Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

FACEBOOK iyo Furihii Kalgacalka – W/Q. M. M. Tiyo (Q. 2)

Awoowgii la gub ma mooddaa mid dhulal badan maray oo dhaayo badan. Dabadeeto saaxiibkii ayuu ku yidhi saaxib ii dhiib Koobuyuutarka aan aniguna aan galo Faysbuugee. Saaxiibkii wax uu inyar I sug yidhaahdaba cabbaar kaddib waa uu u

dhiibay markuu sidaasi u furayba inantii oo magaceedii xifidiyay ayuu raadiyay iyo sawirkii qurxoonaa oo uu wali niyada ku hayo ayuu isla doontay, yaan waxba hadalka kugu daaline marka dhawr jeer uu magacii  ku baadhay ee ay hablo kale kaga soo baxeen ayuu mar danbe helay sawirkii uu maskaxda ku hayay iyo inantii hoodo oo shacnigeeda la yaabo  dabadeeto dhawr jeer si fiican u daaway kadib ku darsay iyaduna show waa ay ku jirtaabee ilayn waa reerkii aynu isla ogyne badanka hoodo way isticmaashaa netka ama facekaba markiibana way aqbashay  farxad ayuu la jeedsaday oo uu kor u yidhi yes yes saaxiibkiina waa uu ag fadhiyaa waar maxaa dhacay way I aqbashay ayuu ugu jawaabay.
Kalamaddii ugu horraysay uu ku yidhi (walaalo hoodo waan ku salaamay) isagoo naxsan oo is leh bilaa salaanta lagaa qaadi waayaa waxay igu soo jawaabtay (waa lagaa qaaday walaalo)
Inta uu farxay ayuu haddana is yidhi ilayn waa nin dareen galaye niyow inantu maxay kuu odhan wayday (waan kaa qaaday) hadana isagoo hoosta iskala hadlaaya isku qanci waata kula hadalaysee bal hadalka u furfur uguna celi (walaalo hoodo waran)  iyaduna ugu jawaabtay ( walaalo waa alx maansha allah walal ee su’aal ma ku waydiin karaa ?)
Naxdintii hore salleelo ayay ahayde dhidid waa wayni inta uu ku soo joogsaday si dag daga ugu jawaab walalo haa isagoo intaa hoosta iskala hadlaaya kana gurxamaaya (walaalo waad igu soo darsatay sawirkagana wan eegoo kuma garanaayo ee bal isku kay sheeg?)
Mar waa uu farxay farxaan marna waa uu naxay intii uu doonaayay in la waydiiyo ayay waydiisay hoodo marna waa uu naxoo jawabta markuu isku sheego ka dib ayuu ka fikirayaa waxay noqoni  uguna jawaab (walaal magacaygu waa magacasi igu qoran meesha farxaan anigoo jecel in aan si daacada wax kuugu sheego hadana laga yaaaba inaad I rumaysan waydo ,walaal waxaan ka helaa magaca la yidhaahdo hoodo markaasi anigoo baadhaya ayaa dhowr hablood oo magacaasi leh igaga soo baxeen dabadeeto adigaanan kaa helay sidaasaanan kugu soo darsaday )istaaqfurla, intaasi markuu yidhi ayuu istaagay isagoo sugaaya jawaabtu waxay noqon ayuu marna idhaha isku qabtaa marna soo jaleeca qoraal ay soo qoraysay hoodo dabeeto jawaabtu waxay noqotay sidan (walalo waadbaad u mahadsantahay labdii qofba mar ayay is bartaan walaalo hadii ay sidaasi kaa daacad tahay ood run sheegayso aragtidayda wax badan ayaa iska badalaaya walalo farxaan aadna waad u mahadsantahay adiguba waxaan filayaa inaad wiil wanagsan tahay maadaama aad si daacad ah u hadlayso )
Alla farxad waynaa miyaanu inta isagoo dhoolla caddaynaaya oo farxsan hoosta ka odhan tolow maxay ahayd yartan wanaagsan ee quruxdaasina leh uguna jawaab (ha walaalo aniguba waan ku farxsanahay hadalkaad I tihdi waanad ku mahadsantahay aqbalaada aad I aqbashay  ) hoodo iyaduna waxay tidhi (ok walaalo qoraalka si fican uma aqaano ee telephonekaygu waa kaase ee walaalo ila soo xidhiidh insha allah ) waaka yaabay e is yidhi waar tanoo kale maad arage dee malaha waa nasiibkagii inta uu qortay oo uu xifdiyay sidaanu uga lumin miyaanu in yar ka dib wacinba waa kuma haa walaalo waa farxaan jimcaale……
La soco qaybaha dambe haddii alle idmo
W/Q Maxamed Muuse Muxumed “Tiyo”
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Taxane © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.