaal aduun aad ugama war hayso.Inkastooy ay tahay qof alle u dhaliyay dabeecad wanaag iyo qalbi jileec.Farxaanna waa wiil alle xaalkiisa ogyahay isaga daayoo reerkoodu maalina way helaan quuto daruuriga marmarna dhuxusha daayoo dusuudii shalay wax lagu kariyay ayay waayan biyo lagu xalo istaaqfurulaha yaanan dusuud odhane digsigi kaliyaata ayaa wax loogu kariyaaye ayaa la waaya biyihii lagu maydhi lahaa , oo kaalay tolow maxaa dadkan aan isku dabaqada ahayn is baray ? dee qadarka iyo waayaha aduunyada  , oo hadaa ma isku iskuulbaa ? iskuulkaaba kala dhac  ma labadaasi dabaqadood ayaa isku iskuul noqon kara ? mayee ma noqon karaan , oo kaalay hadaa tolow ma suuqa ayuu ka bartay inanta ? maya inkastoo uu yahay wiil qalbi furan oo naxariis miidhan ah sidaasooy tahay hadana iskuulka  iyo bareefadka  uu dhigto ee inan ay ilmaadeer yihiin oo qurbaha joogtaa ka bixiso waxa uu ku tagaa lug labada galinba , oo kaalay inantaasi maxay ahayd ilmaadeerka yihiin guuled ee reerka sidan u baaba’aya  xaalkooda la socotaa  ?mar mar ayay reerka wax u soo tuurtaa guuleedna faankiisa mararka lagu faanaayo qaar wax aanu isku nahay ayaa qurbaha ku maqan waa uu ku darsadaa inantaa ay ilmaadeerka yihiin.Oo kaalay in qurbaha lagu maqnaaddaa ma faanbaa? Ha I waydiin .Hoodo iyadana imikay wadasita gaadhiga la baraa oo gaadhiga  ayaa lagu geeyaa meelahay dhigato, hadaa siday isku baranteen ? dee mid inkaar ma qabe ah oo ay saaxiib yihiin oo ay internetka ama faysbuuga (facebook)  mar wada barteen oo  inta ay faysbuuga(facebook) iskala xidhiidhaanba ay hablo u badanyihiin ayaa uu ka codsaday inuu gabadh baro ,isna muu diidine ilayn waa nin boqolaal ugu jiraane markiiba waxa uu tusay dhawr  hablood tallow ma moodaa rag diyaar ah oo kala xulanaaya hablahaa oo kaalay maxaad sidaas u leedahay ? sidee dee ma kala xulashada ? haa , adeer war ma hayside hadii aad lacag haysato waxaad tagaysaa  madarasada kuugu dhaw ee hablaha wax lagu baro dabadeeto sheekha istaaqfurulaha sheikh ma ahee waa kii uu saaxiibkay sheegaayee  (bahal gadhle)  oo  madarsadaasi ka maamule ah ayaad u tagaysaa ood u sheegaysaa hawshaad u socoto dabadeeto diidmo ma lahee waxay kusoo hor dhigayaan  sawiro iyo macluumaad sax ah oo ay ka hayaan gabadha  aad dooratay , maxaad sidasi u leedahay ? istaaqfurulaha mooji mooji allaa og arkhriste sheekadeenii inagu soo celi

Waa farxaan oo doortay gabadh cajabisay oo aad uu ula yaabay qurxdeeda waxaana kusoo dhacay tuducyadan heesta ah

Quruxdaadu inanyahay

Waa mid qiyaas lahaynow

Qaaradaha aduunyada

Kuma arag qayrkaaa…..!

Lasoco qaybaha dambe haddii alle idmo

W/Q Maxamed Muuse Muxumed (Tiyo)

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

© Weedhsan Corporation

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.