Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Qofkii Rumaysnaa in Caddaaladi taallo Maxkamadaha Yurub, ha iska tuuro Fikirkaas!

Qofkii u haystay in nidaamka Sharci ee Yurub caddaalad wuu khaldanaa. Qof kastoo taageerayey in shaqsiyaadku, shirkaduhu, raga, dumarka, caruurta..ay dhamaantood u siman yihiin nidaamka garsoor ee reer galbeedka

, waxaan filayaa inuu meel khaldan ka akhriyey. Dadka rumaysan in baadhitaanada nidaamka qarniyada jiray ee reer Yurub inuu kala saari karo been-abuurka iyo cadeymada xaqiiqda ah, keliya ha u eedeeyo naftiisa yaqiintiisa habowsan.

Ama, eegitaanka go’aankii Breda, Holland, e emaxkamadu u gaadhay khaa’inka, budhcad degelada, isku tilmaama “saxafi soomaali madaxbanaan’ 19 Nov, 2012, wuu qoslayaa, waxaan aaminsanahy in go’aanka  garsoorayaasha maxkamada Breda, aqoon u lahayn ninkaa ku fikiraya inuu marin-habaabiyey.

Caddaalad la duudsiyey

Shirkadda Dahabshiil waxay dacwad ku oogtay Dahir Alasaw oo leh mareegaha Waagacusub.net, Waagacusub.com, Sunatimes.com, Waagacusub.org, somalilandpress.net, iyo kuwo kaloo badan..

Dahabshiil, ayaa baadigoobayey caddaalad ka helitaanka “sumcad-dilis uu sharaftii shirkada soo gaadhsiiyey Calasow, oo si joogto, iyo sabab la’aana u soo daabaco degelada uu beenta ku faafiyo muddo gaadhaysa shan sannadood.

Alasaw, oo adeegsada degelo khiyaali ah, ayaa ku fooganaa been-abuur joogto ah oo shirkadaa uu ku hayey. Qaar ka mid ah khiyaamiiyonka uu adeesado ayaa ah dhexdhigida nacayb, gaar ahaan beelaha habar-jeclo iyo Dhulbahante, Isaaq iyo Samaroon, dhalan-geidga waraaqo, iyo codod telefoon uu ku taageerayo beenaha aan jirin, kuna qorayo Waagacusub, oo lidi ku ah mid ka mid ah ilayska shirkadahha soomaaliyeed wakhtigan.

Been-abuur caddeymo

Qoraalo door ah oo maxkamada uu keenay, kana dhigay baadhitaano uu sameeyey, ayaa keligood dembiyo ugu filaa.

Qaarkood ayuu ku sheegay inay qoreen Dad shirkada Dahabshiil raadsanayso, balse dadka aayaan maxkamada horteeda wax markhaati ka furay ama la keenin, la-yaabka ugu daran, maxkamadii uma tilmaamin inuu xaqiijiyo ama beeneeyo, balse, go’aan sumcada ka dilay dhamaan garsoorkii Yurub ayey ka soo saartay khaanad, una dhiibtay, dhinacii caddaalada horteeda u soo doontay.

Dhinaca kale, xogahii shirkadda Dahabshiil maxkamada horkeentay ayaa ka koobnaa boqolaal page oo lagu sumcad-dilayo shirkada, kuwaa oo dhamanatood keliya u taagnaayeen qoraalada mid xanuun nafsi ama cuqdadeed hayo, oo la dhobdhoobay, si fududna qof sharciyaqaan ah u cadeyn karo, si toos ahna loo ogaan karo inuu been-abuuray Calsow ama degelada uu abuurtay.

Cadeymahaa ka sokow, maxkamadii Breda keliya waxay eegi karaysay macluumaadka uu Calasow ku beeniyey abuuritaanka qaar degelada uu beenaha ku faafiyo ka mid ah, oo dhegeysiyo danbe uu qirtay lahaanshahooda. 

Go’aankii maxkamadda

Maxkamadii Breda, waxay si cad u baalmartay soo saarista go’aan caddaalad ah, waxa kaloo muuqata in garyaqaanada Dahabshiil si wanaagsan u difaacin macmiilkooda, iyadoo keliya hadday raaci lahaayeen khaladaadii Calsow xilligii dhegeysiga maxkamadda guul gaadhi lahaa.

Dhegeysigii maxkamadu keliya waxuu dhiirigeliyey xoriyadda madaxbanaanida budhcad degelka Calasow. Aqbalaada been-abuurka Calasow oon cadeymo buuxda sidan, dhab ahaan waxay meesha ka saartay macnahii xoriyadda hadalka loola jeeday.

Dr. Abdi Hassan Abdullahi – Malta

Turjume: Mohamoud Ali Walaaleye

© WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.